|

RW. Rooble oo magacaabay Gudiyo Cusub oo Doorasho iyo Puntland iyo Jubbaland oo Weli la sugayo !

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha dowladda Federaalka ay ku dareyso Guddiyada doorashada Dowlad Goboleedyada 5 ah ee dalka.

Xubnaha lagu kordhiyay Guddiyada ayaa waxa ay ka kooban yihiin min 3 xubnood oo Guddi walba ee dowlad goboleedyada soo gudbisay lagu darayo.

Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa horay u soo magacaabay min 8-da Xubnood ee u matala Doorashada heer dowlad Goboleed.

Hase ahaatee dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo magacaabin guddiga doorashada heer dowlad Goboleed.

Dhanka kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha guddiga maamulaya doorashada xildhibaannada Banaadiriga oo dooshadoodu ka dhacayso magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddigaan ayaa ka kooban 11 xubnood sida la mid ah guddiga doorashadda Dowlad-goboboleedyada dalka.

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=35958

Posted by on Nov 19 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “RW. Rooble oo magacaabay Gudiyo Cusub oo Doorasho iyo Puntland iyo Jubbaland oo Weli la sugayo !”

  1. Kheyre ayaa kaa ragsanaa oo dhahey, waad boobikartaan Cadka, lkn MA KORORSAN KARTAAN KURSIGA.

    Reer Tanaasule iyo Reer Cad kama KACE ayaan ku heshiin sida loo maamuli Dalka Soomaaliya ( Sorry Xamar iyo Xamar daye )

    – SNM ka Ragsan USC

  2. Fahad Yaasin oo Ethiopia ah inuu Xamar ka rido Qalalaase iyo xasiloonidaro waxey muujireysaa ineysan jirin feejignaan iyo xasuusnaan – Dhiigii iyo Hantidii loo hurey in dib loogu soo celiyo system Democracy ah Somali Republic of 1960.

    – Hadduu Rooble fahmiwaayo wuxuu fahmey Kheyre, waa Nin GURIGIISA ka aqoon guryaha kale.

    – Dulqaadka Badan waa doqonnimo.

  3. Raysal Wasaare kale oo lagu qasaaray iga dheh.

    Walee nin Farmaajo keensaday oo fiican oo dadka u adeega ilaa iyo hada lama hayo…..

    Jaale Rooble Gareen oo ku biiray walaalahiis Lafta Gareen,Qoor Qoor Gareen,Guud laawe Gareen …!!

    Waxba isma dhaamaan kuligood waa wada Dameero.

Leave a Reply to Dabshid

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented