|

Yuusuf Garaad Muxuu ka yaqaanka Wasiirka Cusub ee Arimaha Gudaha iyo Warbixin uu Horay uga Qoray (Akhriso)

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirrada Magacaaban waan u wada hambalyeynayaa una duceynayaa in Allah ku guuleeyo danta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha waan ku taageerayaa Wasiirrada ay u magacaabeen isla xilalkii ay hore u hayeen si aan isbeddelku u dhaawicin habsami u socodka howlaha.

Si gaar ah ayaan ugu hambalyeynayaa Xasan Xundubeey, Cusmaan Obokor, Cabdi Shiikh, Durraan Axmed Faarax, Shukri Maxamuud Afrax, Cabdiraxmaan Yusuf Caddaala, Dr. Mahad Maxamed Xasan, Xasan Khaliif iyo Farxaan Cali Axmed oo ka mid ah Wasiirro ku cusub Golaha oo aan ku kalsoonahay in ay aqoon, dhiig cusub iyo dardar hor leh oo waxqabad ku jiheysan ay miiska la tegi doonaan.

Waxaan si aad ah ugu hambalyeynayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mukhaar Afrax oo ah Generaal aan hadda ka hor soo wada qabannay howlo adag oo xasaasi ah ugana soo dhalaalay si aan aad ula dhacay.

Mukhtaar oo aan is barannay 1985 isaga oo sarkaal ah, mar hadda laga joogo shan iyo bar sano oo loo magacaabay Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, waxaan ku dhiirri geliyay qormada halkan Hoose ku lifaaqan.

Thursday, 19 February 2015  / General Mukhtaar

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay, General Mukhtaar Afrax, oo ah sarkaal isku darsaday khibrad booliis iyo mid militeri oo uga horreysay.

Waa sarkaal ad-adag, hadal cad, ku-dhac leh, haddana dishibiliin leh. Waxaad ka dareemeysaa aqoon iyo waayo aragnimo ay waddaninnimo u dheer tahay. Waa nin feejigan shaqadiisana jecel oo aan dhowran karin hawl dayacan.

Waa nin aan u wakhti dayin kuwa ula yimaada wax aan macquul ahayn ama aan macna sameyneyn. Sida ay qireen xataa rag aan saaxiibbadiis ahayn, waa sarkaal isku kalsoon, sharaftiisa iyo tan ciidankana ilaaliya.

Isaga oo hoggaaminaya askar, saraakiil iyo mudanayaal ka socda Booliiska iyo Nabad Sugidda, waa Sarkaalka Ilaaheey ku guuleeyay amniga shirkii IGAD iyo booqashadii Madaxweyne Erdogan oo bil gudaheed qabsoomay. Sawirkan waxaan ka qaaday isaga oo hortaagan dayaaraddii qaadday Wasiirrada IGAD.

Ciidanka nabadgelyadu si uu u guuleysto wuxuu u baahan yahay in loo dhammaytiro agabka iyo saanadda uu u baahan yahay.

Sidoo kale wuxuu u baahan yahay iska warqab, wadashaqeyn iyo is qaddarin ka dhexeysa labada ciidan ee amniga iyo cutubyadooda kala duwan. Qodobka ugu muhiimsan waa isfaham dhex mara iyo taageero uu Booliisku ka helo shacabka.

Waxqabadkiisa ayaan ku qiimeyn doonna General Mukhtaar, waxaanna Ilaaheey uga baryayaa in uu ku guuleeyo xilkan muhiimka ah.

Wuxuu xilka kala wareegayaa Sarkaal aad u qiimo iyo xushmad badan, shaqo adagna soo qabtay, waa General Maddaale. Waa wejiga booliiska Muqdisho.

Waxaa xusid mudan, Taliyihii Nabadsugidda Gobolka, Koofi iyo Ku Xigeenkiisa, Shaaweey, oo shaqo adag oo aan dadka u wada muuqan soo qabtay, ka hor inta  aan xilka laga qaadin. Saddexdaba waxaan rajeynayaa in khibraddooda iyo howlkarnimadooda laga faa’iideysto.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34622

Posted by on Oct 20 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Yuusuf Garaad Muxuu ka yaqaanka Wasiirka Cusub ee Arimaha Gudaha iyo Warbixin uu Horay uga Qoray (Akhriso)”

  1. Daanyeer Yuusuf Garaad nacnacdii ayaa ka dhamaatay sida uu isku lahaa wasiiradda beenta ah ee ciida kabadan ee Somalida caqliga xun iska magacaabaan kamid noqo.

    Oo hadii uu mid walba oo wasiiradaan ma shaqeeystayaasha ah fiicanyahay, oo Somali oo dhan fiicantahay, maxaa Somaliya 20 sabno ku dhawaad xataa u soo saari weeysay 1000 askari oo ilaaliya madaxtooyada? Yuusuf Garaad iyo daanyeeradda lamidka ah waa waxa Somaliya ka qaldan. Eaa beenaalayaal. Beenlow ga ugu weeyn, ee ugu daanyeersan hadda waa daanyeer Farmaajo.
    Falmida.
    Hod bless Somalia

Leave a Reply to Cadaado

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented