MUUQAAL: Xirsi Cali X. Xasan oo Weerar Culus ku Qaaday Muuse Biixi, Muxuuse ka yidhi Horumarka Muqdisho

Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Hargeisa Warbaahinta kula hadlay  Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan Wuxuuna Dhaliilo kulul usoo Jeediyey Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxwyane Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay inaysan Hirgelin Wax mashruuc ah oo la taaban karo, marka laga reebo Shaqo Qaran, oo Su’aal uu geliyey Baahidiisa. “Maba Xumo in Ciidan la tababaro, Imisa ayaynu baahanay “? Laakiin Baahi ciidan ma jirtee Duruufaha iyo Baahida in laga jawaabo ayaa u baahan, Waxay ahayd in ciidanka jooga la daryeelo, Mana Jiro Mashruuc kale oo la tilmaami karo, Wuxuuna Muuse Biixi Wakhtigii uga dhamaaday Muran iyo Garnaqsi”. Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Dhinaca kale Xirsi wuxuu ka hadlay Dhibaatada ka dhalatay Xayiraada la saaray Diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Carabiya, Wuxuuna tilmaamay in Garoonka Hargeisa uu Camirnaa Markii ay timid Xukuumadda Biixi, Balse hada ay kasoo degaan oo keliya Diyaaradoo uu la xidhiidhiyey Muuse Biixi.

“Waxaad ogtihiin Duruufaha dhaqaallaha iyo Busaarada dalka ka jirta,    Hadana Madaxwaynuhu wuxuu bilaabay inuu joojiyo Qaar kamid ah Shirkadihii, Sida kuwii shidaalka keeni jiray, iyadoo la keenay Shirkad Sumcad Xun dunida ku leh,  oo meelo badan Sun ku aasay, islamarkaana lagu dacweeyay”.

“Waxaa la yaab badan in  Ganacsatadeenii la curyaamiyo oo la keeno Shirkado kale,  Hadana miyaad aragteen Wax isbadal ah iyo Shidaalkii oo Jabay ,   Waad Arkayseen Shirkadihii Diyaaradaha sida Fly Dubai iyo Air Carabiya in la Xayiray, Waxayna arintaasi u  muuqataa in Muuse Biixi indhaha iska ridayo, Wuxuuna Garoonkii u daayey Hal diyaarad oo loo tiiranayo” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Dhinaca kale wuxuu tusaalle usoo qaatay magaalada Muqdisho iyo Horumarka ka socda, Wuxuuna tilmaamay in Garoonka Muqdisho ka degaan Diyaarado aad u tiro badan. “Muuse biixi waxaan leenahay war dadku Gaajo kuma raacayaan, Kuwii ku doortay sida Nebi kuma ay Rumayn” Ayuu yidhi Xirsi.

Ugu dambayntii wuxuu siwayn u dhaliilay Siyaasadda Muuse Biixi ee Safarka Gobolada, wuxuuna tilmaamay inuu kala qabinayo Bulshada gobolada Togdheer iyo Awdal, isagoo isticmaalaya Qaybi oo xukun.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka Soomaaliya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Weerar ku Qaaday Musharixiinta Ku shirsan Muqdisho
- Nov 25, 2020
Baydhabo ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan ...
Shariifo Cadow oo soo Bandhigtay Su’aal ay Horay Madaxwayne Farmaajo u waydiisay
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maamo Shariifo Cadow oo ka mid ah dadkii sida weyn ...
Daawo Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo Xiisada Liibiya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo ...
AMISOM oo ka hadashay Xaalada Soomaaliya iyo Arinta Doorashada
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxa ciidamada AMISOM, Amb Francisco Madeira oo sidoo kalena ah ...