Muqdisho: Qoorqoor iyo Xasan Sheikh oo Shir Xasaasi ah ka yeeshay Arinta Doorashada

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamed ayaa kulan la Qaatay Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana kulankan looga hadlay Arinta Doorashada Xili Maalmihii lasoo dhaafay uu Muran ka taagnaa Gudiyadda Doorashada.

War-Qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug ayaa looga hadlay Kulanka.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa la kulmay Madaxweynihii hore Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Hoggaamiyha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Mudane Prof. Xasan Sheikh Maxamuud iyagoona ka wada-hadllay arrimo la xiriira geedi-socodka Doorahada 2020-2021.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay HSM ayaa si gaar ah loogu llafaguray maareynta marxaladda kala- guurka ah si hannaanka doorashadu u noqdo wadar-ogol ah, loo dhanyahay isla markaana loo simanyahay.

Hoggaanka Galmudug ayaa gundhig u ah geedi-socodka doorashadan, oo dhanka ka qeybgalka dadweynaha iyo deegaan doorashadaba kaga ballaarran middii 2016.

-Dhammaad-

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. Dabshid says:

    – Nimaad Nin ku tahey, Nin la isagama dhigo.

    Xoolahaan/hantidaan, Dhulka iyo Ciidankaan 5ta Soomaaliyeed isku hayo, ama la isku heysto – WAA XOOLO IYO DHUL HIRAAB.

  2. Baarqab says:

    Iska hadlaw ina igare.war naftiina ha hafrinina oo culeys aysan qaadi karin ga saarinina,boqokii geriiga ee cirka hayee iga dgeh

  3. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Mr. Qoorqoor waxaa laga rabaa caqligii reerka Saleebaan in lagaa arko. Waa in miiska aad la gadisaa daanyeer Farmaajo oo qatar ku ah xasiloonida iyo dowladnimadda Somaliya, waliba si gooni ah oo qatar saa’id ku ah bulshada Somaliyeed ee Koonfurta iyo bartamaha Somalia qaasatan Xamar. Waxaa kaloo muhiim ah in habeen iyo maalin la xasuusiya doqomadda sidda madaxweeyne Shiiq Shariiq iyo Ahmed Macallin Fiqi oo ah wasaqda dhahay ar farmaaja ii geeya. Waa in Farmaajo la raacdeeyaa maadaama uu wax ka barran dhibkii uu Afweeyne dadka Somaliyeed u keenay maadaama uu isaga oo eey Afrikaan ilaaliyaan uu rabbo in uu u dhaqmo sida kaligiis taliyanimadii adeerkiis Afweeyne.
    Dalmida
    God bless Somalia

  4. Garqaad says:

    Suuqa kala iibsiga hubka oo aad u kordhay iyo qiimaha qoryaha AK47 iyo PKM oo qiimahoodu laba jibaarmay maadaama uu batay dalabka hubka iyo cabsida laga qabo in lagu heshiin waayo doorashada oo cirka isku shareertay.

    Muqdisho wey foolaneysaa allaha badbaadiye.

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      Macallim Garqaad, annagu WAX MAGARATAAN Nahaye ABOOWOWE noo sheeg Sida loo kala Saffan AAN intay goorigoor tahay Gabbaad raadsane AMA aan Waddanka ka haajirne!!!. WBT

  5. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Macallim Garqaad, annagu WAX MAGARATAAN Nahaye ABOOWOWE noo sheeg Sida loo kala Saffan AAN intay goorigoor tahay Gabbaad raadsane AMA aan Waddanka ka haajirne!!!. WBT

  6. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh M/muud haloo sheego, INUU dhammaaday Xilligi, TOLLÀAYAY!!! IYO GURBAANKI Damaq Qabiil iyo Dan gooniya LA MATTAANAYNAY. ≈©≈WAR Garqaad ma garatay?!!!, War ninyahaw INTAA waad dhaante SEY wax kaa yihiin???. WBT

  7. Wagad wyrah says:

    Ninka yiri Hawiye ayaa dagaalamaya been waayo way lacagaysteen markii siyaad bare nin qaawani biyo iskama dhowro ayey ahayd AK47 qiimihii ha koco laakiin GOOFAFKOODIi baa qiimo dhicii
    Ninkii daarta ugu dheer dhistay baa yiri qorigaygii cadaa baan la soo bixi yaa kaaga futo xun




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...