|

Baarlamaanka Cusub ee Hirshabeelle oo Dhaariyey iyo Doorashada

Jowhar ( Kalshaale ) Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu dhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle, waxaana goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga soo xulay iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Goobta lagu dhaariyay waxaa ku sugnaa 90-Xildhibaan oo qayb-qayb kitaabka gacanta loogu saaray, saf dheer ayay u galeen miis la dul dhigay Kitaabka Qur’aanka Kariimka si loogu dhaariyo.

Waqtiga dhaarin ayaa muddo dib u dhacday sabab la xiriirta buuq iyo muran hareeray, kadib markii Xildhibaannada qaar loo diiday in ay gudaha xarunta galaan, maadaama ciidamada ammaanka ay ka qaadeen warqadaha aqoonsiga uu guddiga farsamada siiyay.

Xubnaha Guddiga bixiyay aqoonsiga Xildhibaannada ayaa kusoo baxay oo ugu dambeyn fududeeyay in la dhaariyo Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle oo laga sugayo doorashada Guddoonkooda, Madaxwenaha iyo ku xigeenka.

Dhaarin kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiilada DG Hir-Shabeelle ayaa iska dhex doortay Shir guddoon KMG ah, Maxamuud Siyaad Barqadle oo ah mudanaha ugu da’da weyn 90-ka Xildhibaan ayaa loo xushay guddoominta kulamadooda ugu horeeyo.

Marka la eego Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee  Hir-Shabeelle intooda badan waa da’yar, inkasta oo muran iyo guux siyaasadeed uu ka yimid habka loosoo xulay laguna dhawaaqay Liiskooda.

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=35109

Posted by on Oct 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Baarlamaanka Cusub ee Hirshabeelle oo Dhaariyey iyo Doorashada”

  1. Kitabkaa baa dilay somali beenta loogu dhaarto in laga daayo baa fiican si loo badbaadiyo dalka iyo dadkaba .

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented