|

MUUQAAL: Khaatumo oo ka baxday Heshiiskii Somaliland, Kadib Geeridii Prof. Cali Khaliif Galaydh (Daawo)

Buuhoodle ( Kalshaale ) Waxaa maanta Shir isugu yimid magaalada Buuhoodle Qaar kamid ah Labada Golle ee Maamulkii Khaatumo,Waxayna ku dhowaaqeen inay ka baxeen Wahadalkii ay horay ula fureen Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu dhowaan Geeriyooday Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh iyadoo aan Weli la fulin Heshiiskii uu la galay Somaliland, Sanadii 2017 , Gaar ahaan Xukuumadii Axmed Siilaanyo.

Gudoomiyaha Baaralaanka Khaatumo Maxamuud Sheikh cumar oo horay uga mid ahaa dadkii Goobjooga ka ahaa Heshiiskaasi, ayaa Go’aanada maanta Warbaahinta u Akhriyey.

“Wadahadalkii Maamulada Khaatumo iyo Somaliland, laga bilaabo maanta waanu hakinay, Cid nagu metasha ma jirto“.

Bulshada Khaatumo waxaanu ugu baaqaynaa inay isugu yimaadaan shir looga hadlayo Aayaheeda”.

Waxaanu u joojinay Wadahadalkii Somaliland inaanu dib uga tashano, Mid maamul, Mid Goleyaasha Khaatumo ah iyo Siyaasiyiintaba “. Ayuu yidhi Maxamuud Sheikh Cumar.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34638

Posted by on Oct 20 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

16 Comments for “MUUQAAL: Khaatumo oo ka baxday Heshiiskii Somaliland, Kadib Geeridii Prof. Cali Khaliif Galaydh (Daawo)”

  1. Way u hawlyareeyeen Somaliland awalba Cali khaliif uunbaa lagu sharfayay e wkhaatymo waxba gacanta ugumay jirin hadaumy ka baxeena sidaas bay so

  2. Bilaa gorgortan bay Somaliland kaga MID ahaan markaa iyaga uun baa is dulmay

  3. awalba meesha hashiis kama jirin ee marqaan baa ka jirey # maxa laga heshiiyey maxaase lagu heshiiyey yaase heshiiyey
    waa sheeko marqan uun

  4. ASC.
    WAR Beeshaan Dhulbahante, WAA xaqiiqo inay Inkaar qabto oo lagu Inkaaray inaysan Abidkood gaari midnimo dhexdooda EE bal Marka hore HAKU DUCAYTAAN in ILAAHEEN SWT uu waafajiyo dariiqa Saxda. ≈©≈DABADEED waa Inay isweydiiyaan SABABTA ay ku kabsadeen Tafaraaruqan Kana ducaystaan. WBT

  5. Kan hadlayaa yuu metelaa?

  6. Laalays
    Awowe magacan khaatumo waxa laodhanjirey Cali khalif ayeydii aun waa sidaas

  7. mingistume soo Dag

    tani waa fikraddii ugu xumeyd ee aan waligey maqlo’kkkk doqonimo :(iga-dheh)
    —————————————-

  8. Gaafaw

    Dhinaca baadhitaanka khatar ayaad ku tahay!

    Labadaba awooee eebe ha u naxariisto, janatal fardawsana albaabadeeda haw furo.

  9. Odaygan yar haloo sheego Somalia hal dawlad baa caalamka u aqoonsan yahay wixii ka sokeeyaa waa KARABAAKHLAND

    sheekooyinkii MELES iyo jamaacadiisii waa gabogabo ee danahaaga, hadaad buuhoodle joogto kusoo biir ONLF iyo kililka, halkanay SOOMAALInimada xoog ku leedahaye..

  10. Khatumo State waxaa ku khammaarey raggeeda iyo horgalayaasha jooga Hargaysa iyo Garowe.

    Weli lama hayo raggii hanan lahaa Khaatumo state of Somalia.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  11. ASC
    Ali Zubeer
    SHaki la’ in DHulbahante wax si ka yihiin, culeys aan beelaha kale qabina uu qabo, Allaha u Yasiro.
    INKASTOO HARTIGA DHAAWAC IYO DHIBIBI SOO GAARAY
    DAAROODKU WAW WADA DHAN YAHAY DHEELIGAAS GALAYE
    IN DHULBAHANTE DHEERAAD QABAAN CALI U SII DHIIBAY. Hada Cali dhimaye yaan fariintan u sii dhiibnaa.

  12. Dadkani waa dadkii dhibka Somaliya oo dhan ka geystay, gobolada dhexe, waqooyiga iyo koonfurtaba iyagaa hormood ka ahaa wixii dhacayey. Sidee ugu haysataan inaan dhibkaa haddii dadku ka jari waayey aanay ilaahay ka jareyn. Weli la isma gaadhin

  13. Maanta waa maalintii madoobeyd (21 Oct.) ee dimuqraadiyaddii cusbayd ee la barbaarinaayey afka dhulka loogu dhuftay, waa maalintii dawladnimadii la majaarahaabbinaaye ee qabiilka loo bedelay, waa maalintii private sectorkii xididada loo siibay, jacaylka ummadad somaleyye ka dhexaysayna loo bedlay nacab iyi kal yaac.

    Hargeysana xafladanaa manat ka dhacday:

    Araboco, October 21, 2020 (HOL) – Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin ayaa guddoonsiiyey Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) bilad sharaf loogu abaal gudayo kaalintii uu ka qaatay badbaadinta shacabka reer reer Hargeysa, mudadii ay colladda u dhexesay SNM iyo xukunkii siyaad Barre.

    Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) ayaa wuxuu ka mid ahaa duuliyayaashii ciidanka circa Soomaaliyeed eeka howl galayey gobolada waqooyi ee uu dagaal xoogan ka socday. Waxaana amar lagu siiyey in uu soo rusheeyo magaalada Hargeysa.

    13kii bishii July ee 1988 ayaa Duuliye Axmed Dheere oo watay dayaaradda dagaalka ee nooceedu ahaa MIG-17 go’aanna ku gaaray in uu dayaaradiisa ku dajiyo xaabta Jabuuti. Ilaaheeyna waa ka badbaadiyey qatartii uu u galay naftiisa.

    Dalka Luxemburg ayaa magan-galyo siyaasadeed siiyey Axmed Dheere, halkaas uu ku noolaa muddo ka badan 30 sannadood.

    Dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa ayaa si weyn u soo dhaweeyey duuliye Axmed Dheere oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Banaadir.

    Ciidanka cirka Soomaaliya iyo ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo lagu keenay Koofur Afrika ayaa xasuuq ka geystay deegaanada Somaliland gaar ahaa magaalada Hagreysa.

  14. Somaliland is another karabakhland republic, party of Somalia, welgeedna waa ka mid ahaan waa guurkii Xaawo iyo Aadam wax furiin la yidhaahdaa majiro hala iimaansado maamul goboleed..

  15. Ma ilaawidoono abid abaalka uu mujaahid Axmed Aheere noogalay mar haduu naftiisa halis noogaliyay Si uu noo badbaadiyo anigu waxan aad uxasuustaa oonan wali iloobin geed ay hooyaday nagu qarinjirtay subax kasta waliba anigu haday hooyo banaanka usoo yarabaxdo gacanteeda maan siidayn jirin saskii aan ka qaaday diyaaradaha wali wuu igu jiraa oo hadaan diyaarad raaco guuxa ay samayso inta aanay dhulka ka kicin nixdinwayn buu igu ridaa oo xasuustu waxay dib ugu noqotaa markaan aad uyaraa saskii igu dhacay hooyo waxay Ii sheektay in ay Na hal maalin naga dayn ducayntii diyaaradaha 34 maalmood oonu ku xanibnayn waqooyiga hargaysa geed deeb le aktiisa meel aanu ka baxno ayaanu waynay bay tidhi hooyo anigu kaliya waxan xasuustaa diyaaradii Na garaacaysay oo meel dhow noosoo gaadhay ninka maalintaa noo tudhay ma garanayo waxan ugu abaal gudo waxan odhanlahaa taalada loodhisayo haloogu daro in loo bixiyo magaciisa wadada eeriboodhka takta oo qofka soo dhoofaya iyo ka soo degayaaba usoo duceeyaan Axmed dheera iyo in uu yeesho xuquuqda dadkiii wadanka udagaalamay oo ilaa ciyaalka uu sii dhalay ciyaalka ay sii dhaleen laga war hayo kolay Hada duruufbaa lagu jiraa e barwaaqo Ayaa la gali insha allaah qofwalba waxa uu mudantajay helo

  16. hinda salaan qaaliya gudoon

    ayaamihii qadhaaadhaa ee inasoo maraywaa waxaynu ku ilaashanyno qaranimadeena

    qaranka somaliland waa u diyaar ka shaqaynta to degrade and destroy cadawgeena koobaad

    caruurta waa inagaa schoolka ugu dhigna
    enemy of the state

    zoomalya another name faqash

Leave a Reply to Ahmed Somali

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented