|

Tababarka Cusub ee Turkigu u Furay Boqolaal kamid ah Ciidamada DF Soomaaliya +Sawirro

Muqdisho ( Kalshaale ) Dawladda Turkiga ayaa tababar cusub u furtay boqolaal ka tirsan ciidamada militariga Soomaaliya, tababarkaas oo ka dhacaya xerada Turksom ee magaalada Muqdisho.

Tababarkan waxaa la siinayaa guutada 6-aad ee ciidamada dhulka Soomaaliya, waxaana uu la xidhiidhaa ka hor-tagga argagixisada, Waxaana  tababarka ka qeyb-galaya 450 askari, waxaana uu soconayaa illaa bisha March ee 2021, ayada oo xafladda dhaarinta askartan ay dhacday 15-kii October.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsa dowladda federaalka Soomaaliya, safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, iyo saraakiil sare oo ciidan oo ka kala socday labada dal.

Soomaaliya iyo Turkiga Xidhiidhka u dhexeeya ayaa guuleystay sanadihii lasoo dhaafay, iskaashigoodana waxaa ka mid ah in Turkigu uu tababaro sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka military-ga Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Turkiga u jooga magaaladda Muqdisho Mehmet Yılmaz.

Yilmax ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu “markii aan eegno wadarta guud, Turkigu waxaa uu tababarayaa sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka Soomaaliya, oo lagu qiyaasay 15,000 ilaa 16,000 oo askeri.”

“Iskaashiga military ee Turkigu kula jiro Soomaaliya aad ayey muhiim ugu tahay wadankaan. Waxay qayb ka tahay amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisadda,” ayuu yidhi.

Isagoo sheegaya in rajadda ugu weyn ee beesha caalamku ay Soomaaliya ka qabto ay tahay tababaridda unugyo xaqiijiya nabad-geliyadda wadanka, ayuu xusay suurta-galnimada ah in ciidanka AMISOM ay dalka ka baxaan.

Waxaa intaas dheer in uu Mehmet Yılmaz sheegtay in meelaha kale ee ay iska kaashanayaan ay ka mid tahay caafimaadka iyo waxbarashadda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34532

Posted by on Oct 19 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “Tababarka Cusub ee Turkigu u Furay Boqolaal kamid ah Ciidamada DF Soomaaliya +Sawirro”

  1. ASC.
    WAA qalad aan la qaadakarin, IN CALANKA Bluga ah, AY ka muuqdaan Waxaan Xiddigga ahayn, Haddii kale waxaan mustaqbalka arkayna Qolyo Doofaar ku dhex masawirta. ≈©≈Waxaa socota; Tartiib-tartiib dhaqanka soo jireenka UGA bedel, markaana HA soo baxaan; ILLEEN GEED LA CUSKADAANE!!!. WBT

  2. @ ahmed xawaadle
    cajuusyahaw ilkaha li i,maxaad aragtaa,waxa kusawiran waxaan kusawirneyn maxaa kaagalay

    • Gaafow
      Ma waxaad sheegtay
      Baad aqoon weyday
      Mise caqligaagu waa
      Caqli daanyeer, Maad
      Aragtidaada cabirtid
      Intii aad caay tami leheed

    • Gaafow faaruq

      Ma wadanka aad ka xigtaa
      Maxaa kuu diiday inaad
      Fekerkaaga cabirto
      Odaygan waa syl haku
      Kadsoonin

  3. Oday Axmed waxaa halkan ku cad in aadan aqoon u lahayn waxaad ka hadlayso. Calanka Soomaaliya ka sokow Ciidamada Soomaaliya sida Ciidanka Asluubta,Daraawiishta, Militariga, Kumaandooska , Bada, Cirka mid kasto wuxuu leeyahay Calan u gaar ah Aduunkoo idil bayna ka jirtaa laakiin bal marka hore wax iska hubso inta aadan wax sheeg sheegin.

  4. Imisa aa tababar galay
    Soo dhameeystay markii
    Ay xaquuq iyo xero dowladeed
    Ka waayeen dowlada face book
    Ka dhaqaajiyeen qaarkood
    Mooto bajaaj ayay ku shaqeystaan
    Kuwana waa tahriibeen

    Walee turki nama barto

  5. ASC.
    Gaafaw Faaruq, Waxaa jira Ummad Somali la yiraa oo Calankeeda leh EE adigu Yaad ahayd?.≈©≈Hobyo Godan, adeer indha ku garaadla tahaye, munaasabadaan oo kale KAMA maqnaado Calanka Somali oo weliba waa inuusan la sinnaan kan Ciidanka ee WAA inuu dhowr cm ka sareeyo. ≈©≈Hobyo Godan, inaad Qabiiliiste tahay Magacaaga Daliil u ah, ee Mideeda kale Anigu Aqoonta Ciidamada Dugsi baan u galay Waana ku shiqeeyee Adigu Halkeed naga soo Raacday?. WBT

  6. Green faaruq
    Xageed usafataa

  7. Oday Axmed
    Horta waxaa ceeb ah adoo da’a in aad caytanto markaa waxaad luminaysaa xushmadii Odaytinimo waxaadna ku sifoobaysaa in laguugu yeero Nin Wayn u eke !! Inlayn caqli majiree dhankaagee.

    Hobyo waa deegaan ay dadkaygu deegaan marka ma saas baan qabyaaladiiste ku noqday? Dhanka Qibrada Ciidamada aad ka hadashay waa uun madaxaad ciida ka ceshanaysaa uun mooyee waxba kuuma biloowna 😂😂😂 lol
    Anigu waxaan kasoo jeedaa Family wada ciidan ahaa wax badan oo aan ogahay ayaa jira marka Oday saad u hadlaysaan u jeedaa xataa meel ciidan joogo waligaa maad arag ee bal bahasha naga yaree !!

  8. ASC.
    WAR Akhyaarta Barxadda Kalshaalay, 4iyo bar jirkaygi ilaa 27jirkaygi Waxaan ku dhexjiray Bulsho OO ilaa hadda oon awoowe ahay ma baran cuntada Guriga lagu kariyo oo waxaan ka jeclahay Tan maqaayadaha, Akhlaaq iyo Afxumana macallim baan ku ahaa SIDA Laalays Intaysan DIINTU i xakamayn, dhanka Waddaniyadda aad iyo aad baan ugu nuglahay, Berbera, baydhabo iyo Badhaadhana Waa isugu Kay mid, Akhirki Waxaa i dhalay; Xawaadle, Mreexaan, Shiikaal iyo Ogaadeene EE Cidaan cadawsado ii raadsha, Baaqaani wuxuu ku socda INTA cadaysatay inay Barxadda ka boodaan.≈©≈Boqoraddi Farxiyo-rag ka roon Waan u hiloowne ILAAHW WEYNOW Caafimaad sii. WBT

  9. ASC.
    Hobyo Godan adeer, tororogtaada, SAL iyo Macno làaanta aan ka boode, Waxaa tiri; “Hobyo waa deegaan ay dadkaygu deegaan” SOW macnuhu ma aha; Deegaan kale Waxba iigama dan ah? Qabyaalad aan asturnayn!!!. WBT

  10. Kooxdii Jeegaantu mareegtiiba way la wareegeen… Iyagoo kaliya baa isu jawaabay, waaba looga guuray…

    Horta AXMED SOMALI maxay ula wada dirirsanyihiin, aniga la garay oo waan kashifaye?…

    Ayaantan 3dii kabiir ee Laalays, Garqaad iyo Dabshid lama hayo, yaryarkii bay nagu soo daayeen, oo caydu ka soo horrayso… kkk

  11. Oday Axmed

    Deegaanka aan ka imid ama kasoo jeedo hadaan magaciisa sito maxaa ku jaban inlayn nin cirka kasoo dhacay naguma jiree ?

    Malaha Oday adigaa deegaan iyo dad lahayn baan filayaa marka waa ay ku dhibaysaa in aad maqasho dad wata magaca deegaankooda jecelna !

    Arinka Qabyaalada aad igu sheegtay waa mid aan Soomaali wayn kala simanahay beena kuu sheegi maayo nin aan bahasha qabyaalada aqoon maantay majiro idinkaana na baray !!! Aniga iyo adigu isku gaban mayno ee caadi iska dhig Oday.

  12. ASC.
    Hobyo Godan, adeer WAA runtaa INAAD Somali kala simantahay Qabyaaladda, BALSE waxaa kaa maqan INAY jirto INYAR oo goosana oo aanba 10%gaarayn oo ka koray damaqa Qabyaaladda. ≈©≈Aniguna Waxaan isku xisaabiyaa INAAN goosankaas ka mid ahay, Tankale Adeer soow ma aragtid Ali Zubeer oo lagu haysto; Sideed qabiil uga kori-karta?!!!, adeer xilligaan Somalinimo sheego, Kelya adayg bey u baahantahay. WBT

Leave a Reply to Ahmed Somali

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented