Maxaa lagu Xasuusan doonaa Wasiirada Saamaynta Badan ee iska dhex waayey Xukuumadda Cusub

Muqdisho ( Kalshaale ) Qaar kamid Wasiiradii Xukuumadii Raysal Waasaare Xasan Cali Khayre ayaa dib uga soo Muuqday Golaha Wasiirada Cusub ee Xuukumadda uu soo magacaabay Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Balse waxaa Jira Wasiiro Saamayn ku lahaa Siyaasadda, oo aan kasoo dhex muuqan Golaha Wasiirada ee Cusub, Hadaba maxaa lagu Xasuusan doonaa.

1. Wasiirkii hore ee Gaashaanshiga Cabdicasiis Amar-dambe, Waana  Xildhibaan hadda, waxaa wasiirnimadiisa diiday Madaxweyne Laftagareen iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal.

2. Wasiirkii shaqada iyo Arrimaha bulshada Sadik Warfaa, waa xildhibaan codsiinta wasiiradda laga reebay ka sugaya xagga baarlamaanka, diidmadiisa waxaa qeyb ka ahaa cadaadis ka yimid beeshiisa.

3. Wasiirkii Arrimaha Gudaha  oo lagu Xasuusto siduu Ahlu Suna u  burburiyey, waxaan diidmadiisa ugu xoogan katimi saami-qeybsiga 4.5, maadaama ay isku beel kayimaadeen Raysalwasaare Rooble.

4. Wasiirkii Waxbrashada codka halaasiga ah lahaa Cabdullahai Goodax Barre, oo lagu xasuusan doono Shahaadadii Cagaarka ahayd, waa laacib siyaasadeed mar kasta xiliga u dambeeya ka dhaca doonta waqtigu ka dhamaanayo.

5. Wasiirkii Boostada Canshuur, oo horey isku qibleeyey, bacdamaa uu ahaa wasiirkii Xassan Cali, waxaana isku arkayay mid aan sii joogi doonin.

6. Wasiirkii Amniga Islow, wasiirkii ka ganacsanayay Dhagaxyada Shubka ah ayaa jagadiisa u waayay maadaama uu kamid noqday mucaaradka Xukuumaddan Cusub, isagoo kamid ah Garabka Musharax Xasan Khayre.

7. Wasiirkii Warfaafinta , dhaqanka Dalxiiska  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadalkiisu cadaa Hormuudkana u noqon jiray Xildhibaanada Waqooyi ayaa loo dacareeyey Xilkii Wasiirnimo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka Soomaaliya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Weerar ku Qaaday Musharixiinta Ku shirsan Muqdisho
- Nov 25, 2020
Baydhabo ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan ...
Shariifo Cadow oo soo Bandhigtay Su’aal ay Horay Madaxwayne Farmaajo u waydiisay
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maamo Shariifo Cadow oo ka mid ah dadkii sida weyn ...
Daawo Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo Xiisada Liibiya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo ...
AMISOM oo ka hadashay Xaalada Soomaaliya iyo Arinta Doorashada
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxa ciidamada AMISOM, Amb Francisco Madeira oo sidoo kalena ah ...