|

MUUQAAL: Faysal Waraabe oo ka hadlay dagaalka Itoobiya iyo Eedaymo uu RW. Abiye u jeediyey (Daawo)

Hargeisa ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa ka Warbixiyey dagaalka iyo Colaada ka socda dalka Itoobiya

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaa muuqata inuu dagaalku yahay mid fidi doona oo aan ku ekeaan doonin Waqooyiga iyo deegaanka Tigreega”.

dagaalkaasi hadii aan la joojin wuxuu saamayn ku yeelan doonaa Geeska Afrika, Gaar ahaan inaga oo ah Somaliland waa inaynu sheegnaa Mowqifkeena iyo Wixii aynu tallo hayno.

Hadii aanu nahay Xisbiga Ucid waxaan leenahay Caqligu ha shaqeeyo, oo Xabada ha la joojiyo, Waxaan leenahay raysal wasaare isma qabato waxaan helay Biladii Nabadda iyo dagaal ayaan ku Qaadayaa Qayb kamid ah dalkayga, wax suurta gal ah maaha, Waxaan leenahay Caqligu ha shaqeeyo, oo hala bilaabo wadahadal.” Ayuu yidhi Faysal Waraabe.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=35807

Posted by on Nov 15 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

15 Comments for “MUUQAAL: Faysal Waraabe oo ka hadlay dagaalka Itoobiya iyo Eedaymo uu RW. Abiye u jeediyey (Daawo)”

  1. Dagaalkaan waxaa la dhahaa ( Dagaalkii Ethiopia iyo Dekedaha).

    Tigriya ayaa ka shiftey oo si deg deg ah dagaal ugu qaadey Eritrea lkn Ethiopia EMPIRE waxey rabtey dagaal JIITAMO oo Dekedaha Eritrea, Jabuuti, Somaliland iyo Somalia lagu qabsado.

    Feysal Waraabe 30 sano ayuu ka horeeya Somalilanders ka kale.

  2. ASC.
    Inacoloow, Danta iyo Dood Ila wadaagow!!!, Annaga Ma waxay Dantu noogu Jirtaa, INAY Itoobiya (Ethiopia) Burburto MISE iney ahaato Dawlad Midaysan?. ≈©≈Marka hore, waxaa Durbadiba kugu soo dhici INAY Ogaadenya ka Xuroobi karto Isticmaarka Itobia, LAAKIIN maxaa xigi? Bal saadaal!!! Annagoo tix gelinayna INUUSAN Isticmaarki Caddaa uusan ku ekaysanayn Daawasho Kalia. WBT

    • ASC
      Waa jawaab u baahan in laga eego dhinacya badan, sida
      1. Guud ahaan mandiqada Geeska Afrika burburka Itoobiya saameyn intee le’eg buu Ku yeelanayaa?
      2. Soomaali Galbeed inay Itoobiya wax la qaybsato iyo inay gooni u baxdo kee ugu badisaa waqtigan xaadirka ah. Arrimahan dadka u faradhuudhuuban bal ha taxliiliyaan.

      • ASC.
        Inacoloow adeer, Annagu ma nihin kuwii Runta hayyay, mana nihin Kuwii Somali u dooranaa, Balse waa nagu kasab inaan Hirarkaan rogmanaya aan ka dhex raadino Ràyigi aan ku badbaadi lahayn. ≈©≈Adeer anigu waxaan qabaa in, Hadduu Daadku qaado Ogaadenya INAY la macno tahay Somaliya oo Daad qaaday OO aysan jirayn Cid ka badbaadaysa Sababta oo ah Waxaan nahay HAL Jir kaliya, Marka, marka hore waa inaan Raadinno Saan ku badbaadi lahayn, YAASE xalki hayya?. ≈©≈Adeer xilligaan Sheekadi; Dir, Daarood, Hawiye, Raxanweyn iyo… Wey dhammaatay Waxaa la joogaa YAA Somali aheey!!!, Xalkina Waa callaqanyahay oo cidina ma hayso. ≈©≈Waxay ila tahay inaan hadba Mus jibaaxno Waa intaasu NAL noo shidmaaye. ≈©≈Saaxiib, horta Walwalku ma jiraa? Mise anaa meel cidla ka Baqday?!!!. WBT

  3. Dabshidow somalidu faysal waxay ku sheegaan nin waalan. Ok, hagaag! Bal hadaba is weydiiyo kaayagii lagu sheegay nin waalan haduu sodon sanadood somalida ka horeeyo bal kaayaga miyirka qabaana tolow imisuu somali ka horeeyaa. Jawaabta idinkaan idiin daayey. Berigii sayidku yimi berbera wakhtigii isticmaarka, ayaa reer berberi si wacan oo sharaf leh usoo dhoweeyeen oo weliba malcaamad quraanka quraanka caruurta loogu dhigo u fureen. Mudo markuu halkaa joogay ayuu caruurtii yaryarayd kubilaabay inuu baro xagjirnimo iyo dagaal. Waalidiintii caruurta ayaa dareemay in ninkani aanu caruurta inuu quraanka udhigo aanu magaalada ujoogine ee uu dan kale leeyahay. Nin kamida odayaasha reer berbera ayaa intuu kacay yidhi ” ninkani maantuu qabasho leeyahay hala qabto kani waxaasi maahee”. Markuu ogaaday in siyaasadiisii la fahmay ayuu cararay oo taleex degey. Wixii ka dambeeyeyna waynu ogayn wuxuu sameeyey. Wuxuu dilay kumaankun somali ah oo ubadan dumar iyo caruur. Waxaan ugajeeda mudo yar oo kooban ayaanu aragnay wuxuu yahay oo berbera ka erinay. Markaa faysal iyo reerkuu kasoo jeedaa meel fog ayay wax ka arkaan.

  4. Dabshid?

    Majiraan wax layiraahdo Somaliland iyo Somalia bale waxaa jira dal yiraahdo Somalia oo kuyaal geeska africa oo dhaca badwaynta hindiya iyo badda cas red sea.
    Ahmed somali majiro dal layiraahdo ogaadeenya balse waxaa jira dalyiraahdo somali galbeed. Sheekadaas haile salasse ayaa bixiyay oo soomaali galbeed doonayay inuu kala qaybiyo oo iskudiro. Faysal waa nin wayn wuxuu ogyahay dalkiisa Somalia Macalin Jun inuu unity noqon doono wuxuuna ka afeefanayaa in xoog lagumideeyo Somalia.

    • ASC.
      Leopon adeer, Waxaad ii sheegta Waqtiguu baxay magaca Somali Galbeed IYO goorta uu baxay Kan Ogaadenya. ≈©≈Adeer Waa iga doodwadaag. WBT

  5. correction error. Macalin jun= maalin uun.

  6. Waar Faysal Dhurwaa nin siyaasad garanaya maaahan. Haddii Xabashidu isku jabto maxaa Soomaaliya ka soo gaadhaya oo aanan ka ahayn cadowgoodii oo jabay iyo waxooga qaxooti oo qamadiga loo qaybiyo.

    Daanyeerkan wuxuu u naxahaya Xabashida. Midda kale yaa yidhi Nobel peace price baa la siiyaa nin nabada ka shaqeeya marka laga reebo hal nin mooyee.

    Dabshid aka Ugadanka/Axmar lover

    Dhaxaad qiiq isku qarin jirtay adigoo magac Hawiye sita.

    Dalalka Soomaaliya iyo Somaliland kulahaa.

    you busted saaxiib. Raasana ka soo qaxday, u niikiin iidoorna ku dishay.

    Nin qarnnimo ayaa u muuqata ninna ajandaha kala qaybinta Soomaaliya ayuu ku taamayaa.

    Kaaf iyo kala dheeri

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  7. Ali Zubeer, yaa Axmaaro dhiig u shubay oon adiga ahayn. Dagaalkan hadda socda waxa abaabulkiisa lahaa Afwerkiga Eriterea, ninkaasi waa nin damaciisu gaahdissisan yahyay inuu Ethiopia oo 100million oo qof ku nool yihiin uu siduu doono k yeelo iasagoo dalkiisa ku nool yihiin 3 million, wuxuuna ogaa in cidda keli ah damiisaa h=ka hir iman kartaa ay yihiin Tigrayga oo isku qoomiyad yihiin. Ninkaasi wuxuu jeebka ku ritay Abiye Axmed iyo Farmaajo, isagoo ka fogeeyey labadii madaxweyne ee isaga ka waayo aragsanaa, Ismaciil Cumar Geele iyo Cumar-al Basjiirkii Sudan Qorshihii uu Ethiopia u dhgay waa hirgalayaa waxase la is weydiinayaa waa maxay qorshsha uu Somaliya u dhiga.

    • ASC.
      Baaruud, adeer Qabiilkeed u ciyaartaa Ma kuukuuyo Mise Axmaaro BERDU Ali Zubeer Somalinimo kuma gaartide. WBT

      • Ahmed Somali
        Miyaanan hore kuugu sheegin in laga soo gudbay xilligii la isku khaldi jiray Somalinimada beenta ah, Axmaar baa dhiig loo shubay baan ku idhi

  8. Muxuu ahaa arooska labada caruura ee halka hoose ku jiraa. Yarku wuxuu sheegay inuu 16 jir yahay, dareenkiisuna kacsan yahay, dareenkaa uu ka hadalayo waa la fahmi karaa laakiin intaa wxa dhaafsiisani ma jiraan. Waa in Somalidu meel ay joogtaba laga wacyi geliyaa xadgudubka carruurta lagu samaynayo. Waxa jiray wiil ka da’diisu 16 tahay oo laba dumara oo wlaakii ka dhintay lagu khasaby inuu dumaalo, labadii dumrahaa inankii yaraaaby isaga kaceen oo habeenba midi kaxaysatay, waxa iigu dambaysay isagoo ciyaal tahriibaya raacay oo Libiya sii socda. Xaquuqda carruuta ha la ilaaliyo haddii la doono bulsho suubani inay soo baxdo

  9. Ali zubeer aka timirtii horeba dabloo waa alaylehe ada ah amxaar lover nin kaa sharaf badan ayaad ku caayeysaa ugandan lover.

    Axmed somalina aka ODAY BIIQAY just one of your sycophant,

    labadaa libaax ee ku hirdamaya markay kala dhamaadaan adigu amxaarkaagii uun baad weelka u xali

    yaa soomaliyaay iyo warkaa goormaa laga tagay wallaahay maalintii ay djabuti goosatay inaanay ku biirin wixii laysku odhan jiray zoomaliya ayey ugu talo fiicnaayeen

    ali zubeer somaliland tan aad ku khafiiftayna maanta maali ay ka xoog wayn tahay ma jirto xooga iyo dhaqaalaha somalilandna wax ku biira mooyee waxba kama dhaco

    dhuusada xabashiga la qabo

  10. Baaruud

    kkkkkk

    Ma anigaa taageersan daanyeer kasta oo Axmaar dhiig u shubo ama Somalia ugu dhex niikiyo.

    Waar dadka waxa aanay qabin lala ma daba ordo.

    Cohen…….

    kkkkkkk

    Haddaad ka jawaabi waydo warka Suldaanka go people you measure up with not Suldaan Ali Zubeer. Miskiin.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented