Trump oo Weerar Cusub ku Qaaday Ilhaan Cumar oo Laf Dhuungashay ku noqotay
Hargeisa ( Kaslhaale ) Donald Trump Madaxwaynaha dalka Maraykanka oo goob fagaare ah kula hadlayey boqolaal ka mid ah taageerayaashiia ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday, Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congresska dalkaasi.
Trump ayaa inta uu waday hadal-jeedinta ku soo celceliyey magaca Ilhaan Cumar, illaa ay ku buuqaan tageerayaashiisa.
Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in Ilhaan oo ah gabar Soomaali ah aysan jecleyn Mareykanka, islamarkaana ay ka doorbideyso dalka Yemen, sida uu hadalka u dhigay.
”Ilhaan Cumar waxay jeceshahay Yemen, laakiin ma jecla dalkeena,” ayuu yidhi madaxweyne Trump.
Madaxweynaha Mareykanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey Ilhaan Cumar iyo musharrax la loolamaya Joe Biden inay doonayaan inay Mareyanka soo geliyeen qaxooti fara badan.
“In 700% la kordhiyo qaxootiga laga soo qaado meelaha ugu halista badan ee argagixisada meel kasta oo adduunka ah oo ay ku jiraan Syria, Somalia, waa siyaasadda Ilhaan Cumar iyo Biden,” ayuu yidhi markale Madaxweynaha Mareykanka.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan Ilhaan Cumar ay ku eedeysay Trump inuu qeyb ka yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee fashilan, gaar ahaan tan dalka Yemen.
Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=35112
Trump waa siyaasad fiican inaanu nagu caawin qaxa iyo qaxootiga lagu wado umada soomaaliyeed, dhulkayagaan joogaynaa, good job, waa laga faa’iiday cunsurinimada trump ee QAXOOTI diidka ah …
Waan kugu raacsanahay dadku inay dhulkoodda aaminaan oo ay iska daayaan u hanqaltaaga wadamo shisheeye.
Muslin iyo somaliba wax badan baa ugu kordhay Trump waayo wax la qariyo qudhun baa ku jira
somali maalin dhow baa lala wareegayaa dalkoodii wacnaa iyana noqon xaqoonti
silica somali haysta maanta waa uun aduun raadis maaha wax kale
carurtii ku dhashay ama la keenay iyagoo yar yar maanta lama hayo waa tageen siiba wiilashii
ragiina waxay isku haystaan qabiil meelaha lagu cabo shaah ama cafee,
reer baaba weeye calaa kulixaal somaliyi gabadhan ILHAN kursigeeda uun bay rabtaa sida kuwa kaleba
kuweediiba waxa agfadhiya maanta ninkaa cad ee siyaasadu isu keentay ALLOW ALLE.
Waar Trump waa daanyeer gaal ah oo beenaale ah. Qaxootiga dowladda ugu wayn ee samaysa waa Mareykanka. Iyagaa taageera dictators haddana ku xasuuqa shucuubta dalalkooda ka gadaal keena Mareykanka. Marka ay keenaan USA iyagaa diintooda iyo dadnimadooda kala dagaala. Ogow dowrka waalidka ma qarin karno ee ilaalinta caruurta.
Haddii uu run sheegahayo ha joojiyo taageeridda dictators haba la arkee cid u hayaanta dalkiisa.
Daanyeer conman ah
Adduunyo
Viva Soomaaliwayn
Down all Somali traitors
Kkkk, Suldaan Zubeer,
Waa runtaa madaxweeyne Trump waa daanyeer waxyaabbo badan ku qaldan [economic policy giisa waa ok] laakiin waxyaaba kale oo qatar ku ah Mareeykanka iyo aduunka ayuu ku dhaqmaa, sidaas owgeed Nov 3ka boorsadiisa ayuu ka qaadan aqalka cad.
Waxaa kaloo runtaa ah in Mareeykanka aqli xummo darteeed uu taageero madax baddan oo daanyeero ah oo kaligood taliyayaal ah kuwaas oo u badan wadamadda carabta iyo Afrika, taas oo abuurta qaxooti badan xadgudub iyo fashil wqdamaas ah dartood.
Joe Biden waxba ma dhaamo Trump meelaha qaarkoodna waaba ka xunyahay. Waxaan ka baqi in uu Isaganna Mareeykanka burburriya kadib marka uu Ilahan Omar u magacaabo dept of home land security lols
Dalmida.
God bless Somalia
Bro Cadaado
Waa sidaa weeye. Sida dhabta ah value and akhlaaqda waxaa noo dhow Republican laakiin xagga xorriyadda iyo midab kala sooc yaraanta demons.
Dhinaca kale Joe Biden waa iska tuug not like big Trump capo laadaro inuu ka dhigo Ilhaam Cumar DHS or State Dep secratary waa suurtagal waayo waxaa badi America wasiirra ka noqda kuwa dadka ugu liita.
kkkk
Adduunyo
Viva Soomaaliwayn
Down all Somali Traitors