BAXRAYN IYO ISRAEL oo Gaadhay Heshiis Rasmi ah iyo Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho ( Kalshaale ) Heshiiska oo Mareykanka uu garwadeen ka yahay ayaa lagu saxiixay caasimadda Baxreyn, ee Manama, maalinkii Axadda.

Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xiriirkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Falastiin

Baxrayn hadda waa waddankii afaraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israel tan iyo aasaaskeedii 1948.

Xiriiradaan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay Falastiiniyiinta waxayna ku tilmaamen mid dhabar jebin ah.

Munaasabad ka dhacday Manama fiidnimadii Axada, Baxrayn iyo saraakiisha Israel waxay kala saxiixdeen xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaaraddo.

Warbaahinta Israel ayaa tabisay in dukumiintiga aysan ku jirin wax tix-raac ah oo ku saabsan khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Wasiirka Arimaha Dibada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu rajaynayo “iskaashi miro dhal ah oo dhinac walba ah in uu dhexmaro labada dal.”

Wuxuu sidoo kale ku baaqay nabadda gobolka oo ay ka mid tahay in laba dowladood ahaan loo xaliyo khilaafka Falastiin.

Kooxda Israa’iil waxay raceen dulimaad nooca El Al 973 – iyadoo loo tix-raacayo lambarka wicitaanka caalamiga ah ee Baxrayn – waxayna sii mareen hawada Sacuudi Carabiya iyagoo ruqsad gaar ah ka haysta boqortooyada. Hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa ilaa iyo hadda diidan baaqyada in dib u soo celiyaan xiriirka Israel.

Loolanka iyo cadaawadda gobolka ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa door ka ciyaaray in xiriradan diblomaasiyaddadeed dib loo soo celiyo iyo colaad tobanaan sano jirsatay oo ay uga sii dartay khilaafaadka diimeed, iyada oo Iran loo arka saldhiga awoodeed ee Shiicada Muslimka isla markaana Sacuudi Carabiya waxay isu aragtaa in ay tahay hoggaanka awoodda Muslimiinta Sunniga ah .

Heshiiska ay labada dal gaareen madaxda Falastiin layaab ayey ku noqotay. Afhayeenka madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas wuxuu heshiiskaasi ku tilmaamay “Khiyaano”.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    ALLAAH!!!, aqoon yara Wasiirka Arimaha Dibada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani, Intuu ku arkay iskaashi miro dhal ah oo dhinac walbaa oo lala galo Yahuud?!!!. Yahuud caxdi maleh, Abidkeedna ma gelin Cahdi Xalaala, MID Qiyaano mooye. WBT




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...