Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Xukuumadda Cusub ee RW Rooble iyo Codsiga uu Baarlamaanka u diray

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Koowaad ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayyo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowladnimada ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray.

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. Cadaado says:

    Farmaajo waa daanyeer, waxaase ka daanyeersan kuwa 30 sanno is baabi’inayay oo marba magac isku baabi’inayay, ee haddan daanyeerkaan uga yeertay Buffalo si uu uGu dheeldheelo. Kuwaas waa is ogyahiin!
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. wiil xeraale says:

    cadaado salan sare sxb
    ma ii sheegi karta waxa uu odhan doono oo uu ku qudbeyn doono qaainul wadan farmaajo maalinka qudbada laga dhegeysanayo musharaxinta ee doorashada soo socata

    tolow muxu hadana odhan doona qaainul wadan farmaajo
    qofki qarax soo sheega
    100.000 oo dollar
    ayaan siinaya
    hadii aan amniga xamar soo celi waayo baaburti waa weyneyd ayaan dabada kagelaya jid danbe oo la xiraya ma jiri doono
    safarada wan yareynaya oo sidii xasan shiikh

    qofki qabyaalad igu taagera oo Facebook been ku soo qora Qatar baan guri uga dhisaya
    ciidanka shisheeye wadanka wan ka saaraya qaasatan kuwa Ethiopia
    aniga Uganda ima ilaalin doonto madaxtoyada ciidan shisheeye ma ilaalin doono reer kii qof ka dhinto magtisa ayaan siinaya ma been taas ku celin doona mase wuu ogahay inusan waxba ka qaban intas

  3. wiil xeraale says:

    farmaajo maalinka qudbada musharaxinta

    waanigi adis ababa geedaha ku beeray ee igu doorta

    waanigi bil walba tegi jirey adis ababa iyo asmara ee igu doorta
    waanigi dekedaha oo dhan u sixiixay oromka ee igu doorta

    waanigi afar jeer dib udhigay dacwadi badda ee igu doorta

    waanigi afar jibaarey safaradi aan ku dhalili jirey xasan shiikh ee igu doorta

    waanigi jid walba sii xiray xasan shiikh kadib ee igu doorta

    waanigi GEDO maliishiyada geeyey ee igu doorta

    waanigi kismaayo diyaaradaha ka celiyey laba bilood ee igu doorta

    waanigi dhaqalaha ugu badan ku bixiyey Facebook
    oo ciyaal kii xeryaha qaxootiga kaakuma iyo dhadhaab shaqada u yeelay ee igu doorta

  4. Cadaado says:

    Wiil Xeraaale,
    Aad baan kuu salaamay brother,
    Wax uu dhihi doonaa daanyeer Farmaajo qudbadiisa doorasha isla waxii horre ee uu dhahay oo uu qaban waayay, sababtoo ah qof Somali ah oo adiga suda geesinamadda ah ee aad u sheegeeyso in uu beenlow yahay u sheegi karra waa la waayay.

    Marka saaxiib, dadka mucaarad isku sheega iyo Somali oo dhan ayaa daanyeero u badan maadaama eey fahmi la’yahiin beenta badan ee Farmaajo. Geesinimo eey ku dhahaan beenaale ayaad tahayna eeysan laheeyn.
    Dalmida.
    God bless Somalia

  5. mingistume soo Dag says:

    dhamaan akhyaarta sharafta iga mudan
    ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAAT
    SALAAN GOBEED.

  6. mingistume soo Dag says:

    Nin Xildoon Ahi Waddan Ma Xoreeyo?.
    ———————————–
    Xeer-Ilaah-doone iyo xil-doonku mid bey ka simanyihiin – naf-hurid. Waxaa fiican nimanka meelaha yaacaya iney akhriyaan taariikhda hogaamiyayaashii xildoonka ahaa sida Fircoon, Abuu Jahal, Napoleon iyo kuwo kale. Waxay ahaayeen geesiyaal diyaar u ah iney u dhintaan danahooda siyaasadeed. Marka nin Yurub iyo Mareykan wareegaya xil ma heli karo. Kaaga daran wuxuu rabaa inuu caayo dadkii difaaca dalka diyaarka u ah. kkkk
    ————————————–
    THE TRUE IS ESSENTIAL
    RUNTA WAA LAMA HURAAN.

  7. Kalsame says:

    Wiil xeraale says:
    October 20, 2020 at 11:58 am
    Daanyer
    KASAME
    ma sidii baad weli
    Ugu jirta qarowgi
    Jeeganta
    Kugumala yaabayo caqliga liita ee quuluhu kaso urayo oo waxan arkay kuwii aad iska soo xusheen adinko door bidaya
    Marka lama yaabayo adigo bare hiirale maqli jirey ee hada farmaajo maqlay uun
    Mida kale hadi aan ku weydiyo horta sow kama baqdan magaca xeraale marki aad maqashan sidi berigi
    Mase wado kale oo aad dadka kula doodo baad weysey oo aan aheyn jeegan wax kale oo aad soo qorto oo kuu furan miyad weysey

    Kalsame says:
    October 20, 2020 at 1:57 pm
    wiil xero marqaan

    Waar ninyow isla yaab, oo magacaaga habraha iyo gabilay iska soo qaado… Indha adkaa…

    Adigu waxaabad tahay xoolo, ismana qarin kadhid afna isku darimaysid…

    Xaraale iyo Quulle toona adiga wax laga waydiin mayo adiga iyo kooxdaada halkan ka baroorta… Xeraale dad xariir ah baa dega… Rag waa is dilaa waana heshiiyaa…

    Sidiinnoo kale xabaalaha ma qufno oo lafaha kuma baryo tagno boqollaal sano ka hor dhintay… Gunsanaa wuxu…

    Bal eeg cawaannimadaada iyo heerkaad ruufyaannimo ka gaadhay… Inta boog koofur ka jidha ayaad maalinba mid xoqaysaa, shaydaan maroole aka Ibliis…

    Jaahil qaad ka dhergay oo cuqdad rimman…

  8. Kalsame says:

    To Carruurta Jeegaanta oo marfishyada fadhiya….

    Hooyadiin ninkii guursadaaba waa adeerkiin… Sidaa weeye runtu…

    Farmaajo hadduu tagona kun Farmaajo ayaa iman, waliba qaar baa soo socda idin edbin doona… Waxba oohintu yayna idinka dhammaan…




MUUQAAL: Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka Soomaaliya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Weerar ku Qaaday Musharixiinta Ku shirsan Muqdisho
- Nov 25, 2020
Baydhabo ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan ...
Shariifo Cadow oo soo Bandhigtay Su’aal ay Horay Madaxwayne Farmaajo u waydiisay
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maamo Shariifo Cadow oo ka mid ah dadkii sida weyn ...
Daawo Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo Xiisada Liibiya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo ...
AMISOM oo ka hadashay Xaalada Soomaaliya iyo Arinta Doorashada
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxa ciidamada AMISOM, Amb Francisco Madeira oo sidoo kalena ah ...