XOG : Somaliland oo Qaaday tallaabo ka dhan ah Koonfurta Soomaaliya

Laascaanood  ( Kalshaale ) Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhaqan gelisay tallaabo ka dhan ah dadka Koonfurta Soomaaliya kasoo safra ee yimaada deegaanada Somaliland.

Waxaa gebi ahaanba la  joojiyey in dad ka yimaada Koonfurta Soomaaliya ama ka socda ay ka qeyb galaan siminaarada iyo kulamada muhiimka ah ee ka dhaca magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidaasi ku sheegtay waraaq qoraal ah oo ay u kala dirtay Hay’adaha kala duwan ee ka howl-gala Somaliland, midaasi oo gebi ahaanba laga qariyay warbaahinta.

Sidoo kale waxa waraaqdaasi la gaarsiiyey ururrada bulshada rayidka ah ee laga leeyahay Somaliland, taasi oo looga mamnuucay in shirarka iyo siminaaradooda aysan soo xaadiri karin dad ka socda Soomaaliya.

Xukuumada ayaa waraaqdaasi gaadhsiisay hay’adaha muddo ku siman labo bil ka hor, taasi oo ay hadda u muuqata mid si dhab ah uga dhaqan-gashay gudaha Somalialnd.

Somaliland ayaa tallaabo sharci ah ka qaadi doonta hadda kadib, hay’addaha qabanaya siminaarada ay ka qeybta yihiin dadka ka yimid Koonfurta Soomaaliya, iyada oo aan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysa arrinkaasi.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu inta badan qaada tallaabooyin kala duwan , maadama ay ku doodeyso inay tahay dal ka madax banaan jamhuuriyada Soomaaliya, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. adam says:

    kkk Somalia somali baa leh waa hal wadan sidaa wax kuma qabsoomaan wakhti hayska luminana labada kornal iyo caruurtooda hargeisa qaati ka taagan dadku nolol iyo is dhexgal ayaa loo baahanyahy

  2. Qaadiro mohamed says:

    Maxad somaliland uga baahantihiin ordaya jabouti is dhex gala oo ha noo imanina gafuur culus ibna xaaraan

  3. Kaahin says:

    Qof aan waxa jooga garan ma garto waxa soo socda

    Waar meeshan Somaliland rag baa dhaliyey curado badana u huray

    Ragbaa ilaashada

    Hanagu dawakhinee dantiina raacda
    Anaga waa halkii madaxwayne 12 indhood ayaad nagu eegtaa

    Anana waa og nahay cadawgayaga koobaad

    Somalilan will never ever be part of that failed state
    Get a grip and move on

  4. Kader says:

    Laakiin tan somaliland ayaa layidhaahdaa lana odhan jirey intaanaan khaldamin lixdankii.Markaasidaa u ogow. I totally with my brother Kahin- the number enemy for somaliland and its people is SOMAALIYAA

  5. Ali Zubeer says:

    kkkkk

    Waar badownimada Iidoorka qaarkii oo maalinba midab cusub soo xidhanaya….

    kkkk

    Daanyeerka Muusa handaraab waa neef gowracan geed kama waabto, waana naf la caari iska biqleeynaya.

    Waxaan sugnaa isaga oo isku qarxiyaa Hargaysa.

    Koonfurta Soomaaliya ma imaan karaan kulaha sida isaga oo Soomaaliya kala qaybin kara.

    Khallii al masiiratu tastamir wal kilaabu tanbaxu.

    Miskiin

    Ictiraafkii riyada Iidoor baa dhuustay….kkkkk

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali Traitors




MUUQAAL: Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka Soomaaliya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Weerar ku Qaaday Musharixiinta Ku shirsan Muqdisho
- Nov 25, 2020
Baydhabo ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan ...
Shariifo Cadow oo soo Bandhigtay Su’aal ay Horay Madaxwayne Farmaajo u waydiisay
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maamo Shariifo Cadow oo ka mid ah dadkii sida weyn ...
Daawo Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo Xiisada Liibiya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo ...
AMISOM oo ka hadashay Xaalada Soomaaliya iyo Arinta Doorashada
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxa ciidamada AMISOM, Amb Francisco Madeira oo sidoo kalena ah ...