|

Gabadh Laga Afduubtay Muqdisho oo lagu Qabtay Guriceel iyo Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay gabar maalintii shalay laga soo afduubtay magaalada Muqdisho.

Gabadhaasi oo lagu magacaabo Hibo Maxamed Xasan ayaa shalay subaxdii laga soo afduubtay xaafadda Shanta Geed oo ka tirsan degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, taasi oo si qasab ah uga wateen rag hubeysan oo watay gaari.

Hibo ayaa waxa qoyskeeda ugu maqal dambeysay waxyar un kadib markii ay shalay raggaasi wateen, iyada oo wicitaan ugu sheegtay hooyadeed inay wateen dad aysan aqoonsaneen, wixii intaasi kadambeeyayna la waayey.

Hibo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, xili ay iska dajiyeen raggii hore u afduubtay oo lagu soo waramayo inay ka cabsadeen dhaafinta kantorool ciidan oo ku yaala afaafka hore ee Guriceel.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gabadha ay gacanta ku dhigeen ciidamadaasi, kuwaasi oo ku wareejiyay maamulka Guriceel oo goordhoweyd lasoo xiriiray qoyskeeda.

Hibo oo muddo ku dhow 35-saac ka maqneyd qoyskeeda, isla markaana la weysanaa maqalkeeda ayaa maamulka Guriceel uu qoyskeeda dib ula hadashiiyey.

Falalka afduubka ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayey magaalada Muqdisho, iyada oo marar kala gedisan loo soo qabtay shaqsiyaad lagu tuhusan yahay inay xiriir la leeyihiin, wallow aysan wax badan ka badelin.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34550

Posted by on Oct 19 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Gabadh Laga Afduubtay Muqdisho oo lagu Qabtay Guriceel iyo Wararkii ugu dambeeyay”

  1. Maxamud
    Gabdho cadcad reer Banadir inta la afduubo Guriceel la geeyo oo xoog looga ilmo dhalo oo waalidkeed ogeyn in xitaa nooshahay in dhamaatay mooday, weli ma socotaa.?
    Dhurwaa neef qaad ah, dhig waa ku ceeb.

  2. Land o punt kkkkkkk sxb habargidirta cadaanta giilkii labaad aan mareyna waa majeerteenka waxa soo afduubay oo cadaanraadis ah

  3. Maxamud
    Kkkjkkk😁😁
    Kajankaaga waa jeclahay.
    Waan ogahay waxa gabadhahaan cad loo afduubayo..Waa ilmo ka dhal keliya, doqon baa madow..
    Adeeday ayaa wardheer laga soo afduubayayaa 14 hur ah oo u malayn jirnay in Dhurwaa cunay ilaa maanta ayadoo 80 sano jir ah noo timid oo 12 caruur reer Hilowle ah dhashay madax ah iyo ganacsato baranay..kkkkk
    Not New history. Run

  4. Maxamud
    Waagii hore oo reer baadiyaha la ahaa; waxaa la oran jiray; libaax ama Dhurwaa ayaa cunay, hadda la waayo waxaa maqlin iyo Guriceel lagu qabtay….80 sano ka dib la helin ayadoo 10 ciyaal ah iyo waxay dhaleen wadata.
    Laakiin waalidkeedui dhib soo mareer oo n dhimatay ogeyn in 60 caruur ayeeyo/Aboowe u yihiin jiraan..tragic.

Leave a Reply to Land of Punt

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented