|

DAAWO: Madaxwayne Farmaajo oo Kulan la Qaatay Golaha Wasiirada ee Cusub

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Xukuumadda ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34626

Posted by on Oct 20 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “DAAWO: Madaxwayne Farmaajo oo Kulan la Qaatay Golaha Wasiirada ee Cusub”

  1. daanyer farmaajo
    oo wixii korow ahaa isugu yeedhay
    goorme wasiirada noqden sow kama horeyso in baarlamanka lacag lasoo siiyo

    • Soomaalidu waxay u baahan tahay dib u heshiisiin rasmi ah kadibna ay nidaam ama dastuur ay ayagu leeyihiin dhistaan hadii aysan intaa suubsan karin halagu kala tago markaasna intii israaci karta Dawlad u gooni ah ha dhisteen !!!

      Hadii kale reer tolkeeyoow maalin kasta calaacalka wada !!!

      Kosovo 🇽🇰 Bosnia 🇧🇦 Serbia 🇷🇸 Croatia 🇭🇷 Montenegro 🇲🇪 Slovenia 🇸🇮. Waxaas oo Dawlada ah waxaa la isku Oran jiray Yugoslavia kadib markii ay heshiin waayeena ay si dhib badan ku kala tageen…….. Marka anigu kolay waan hubaa in ay Somaliland ( Beesha Isaaq) aysan waligood Koofur la midoobi doonin Hawiye iyo Daaroodna waligood heshiinayn marka maxaa xal ah ma Sodon 30 sano oo kalaan iska daba wareegnaa mise si sahlan baan ku kala tagnaa?

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented