|

Garaad Cabdullahi Cali Ciid oo Turkiga ku Geeriyooday iyo Xasan Cali Khayre oo ka hadlay

Ankara ( Kalshaale ) Alle ha u naxariistee waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo kamid ahaa Isimada dhaqanka Soomaaliyeed, Gaar ahaanba Beesha dooratay ee (Warsangeli/Daarood).

Waxaa tacsi ka diray Geerdida Garaad Cabdullaahi Masuuliyiin kala duwan, waxaana kamid ahaa Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlay waxyaabaha uu ku Xasuusto.

Waxaan umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan ehelada iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyeynaya geerida naxdinta leh ee ku timid Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo kamid ahaa hoggaanka dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed, ahaana afhayeenkii isimadda Puntland.

Waxaan Garaad Cabdullaahi Cali Ciid horey ugula kulmay magaalada Gorowe, wuxuuna i siiyay talooyin ay ka muuqatay xilkasnimo, waayo-aragnimo, waayeelnimo iyo odeynimo, kuwaas oo dhamaantood aan wali xusuusto.

Waxaan ku xusuustaa inuu ahaa qof aan la gabban runta, dhab ka hadal ah, ahaana qof ay lexjeclo xooggan ka heysay dib usoo noqoshada Soomaaliya mideysan shacab iyo hoggaanba iyo in hoggaanka dhaqanka iyo siyaasaddu ay noqdaan talo wadaag, wax iska weydiiya, kana wada tashada sidii dareenka shacabka loogu jiheyn lahaa dowladnimo dhameystiran oo dalkeena dib uga hana qaadda

Inaa ilaah waa ileyhi raajiciin, naf walbaa waa tii geeri dhadhamisa.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=35970

Posted by on Nov 19 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

23 Comments for “Garaad Cabdullahi Cali Ciid oo Turkiga ku Geeriyooday iyo Xasan Cali Khayre oo ka hadlay”

  1. Alaha unaxariiso garaad c/laahi cali ciid

  2. Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.
    Garaad C/laahi Cali Ciid allaha u naxariisto.Afhayeenkii ismada Puntland buu ahaa.Wuxuuna ahaa shakhsi ku weyn quluubta shacabka reer Puntland waxa badan taladiisa iyo tusaalayntiisa lagu najaxay.
    Wuxuu ahaa shakhsi soomaalinimada iyo puntlanimadu ku wayntey.
    “Gaashaan biraad Noo ahayd Gooriyo ayaane Godka lagu janeeyow hadaad Aakhiro u guurtay Guryihii Janada eebahay kuugu Gogol fid”

  3. War ninkaan ileen sayid maxamed cabdulle xasan baa awoowe u ah waxaa dhashay
    Xaawo sayid maxamed cabdulle xasan
    Alow unaxariiso oday qiimo badan buu ahaa

  4. Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajucuun.
    Harti waxaa ka dhintay nin gees geesi dhalay.
    Puntland maanta waa gablan weliba Warsangeli.

  5. Xaange
    Ina adeer,
    Garaad Cali Ciid; stor man går ur tiden.
    Tråkig nyhet..
    Allah yaa arxan.

  6. Xaange
    Ina adeer,
    Garaad Cali Ciid; stor man går ur tiden.
    Tråkig nyhet..
    Allah yaa arxan.

  7. Xaange
    Ina adeer,
    Garaad Cali Ciid; stor man går ur tiden.
    Tråkig nyhet..
    Allah yaa arxan.

  8. ASC.
    Land of Punt Saaxib waan ku salaamay, Saaxiib Xaange ka wehesho Qoraalka afSomaliga WAA ku fiicanyahe. WBT

  9. Ahmed Somali
    Waa ku salaamay runtii salaan qiime badan.
    Xaange waa nin iga yaabiyey xagga aqoonta weliba dhinaca afafka.
    Waa nin afsomali, English, Norwegian iyo weliba Swedish oo uga masayray in iga badiyo, waayo waa dal ku noolaa ilaa 1984 oo gabar ka qabo..kkkkkk
    Xaange in Afsomali iga badiyo uguma masaysrin laakiin in af Sweden iga badiyo..I am not happy with that…kkkkk
    Waa run in afafkaas daadiyey, beesha Cumar Maxamud waa nin jeclaan lahaa in barto cidda korisay…
    Adiga iyo asaga waad isku dhunsan tihiin😎

  10. Ahmed Somali
    Xaange markaan af Swedish u qoray oo iiga soo jawaabay in magudbe ahay i qoray..kkkjkk😁
    Waa af Jamacad uga baxay oo ku shaqaysto oo caruurtayda af hooyo u ah.
    Ninkaas waa ka gabaday….🙌

  11. Ahmed Somali
    Sawirkaan asaga iyo Raysalwasaare Khayre waan hubaa in ku yiri midnimada Somali u dadaal oo ha dayrin shacabkaas SSC.
    Allah yaa arxan Garaad Cabdulaahi Cali Ciid.

  12. ASC.
    LOP Saaxiib, MAR waxaa jirtay, Anoo Qayd guntan oo kaba LÀ (caga cad), Aan Baabuurta laamiga maraysa dhagaxyey jiray dabadeedna Aan ayda (jiqda) ku cararijiray, dabadeedna Waxaan gaaray inaan Dayaaradi Adduunka ugu casrisanayd aan Duuliye ka noqdo, MARKA waxaad ku tiraah Xaange gocoshada ISKA DAA oo yaysan jeedaalo iyo waxay beeshu AHAA JIRTAY ku dilin LAYSKA dabayimide. WBT

  13. Ahmed Somali
    Adeer hadal qurux badan oo wax i xasuusiyey ayaad iisoo qortay.
    Waxaa tiri wiilkii qaawanaa oo baahna oo Hiiraan baabuur jidka maraya dhagxayn jirey, waxaan gaaray in diyaarad “sounds bariers” jabisay oo 10 000 km jaraysa saacadii in waday….yaab
    Ma waxaad ku jirtaa pilots hawada Xamar markaan caruurta ahaa; naga yaabiyey..
    Allow dalkii noo hagaaji.
    Adeer federal taageer iyo dalka in wada dhismo.. qaladkaagii hore waa in wax ka barato.
    🤲

    • ASC.
      LOP Saaxib, Kaa diiday inaan taageero Federal. ≈©≈SAAXIB, Waxaa xaqiiqaa, Haddii la baaro dhigayga INAAD ka heli; Xawaadle, Mareexaan, Shiikhaal, Ogaadeen Haddaan sii socdana Waxaan malayn IN ka badan laga helilahaa, MARKA maxaad ii gumayn oo aad iigu oodi Xawaadle kaliya?. WBT

  14. Lop
    Det var väldigt tråkigt att höra att en sådan framstående man har lämnat oss.
    Må Allah förlåta honom och skänka honom frid.

  15. Lop
    Bror hur kommer det sig att jag kan mer än dig på svenska när din fru och dina barn är äkta svenskar och ni pratar med vrandra varje dag medan jag snackar då och då.
    Jag tror inte på det

  16. Xaange
    Efter hjärtlig hälsningar, var bor du iday? har du flytat från Norge? back to Göteborg eller till vida världen..kkkkk🤠
    Xaange; Språk och kunskap är två olika saker, jag är tekniskt akademiker. kkkkkkkkkk😆
    Jag skämtar när jag säger; jag är så dum med språk..kkkkkk
    Xaange waan ogahay in si fiican u taqaan afafkaas kor ku qoray, see ku baratay?
    Ha det bra🖐

  17. Land of Punt
    Hälsar på dig också.
    jag har ej flyttat från Norge. Bor fortfarande här.Mina barn är födda här och de vill inte leva non annan ställe. Förbaskat Norrbaggar hhhhhhhhhhhhhh

  18. Xaange
    Norge är bra och rik land..Du och din familj bor närmaste paradise på jorden… kkkkkk
    War olyadaada iska dhuuq oo buuq yaree..kkkkkk
    Good night..sover snart🇸🇴

  19. Lop
    Norge är rikare än sverige men ändå fattigt i själen.De har skyhöga priser var och än man vänder sig. Ingen gratis mat i bamban t.ex.Barn måste ha matpacket till dagis.Waa gun gaajo ahayd oo lacag heshay, hhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh.
    Du får sova riktigt gott bror.Vi hörs

  20. Alla ha U naxariisto garaadka, dhawr cisho ka horna waxaa geeryooday walaalkii dabagaalle. Ilma Cali ciid waxaa dhashay xaawo seyid maxamed cabdilla xassan. Oo iyana dhashay Ina garaad maxamuud Cali shire.

  21. ASC.
    Xaange iyo LOP, ma waxaa idin cajibiyay Luuqad Ajnabi?, IYYADOO laydin kaga Baahanyahay INAAD u kala Turjubaantaan, Reer Buur-hakaba iyo Reer Caluula?. WBT

  22. ASC.
    Reer barxadda Kalshaale.ca, Waxaan isleeyahay Barxadda Adaa ugu weyne WAANO fidi ee Caqli iyo Aqoon midna ma sheegan. WBT

Leave a Reply to Gedo land

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented