|

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo Qaaday Tallaabooyin uga sii daray Xiisada Taiwan

Ankara  ( Kalshaale ) Dawladda Shiinaha ayaa dib u billowday xiisad xoogan oo muddooyinkii dambe kala dhaxeysa Taiwan, oo ay ku doodo inay tahay qeyb ka tirsan dhul-weynaheeda, halka ay iyaduna taasi badalkeeda ku andacooneyso.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay baraha bulshada ku baahinayay hadalo u muuqday kuwo uu ku durayo Taiwan, isla markaana meesha ka saareysa madax-banaanida ay sheegato.

Safiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Taiwan oo sheegata inay hore uga go’day Shiinaha ay weligeedba ka sii mid ahaan doonto, ayna si adag u ilaalin doonaan madax-banaanida dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna meesha ka saaray in Shiinuhu duulaan uu ku yahay dalalka xiriirka la sameystay Taiwan, balse uusan aqbali doonin in dhul-weynihiisa la kala gooyo, isla markaana uusan diyaar u aheyn inuu lumiyo taako dhulkiisa kamid ah

“Shiinaha ma weerari doono dalal kale, laakiin weligii ma ogolaan doono inuu dalna weerarro. Ma dhiiri-geliyo khilaafaadka, laakiin weligii kama baqdo. Madax-bannaanida dhuleed, waxay la xidhiidhaa Sharafta dalka iyo Qaranka. Waddan walba wuxuu si adag u ilaalin doonaa Madax-banaanidiisa dhuleed, weligiina ma lumin doono Taako dhul ah” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu qoraal kale oo uu baahiyey ku yiri “Shiinaha wuxuu leeyahay Taariikh iyo dhaqan 5000-kun sano ah, Taiwan waxay ahayd dhulka Shiinaha 5000-kun sano ka hor, waxayna ka sii mid ahaan doontaa dhulka Shiinaha illaa dunida la rogo”.

“Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo Wax walba Qiimo kasta ha ku kacee, Marna uma ogolaanayo Taiwan inay ka go’do dhulka China, waxaanuna si adag u difaaci doonaa dhulkayaga Qaran”.

Xiisada Taiwan iyo Shiinaha ayaa sarre usii kacday, kadib markii Taiwan ay xiriir diblumaasiyadeed ay la sameysatay Somaliland oo ah maamul ka tirsan Soomaaliya, balse ku doodo inuu ka go’ay, isla markaana yahay dal madax-banaan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=35090

Posted by on Oct 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo Qaaday Tallaabooyin uga sii daray Xiisada Taiwan”

  1. David v Goliath

    America and many other countries have close ties with Taiwan therefore Somaliland is in good position to put its name globally

  2. Cohen

    You were always parasite on gaalka saanta cad in which fail you to sail through.

    Dagaalkii daraawiishta waxaad rukuub u ahayd ingiriiska meeshuu ku dhigayna waa ogtahay, maantana gaalka xabashida iyo gaalka bowda gaabta indha yarta.

    Dhaxaan arkay Iidoorka qaarkii oo ku ceeboobay gaal jacaylka iyo Soomaali nacaybka.

    Waar haddaad wax taraysa ka badbaadi caruurta Hargaysa gaalka aka homo man Cooper Anderson ee xumaha barahaya inta uu school ka furay Hargaysa.

    Magaca Iidoor baa dunida laga maqli kulahaa…..kkkkk. Miskiin

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  3. Fcagdheer FYI when Anderson Cooper speaks America listens. You are jealous because CNN sent him to Somali Land to cover the most successful school in the region, Abaarso, and the great job they’re doing. The graduates of the school end up attending the best schools in America for free. Intaasaad ka xuntahay.xaasid fowqal xaasid. Walahi Hartford, Stanford University and other Ivy league schools ayay toos u tagaan through scholarships. I met the head of Abaarso (Jonathan) in Hargeisa and Washington DC few times and you just can’t believe it how proud he is for our smart students. Intaasaad ka xuntahay xaasidyohow.

  4. Ali zubeyr haku fogaan Cohin & Cooper ragii qarnigii hore dusha ku qaaday waxa kabadan weligeed khayr qabayaasha allahu raxim xaaji adan afqaloc,Sh.bashir,farah omar,Sh.mustafe,Sh.ali Warsame,dirir,……,,,& ehlu khayro tira badan Maasha allah hablihii qaaliga ahaa ee 77 wacdaraha ka dhigay magaloyinka burco,berbera,hargeisa,eregavo & magalada muqdisho ugu ducay hadayad iyo is jeclanta ummadda wcs

    • Bro waa Sidaa

      Suldaan Ali Zubeer badhkiisu waa durriyadda weligiisa iskuma qaban oo culimo iyo wax garadba iwm waan ka soo reebaa. Mahadsanid

  5. cagdheer way xanuunsaysaa hadii somaliland ay maqashaba
    allaahu akbar somaliland syndrome dadka qabaa badana

    dawadiisa ka liqa xanuunka

    SNM 1000mg capsule
    take ONE capsule (1000 mg total) by mouth (four times a day 7 days
    before you take listen to somaliland national anthem(samo ku waar)

    SIDE AFFECTS
    while taken medicine avoid kalshaale

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented