|

Deg deg Daawo : Wasiirada Cusub iyo Wasiiro Hore oo dib loosoo magacaabay

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa hada si toos ah magaalada Muqdisho
uga socota Munaasibada Lagu shaacinayo Golaha wasiirada Cusub ee Xukuumadda
Soomaaliya
ee uu hogaamiyo Raysal waasaare Maxamed
Xuseen Rooble
.

Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed khaddar, ayaa
dib loogu magacaabay Booskiisa.

Prof Cismaan Dubbe ayaa loo magacaabay wasiirka Warfaafinta, Waxaana
meesha ka baxay Wasiir Maareeye.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa dib loogu
magacaabay Booskii uu hayey.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa loo magacaabay Wasiirka gaashaandhiga,
Waxaana meesha ka baxay Wasiir Amar-dambe.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo horay usoo noqotay Wasiirka Ciyaaraha
ayaa loo magacaabay Wasaaradda Gargaarka.

Wasiirka Arimaha dibada  Amb. ahmed Isse Awad ayaa dib loogu
magacaabay Booskiisa.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda.

Cumar Cali Rooble Wasiirka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta.

Xasan Xundubey Jimcaale Wasiirka Wasaradda Amniga gudaha.

Cabdullaahi Abuukar Xaaji Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Maryan Aways Jaamac Wasiirka Gaadiidka iyo Dekedaha Badda ayaa dib
loogu magaacabay.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar Wasiirka Duuulista iyo Hawada.

Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha.

Cabdi Sheikh Axmed Rooble Wasiirka Boostada iyo isgaadhsiinta.

Xaniifa Maxamed ibraahim Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka.

Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Macdanta iyo Batroolka.

Foosiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha. Dhirta iyo
Daaqa.

Xasan Cabdi Nuur Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Duraan Axmed Faarax Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Maxamed Aadan Macalim Wasiirka Howlaha guud iyo Guryaynta.

Xamsa Siciid Xasma Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda Cabdilahi Bidhaan Warsame
ayaa dib loo magacaabay
.

Wasiirka Beeraha Xildhibaan Said iid ayaa dib loogu magacaabay

Wasiirka Dastuurka Xildhibaan Saalax Ahmed Jama  ayaa dib loogu
magacaabay

Wasiirka Qorshaynta Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa dib loogu
magacaabay.

Wasiir Dowlaha wasaarada Maaliyada Mohamud Hayir Ibrahim ayaa dib
loogu magacaabay.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO LIISKA WASIIRADA OO DHAN.

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34572

Posted by on Oct 19 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “Deg deg Daawo : Wasiirada Cusub iyo Wasiiro Hore oo dib loosoo magacaabay”

  1. Inta hadda la magacaabey waa reer
    Jiif o jaq
    e aawey mulkilayaashi ama
    Canshuur bixiyaalki

  2. Inta meesha fadida Kama muuqdo
    Hal qof o reer goofka ah
    Balaaya wada dacaya dheer

  3. Yaab, nibkaan Rooble waxay ahayd in qof kasoo gelin wasiradii Khayre.
    Hadda waa min loo yeeriyey wasiirka joogaya.
    Rooble min adag maaha, inkasta oo waqti badan haysan waxay ahayd in raad adag ka tago.. cid ka war ka dhageysan ma jirto.
    Cawad iyo Bayle iyo wasiiradii Khayre yaa ka maqan? Maqaarsaar iga dheh.

  4. Horta wiilki Hiraab intan maso
    Feeyliyey intu seeriga u afuufey
    Walee kheeyre ka raksan kheeyre
    Facebook ayuu kuso magacaabey
    Wasiiradisi

  5. Wax ay soo kordhinayso ma jirto “dawlad”
    3 bil u hadhay calooshood u shaqaysta-yaal ama cumaal ay magacawdo!kkk kkk kkk

  6. @ LOP adigu ma saaxiib kaa Cawad sakhraan ayaad u barooranaysaa caawa? kkk

    Waar orod intaad Xamar gacmaa hoos haysato ciida ka NUUG dekada Boosaaso!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Waxaa qosol ah ninkii nalahaa madaxwayne ayaan ayaan rabaa oo xisbi ayaan furtay wasiir warfaafinta sadex bilooda ayuu qaatay kkkkkkkkkk

  8. Laalays
    Waad iga qoslisey
    Dekadda boosaaso ciida ka nuug

  9. Laalays
    Waad iga qoslisey
    Dekadda boosaaso ciida ka nuug
    Walaahi si Kal iyo laab ah ayaan
    U qosley

  10. Laalays
    Waad iga qoslisey
    Dekadda boosaaso ciida ka nuug
    Walaahi si Kal iyo laab ah ayaan
    U qosley

  11. Kkkkk

    4 wasiiradii Saaxiibka la ahaa Rasalwasaare Kheyre ayaa meesha laga saarey, markaas ayuu noo keenay XASSAN XUNDUBEY oo ah, Bees la heley Harti Abgaal ah.

    Waxaan soo dhaweyn Saaxiibkay
    FURAAN FAARAX ( Leylakase Max’ed)

  12. Duraan Faarax

    Tankale HAL NIN OO XILDHIBAAN AH kuma jiro
    Wasiirada cusub

  13. Xawaadle wasiirka arimaha gudaha ma waxay ka

    Dhigan tahay madaxwaynaha hitshabele abgal?

  14. ASC dhamaantiin.
    Horta wasiiradaan ma shaqeeystayaasha ah ee daanyeerkaan ra’iisalwasaaraha lagu sheego loo yeeriyay iyadda oo 4 bil u hartay xukuumadda dhexe oo dhan waa iska caqli daanyeernimo.

    Laakiin, waxaa iigu muhiimsan oo aan tabaa in aan ka hadla waa doqonimada iyo daanyeernimada Cabdirahmaan Cabdishakuur, ina soo hoyda. Bal u fiirsadda hal paragraph na waxuu ku amaanay soo dhaweeyay wasiira ku shewg lamagacaabay, paragraph ka ku xigayna waxuu ku caaynayaa mid kamid ah wasiiradda uu soo dhaweeyay. Doqon doqon dhalay waaye walaahi Cabdirahmaan Cabdishakuur waxaase kasoi doqonson kuwa isku qabiilka sheegtaan daanyeerkaan ee taageeraya iyaga oo ujeeda jahawareerkiisa iyo nacasnimadiisa. Waan garan land of punt iyo dadka lamidka ahse waxa eey doqonkaan u taageeraan.
    Dalmida.
    God bless Somalia

Leave a Reply to Wiil hiraab

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented