Odayaasha Dhaqanka ee Gaadhay Jowhar iyo Ololaha Doorashada oo Xowli ku socda

Muqdisho ( Kalshaale ) Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Maamulka Hirshabeelle waxaa siwayn looga dareemayaa  Ololaha Doorashada ee Maamulkaasi.

Sidoo kale Qaar ka mid ah odayayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta gaadhay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Oday dhaqameedyadan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Oday dhaqameedyada soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mid ah Imaam Maxamed Yuusuf,Ugaas Maxmed Weli Xuseen Islow,Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdulaahi,Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo qaar kale.

Ujeedka oday dhaqamedyada ay maanta u yimaadeen magaalada Jowhar ayaa ah sidii loo soo xuli lahaa xildhibaanada labaad ee baarlamaanka Hirshabelle.

Mudada xil haynta Dowlad goboledka Hirshabelle ayaa soo gabagabowday iyadoo lagu wado in illaa horaanta bisha soo socota ee November la qabto doorashada madaxweynaha Hirshabelle.

Kalshaale.com

Warar Sugan iyo suugaan

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka Soomaaliya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Weerar ku Qaaday Musharixiinta Ku shirsan Muqdisho
- Nov 25, 2020
Baydhabo ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan ...
Shariifo Cadow oo soo Bandhigtay Su’aal ay Horay Madaxwayne Farmaajo u waydiisay
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maamo Shariifo Cadow oo ka mid ah dadkii sida weyn ...
Daawo Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo Xiisada Liibiya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo ...
AMISOM oo ka hadashay Xaalada Soomaaliya iyo Arinta Doorashada
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxa ciidamada AMISOM, Amb Francisco Madeira oo sidoo kalena ah ...