Dawladaha Maraykanka iyo Suudan oo Gaadhay Heshiis Cusub iyo Waxa dhacay !
Nairobi ( Kalshaale ) Dawladaha Suudaan iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo celinayo xasaanaddii madaxbannaanida ee Dowladda Suudaan ay ku lehayd Caalamka.
Wasaaradda Caddaaladda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in heshiiska lagu xallin doono kiisas ka dhan ah Suudaan ee la geeyo maxkamadaha Mareykanka, oo ay ka mid tahay qaraxii lala beegsaday safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tansaaniya sanadkii 1998, kaas oo Suudaan ay ogolaatay in ay bixiso $ 335m oo magdhow ah dhibbanayaasha.
Toddobaadkii hore, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu ka qaadayo Suudaan, ka tiraya liiska dowladdaha taageerra waxa loogu yeero argagixisada oo lagu daray sanadkii 1993, markii ay ballanqaadeen in ay ku bixinayaan magdhawga qaraxyadii lagu weeraray safaaradaha Maraykanka.
“Dowladda cusub ee Suudaan, oo horumar ballaaran sameyneysa, waxay oggolaatay in ay siiso $ 335 MILLION dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaskooda. Markii la saxiixo heshiiskaan, waxaan ka qaadi doonaa Suudaan liiska wadamada taageera Argagixisada. Ugu dambayntii, CADDAALAD dadka Mareykanka ah iyo tallaabo weyn oo loo qaaday Suudaan! ” Trump ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay horaantii bishaan.
Go’aanka kadib, Trump wuxuu ku dhawaaqay heshiis caadi ah oo udhaxeeya Suudaan iyo Israel.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=35122