|

Madaxwaynaha faransiiska oo ka laabtay Taageeradii Sawirada loogu gefay Nebi Maxamed SCW

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Aljazeera ayaa Macron waxa uu kaga hadlay carrada ka dhalatay sawir-gacmeedyada aflagaadada ah ee uu daabacay wargeyska Charlie Hebdo.

“Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan.

Macron ayaa horey u sheegay in France aysan joojin doonin sawir gacmeedyada, isaga oo ka hadlayey dilka macalin loo gowracay sawir gacmeedyadan dartood, kadib markii uu tusay ardaydiisa.

Hadallada Macron ayaa carro xoogan ka dheliyey dunida Islaamka, gaar ahaan maadaama ay yimaadeen maalmo un kadib markii uu sheegay in diinta Islaamka ay tahay mid qalalaase ku jirta meel kasta oo dunida ka mid ah.

Macron waxa uu wareysiga ku yiri “Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda, sidaas darteedna dadka ay u fahmeen inaan taageersanahay sawir gacmeedyadan.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa jiri dad roga Islaamka ayaga oo sheegayana inay difaacayaan diintan.”

Macron ayaa sheegay in Muslimiinta ay yihiin kuwa saameynta ugu weyn kala kulma dhaqanka kuwa Diinta qalloociya.

Macron, oo u muuqda inuu doonayo inuu dejiyo xiisadda iyo cadhada ka dhalatay hadalladiisii hore oo keenay in badeecadaha Faransiiska laga qaadaco dunida Islaamka, ayaa sheegay in dowladdiisa aysan marnaba qaadan sawir gacmeedyo aflagaado ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gérald Darmaninayaa sheegay inay suurta-gal tahay weeraro kale oo ka dhacay ciidda Faransiiska. “Waxaan dagaal kula jirnaa cadow gudaha iyo mid dibedda ah, iyo fikradda Islaamiyiinta,” ayuu kusii daray.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=35116

Posted by on Oct 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Madaxwaynaha faransiiska oo ka laabtay Taageeradii Sawirada loogu gefay Nebi Maxamed SCW”

  1. Waar nijaaska gaalka ah waxba yuusan iska dhigin inuu ka noqday wargeyska Yuhuudda ee aflagaadeey Nabigeenna scw iyo taageerada uu siiyay.

    Muslimiinta waa inay cadhadooda ku muujiyaan boycott ay ku sameeyaan French products si jilbaha ugu dhufto Faransiiska dhaqaale ahaan. Laba daraadle ka helayaan shacabka Islamka fransa sinnaan iyo caddaalad dhab ah iyo ixtiraamka diintooda, nabigooda scw iyo muqadasaadkooda.

    Marcroon haddii uu run sheegayo waa inuu jornaalkaasi dhaawacay dhaqaalahooda xidhaa, islamarkaana ku qaadaa qaanuunka isir nacaybka la mid ah midda yuhuudda lagu ilaaliyo dalkaasi iwm.

    The economic power house of two billion Muslims around the world must unite to ruin French fragile economic.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  2. Alloow soo dadaji halaaga Gaalkan u gafay Rasuulkeenii Suubanaa Maxamed SCW.

Leave a Reply to Hobyo Godan

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented