Wararkii u dambeeyay Xiisada dagaal iyo Galmudug oo ku Guulaystay kala Qaadista Maleeshiyo Beeleed Hubaysan

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Galmudug ayaa ku guuleysatay in ay kala qaado maleeshiyo beeleed dagaal ku dhexmaray Deegaanno hoostaga Xananbuure iyo Caabudwaaq iyo xal ka gaarista dilal aanooyin ah oo dagaalkaas ka dhashay.

Mas’uuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Gudodomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-Qorow ayaa ku qanciyay Odoyaasha labada beel in ay kala qaadaan maleeshiyaadka.

Golaha waxaa kale oo ku sugnaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Dhuusamareeb, Saraakiil katirsan Ciidamada qaybahooda kala duwan, waxgarad kale iyo qaar kamid ah dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin kale ee goobta ka hadashay waxa ay sheegeen in aan loo baahneed dib usoo cusbooneysiinta dagaal beeleed sababa dhimasho, dhaawac, aano & barakaca dadka deegaanka.

Odoyaasha dhaqanka waxaa la hordhigay in ay kasoo dhalaalaan kaalintooda oo ah wax ka qabashada abaabulka kahor inta aysan dagaalamin maleeshiyaadka oo u badan dad xoolo dhaqato ah.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wax ka qabashada isku dhacdyada maleeshiyaadka hubeysan oo ka bilawda deegaannada naqa leh oo ay isku qabsadaan dhul daaqsimeedka iyo ceelasha biyaha laga cabbo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...