Fannaanadii Caanka ahayd ee Saynab Cali Baxsan oo geeriyooday Iyo Madax ka hadashay

Muqdisho ( Kalshaale ) Saynab Xaaji Cali Baxsan , Fannaanadii Caanka ahayd ee Soomaaliyeed ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho, Waxayna kamid ahayd Hoboladii Caanka ahaa Halganka dalka Qaybta wayn kasoo qaatay.

Waxaa Geerida baxsan Tacsi ka diray Madax iyo Masuuliyiin Xilal kala duwan kasoo Qabtay dalka.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay Geerida Baxsan ayaa yidhi “Waxaan qoyskeeda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan).

AUN marxuumad Baxsan waxa ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii Dalka, dhismaha qarankeenna iyo nooleynta dhaqankeenna. Jannadii Firdows Allaha geeyo samir iyo iimaanna Allaha naga wada siiyo.

Wariye Cabdisalaam Hereri oo isaguna ka hadlaya Geerida Baxsan ayaa Yidhi. “

Ma dhinte waa ilaahay, Naxariistii jano ilaahay ha ka waraabiyo fanaanadii waynayd ee Saynab Xaaji Cali, Baxsan oo maanta ku geeriyootay Muqudisho.

Taarikhda dheer ee ay fanka ku lahayd ka sokow waxay ahayd qof aan u qalbi furan oo aan aan dabeecadeedda laga xiiso goynin.

Mar aan Muqudisho shaqo u tegay 1997 waxaa uu gurigeedu ii ahaa xarun aan barnaamijyadayda ku duubto, gaar ahaan kuwa fanaaniinta aan ka duubayay.

Waxaan wakhtigaa ogaaday in ay gurigeedda ku daryeeli jirtay gabdho badan oo aan ehel ku lahayn Muqudisho oo magaalada ku dayacmi lahaa,  Ilaahay ha u naxariisto.”

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isaguna tacsi ka diray Geerida Saynab.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed, bahda fanka iyo qoyska ay ka baxday uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Fanaanadeenna qaaliga aheyd Seynab Xaaji Cali Siigaale (Baxsan).

Kaalin muhiim ah ayey ka qaadatay horumarinta fanka iyo sare u qaadidda wacyiga bulshada. “.

Kalshaale.com

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka Soomaaliya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Weerar ku Qaaday Musharixiinta Ku shirsan Muqdisho
- Nov 25, 2020
Baydhabo ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan ...
Shariifo Cadow oo soo Bandhigtay Su’aal ay Horay Madaxwayne Farmaajo u waydiisay
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maamo Shariifo Cadow oo ka mid ah dadkii sida weyn ...
Daawo Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo Xiisada Liibiya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo ...
AMISOM oo ka hadashay Xaalada Soomaaliya iyo Arinta Doorashada
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxa ciidamada AMISOM, Amb Francisco Madeira oo sidoo kalena ah ...