Doorashada Maraykanka oo Meel kulul Maraysa iyo Waxa kala haysta Trump iyo Biden

Nairobi ( Kalshaale ) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka kula loomamaya Aqalka Cad, Joe Biden, ayaa aad ugu murmay qorshayaasha dooddooda ugu dambaysa ee taleefishinka laga sii dayn doono.Kooxda u ololaynaysa musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa dadka doodda soo qabanqaabiyay waxa ay ku eedeeyeen in doodda todobaadkan ay gacan ku siiyeen Dimuqraadiyiinta in mowduuc ahaan meesha loogaga saaro mowduuca siyaasadda arrimaha dibadda.

Dhinaca kooxda u ololaynaysa Biden ayaa waxa ay Mr Trump ku eedeeyeen inuu isku dayayo inuu ka weecdo jawaabaha su’aalaha laga waydiiyay cudurka safmarka ah ee Covid-19.Mr Biden ayaa si wayn ugu horreeya aaraa’da la uruuriyay iyadoo laba todobaad uun ay doorashada ka harsan tahay.

Hasayeeshee waxyar ayuu ku horreeyaa dhowr gobol oo muhiim ah oo dalkaas ku yaal kuwaas oo ah meesha ugu dambayntii lagu kala baxo.

Isniintii, kooxda u ololaynaysa madaxweynaha ayaa waxa ay warqad u direen Guddiga Doodaha Madaxtinimada, iyagoo ugu baaqay in wax laga badelo mowduucyada doodda ugu dambaysa ee la qaban doono Khamiistan.

Maareeyaha ololaha Trump, Bill Stepien, ayaa warqadda ku sheegay in dhinacyada ay goor horaba ku heshiiyeen in siyaasadda arrimaha dibadda diiradda lagu saaro doodda saddexaad.

Mowduucyada ayaa todobaadkii tegay waxaa ku dhawaaqday weriyaha warbaahinta NBC News Kristen Welker taas oo doodda daadihin doonta: Qoysaska Mareykanka, arrinta midabka dadka ee Mareykanka, isbadelka cimillada, ammaanka qaranka iyo hoggaanka.

Inta uu socday isu soo bax uu Mr Trump fiidkii Isniinta ku qabtay Prescott, Arizona, ayuu Ms Welker ku tilmaamay “Dimuqraadiyad xagjir ah” waxa uuna sheegay in aanay “wanaagsanaan doonin”.

Mr Stepien ayaa waxa uu Mr Biden ku eedeeyay inuu “aad u doonayo inuu ka weecdo in laga wadahadlo rikoorkiisa siyaasadda arrimaha dibadda” guddigana uu iskudayayo inuu “Biden ka qariyo taariikhdiisa”.

“Hab-dhaqanka guddigan u janjeera Biden ayaa doodda oo dhan ka dhigay mid fashil ah, layaabna malahan in dadweynuhu ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen,” ayuu qoray.Sidoo kale waxa uu Mr Trump ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu ka weecdo su’aalaha ku saabsan wararka la xiriira email-lada la sheegay in wiilkiisa Hunter uu ku lug leeyahay, iyo eedda ah inay jiraan dano isdiidan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...