DF Somalia oo Taageertay Dawladda Itoobiya oo dagaal kula jirta Tigreega
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay taageero ugu muujisay dowladda federaalka Ethiopia oo dagaal kula jirta xisbiga TPLF ee xukuma gobolka Tigrayga.
“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa inay ku garab taagan tahay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuuriga ah, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Ethiopia.” Ayaa lagu yidhi Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay taageereyso midnimada Ethiopia in wada-hadal lagu dhammeeyo dagaalka.
Waxay intaas ku dartay, in ayada oo ah dal deris la ah dalka Ethiopia, ay diyaar u tahay inay taageeradeeda ku biiriso sidii dagaalka loo soo geba-gebeyn lahaa.
Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa aad isugu dhowaa tan iyo markii uu xukunka Ethiopia la wareegay Abiy Ahmed horraantii 2018, waxaana labada dal iyo Eritrea ay ku mideysan yihiin isbaheysi saddex geesood ah, oo ujeedkiisa lagu sheegay sidii gobolka uu u sameyn laha is-dhexgal dhaqaale.
Dagaalka gobolka Tigrayga ayaa billowday 4-tii November markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku eedeeyey TPLF inay weerareen saldhig ciidamada federaalka ay ku leeyihiin gobolka, eedeyntaas oo TPLF ay beeniyeen.
Ciidamada Dawladda Itoobiya ayaa sheegay inay ku dhowyihiin Caasimadda maamulka Tigreega, Waxaana Wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan inay Ciidamada Dawladdu guulo ka gaadheen dagaalka.
Kalshaale.com
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=35946
Haweenaydii SOOMAALIYEED, Ilan Omar,ee maraykanka parlamanka oo difaacday TIKREyga mekele lagu weeraray!! Xagay jirtay markii OGADEN region dumarka iyo caruurta lagu xa suuqayay, dabcan kooxdii GAROOWE kasoo qabqabanaysay ONLF bay la dhacsanayd, ADEER FAROOLE…
https://goobjooge.net/dowladda-itoobiya-oo-soo-saartay-amar-lagu-xirayo-jeneral-gabre-iyo-75-sarkaal-akhriso-liiska-magacyada/
Hawiye marka u talada dalka hayo
Ethiopia waa cadaw kooxda qeeyladhaana
Daasadahoda ayeey tuntaan
Nakruuma iyo dumarkeeduna ohin been
Ah ayeey camirtaan . Bal adba
Ina Geele Doofaar aka Ismaaciil Qarbad oo shirkado Tegree ah lacagta ku qarsanjiray,iyo 36 shirkadood oo ay ku qornaayeen Rag Tegree ah oo ay Ethiopia xanibtay.
Ismaaciil oo lacagtii Jabuuti u dhiibtay Ragii Tegreegakkk
Doqon Ismaaciil oo yaaban.
Dalmida
Waar maxaa uga shan iyo toban ah Soomaaliya dagaalka ka dhex socda cadowga Soomaaliyeed.
Caqli xumo weeye inay Soomaaliya la safato daanyeer Abiye.
Caqliga saxda ah waxa uu keenayaa inay ka aamuusto ama u dayso ururrada gobolka ee waaqlaynta ka sameeya meelahaasi.
Shaqayn mayso halkan odhaahdii ahayd cadowgayga cadowgiisa waa saaxiibkayga waayo waxaa meesha jooga laba cadow oo Soomaaliya iyo DDS waxban u oggolayn.
Villa Soomaaliya waa in loo loox jiidaa siyaasadda dagaalka iyo dibloomaasiyadda aammuska tixraacdeeda.
Adduunyo
Viva Soomaaliwayn
Down all Somali traitors
Farmaajo soo maahan Ninkii
Geedka ku soo talaaley Addiss Ababa
– Kismaayana Miinada u direy
Soo maahan ninkii 5ta Dekedood ee Dhulka Xamar iyo Xamar Daye u saxiixey Ethiopia
– QALBI-DHAGAXna Qasaasey
Miyaad Dib u aragtey Zakaria Xaaji iyo Max’ed Cabdi Yuusuf ( Oo leh Kakacaay)
Miyaad aragtey CULUMO LEH DASTUURKU WAA XAARAAN.
– Liibaaneyaashii lagu Liibaaney.
* SNM ka ragsan USC
Leon
Sheekada waraabaha iyo siyaasada ETHIOPIA waa is shaabahda,meeshay kal hore u joojiyeen baa TIKREA loo joojinayaa cabaadka weli ma dhowa, haday hada is dilaan iyo haday hadhow is dilaanba waa good news,
Sheeko DAAROOD vs HAWIYE mataal meeshaan, darbooyin ka waawayn labadaas baa laysku gamayaa,
Wasiirka arimaha debeda ee ETHIOPIA oo wacay dhigiisa Turkey “drones kii lala dhacay Armenia baanu degdeg ugu baahanahay” ku lahaa
I hope they’ll (Turkey) deliver on time,
Can’t wait to see Gabre oo drone madaxa ka haleelay, just like they did to others..