IIRAAN oo Siwayn ay u Farxad gelisay Dhamaadka Cunaqabataynka Hubka ee Saarnayd

Muqdisho ( Kalshaale ) Dawladda IIRAAN ayaa soo dhawaysay dhamaadka mudadii cunoqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay saartay oo maanta ku ekayd. Waxay se sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in aanay haatan qorshaha ugu jirin in ay ku talax tagto soo iibsiga hubka.

In kasta oo uu jiro culays Maraykanku saarayo dalalka dunida oo uu ku doonayo in la kordhiyo mudada cunoqabataynta hubka ee Iran saaran, ayaa hadana maanta oo Axad ah ay si rasmi ah arintaasi u soo gabogabowday sida uu dhigayo heshiiskii nukliyeerka ee Iran iyo dawladaha waaweyn ee dunida kala saxeexdeen sannadkii 2015.

Wasiirka arimaha dibadda Iran, Mohammed Javad Zarif, ayaa bogaadiyey arintan waxaanu ku tilmaamay in maantu tahay maalin muhiimad u leh beesha caalamka.

Warbixin ka soo baxday wasaaradda arimaha dibadda Iran ayaa sidoo kale lagu sheegay in Iran dhanka hubka isku filaansho ka gaadhay oo ay hirgelisay qaab ay ku soo saarto hubka intii cunoqabatayntu saarnayd.

Warbixintaas ayaa intaa ku dartay in “qorshaha gaashaan dhigga Iran ay saldhig u yihiin kartida shacabkeeda iyo awoodda dalku. Hase yeeshee dhanka hubka halista ee nukliyeerka ah iyo in kharash badan kaga baxo hubka caadiga ah ba aanay diyaar u ahayn oo aanay meelna kaga jirin istiraatijiyadda difaaca Iran.”

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn hubka ah ku soo rogay Iran 2007, hase yeeshee heshiiskii nukliyeerka ee ay kala saxeexdeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee dudnidu sannadki 2015 ayaa waxa uu si cad u qeexayey in cunaqabataynta laga qaado Iran maalinta Axadda ah 18 Oktoobar 2020.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...