Imaaraadka oo Xayiraad Cusub kusoo Rogay dalal ay Somalia iyo Kenya ku jiraan

Muqdisho  ( Kalshaale ) Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa markale xayiraad cusub ku soo rogtay dalal ay ku jirto Soomaaliya, sida ay maanta warisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Go’aankan ayaa la xidhiidha soo laba kacleynta cudurka safmareenka ah ee Coronavirus oo horey saameyn ugu yeeshay dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Wadamada uu saameynayo go’aankan cusub ee Imaaraadka ka soo baxay ayaa ka mid ah Somalia, Kenya, Yemen, Iran, Iraq, Pakistan, Afghanistan, Syria iyo Turkiga.

Xayiraada la saaray wadamadan ayaa la sheegay inay socon doonto illaa amar dambe, inkasto aan la shaacin waqtiga rasmiga ah ee la qaadi doono.

Imaaraadka ayaa Soomaaliya la leh xiriir ganacsi iyo mid diblumaasiyadeed, waxaana la sheegay in go’aankan uu sameyn doono muwaadiniinta Soomaalida ee u safra dalkaas.

Si kastaba Soomaaliya ayaa ka mida ah dalalka uu ku soo laba kacleeyey xanuunka Covid-19, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Maykadhegto says:

    Xaasaska yuhuuda mid Ka mida oo tiri waxbaan xayiray yaa u socda waaba yaabe




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...