RW. Rooble oo magacaabay Gudiyo Cusub oo Doorasho iyo Puntland iyo Jubbaland oo Weli la sugayo !

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha dowladda Federaalka ay ku dareyso Guddiyada doorashada Dowlad Goboleedyada 5 ah ee dalka.

Xubnaha lagu kordhiyay Guddiyada ayaa waxa ay ka kooban yihiin min 3 xubnood oo Guddi walba ee dowlad goboleedyada soo gudbisay lagu darayo.

Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa horay u soo magacaabay min 8-da Xubnood ee u matala Doorashada heer dowlad Goboleed.

Hase ahaatee dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo magacaabin guddiga doorashada heer dowlad Goboleed.

Dhanka kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha guddiga maamulaya doorashada xildhibaannada Banaadiriga oo dooshadoodu ka dhacayso magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddigaan ayaa ka kooban 11 xubnood sida la mid ah guddiga doorashadda Dowlad-goboboleedyada dalka.

Kalshaale.com

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Dabshid says:

    Kheyre ayaa kaa ragsanaa oo dhahey, waad boobikartaan Cadka, lkn MA KORORSAN KARTAAN KURSIGA.

    Reer Tanaasule iyo Reer Cad kama KACE ayaan ku heshiin sida loo maamuli Dalka Soomaaliya ( Sorry Xamar iyo Xamar daye )

    – SNM ka Ragsan USC

  2. Dabshid says:

    Fahad Yaasin oo Ethiopia ah inuu Xamar ka rido Qalalaase iyo xasiloonidaro waxey muujireysaa ineysan jirin feejignaan iyo xasuusnaan – Dhiigii iyo Hantidii loo hurey in dib loogu soo celiyo system Democracy ah Somali Republic of 1960.

    – Hadduu Rooble fahmiwaayo wuxuu fahmey Kheyre, waa Nin GURIGIISA ka aqoon guryaha kale.

    – Dulqaadka Badan waa doqonnimo.

  3. Hobyo Godan says:

    Raysal Wasaare kale oo lagu qasaaray iga dheh.

    Walee nin Farmaajo keensaday oo fiican oo dadka u adeega ilaa iyo hada lama hayo…..

    Jaale Rooble Gareen oo ku biiray walaalahiis Lafta Gareen,Qoor Qoor Gareen,Guud laawe Gareen …!!

    Waxba isma dhaamaan kuligood waa wada Dameero.




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...