|

NISA oo Xidhay Wariyihii Ganacsada Cadaan oo Shabaab taageeray Waraysiga ka Qaaday iyo Waxa Baajiyey Waraysiga !

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada NISA ayaa caawa Muqdisho ku xidhay weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadoow oo ka tirsan idaacadda Kulmiye, kaasi oo qaaday wareysigii lala yeeshay Abuukar Cumar Cadaan ee uu ku teegeeray Alshabaab.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Cabdullaahi Kulmiye ayaa waxaa loo haystaa inuu faafiyey wareysi khatar gelin kara amniga ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, iyo inuu faafiyey hadallada qof taageersan Al-Shabaab.

Wareysiga muranka dhaliyey ayaa Abuukar Cumar Cadaan wuxuu si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta.

“Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yiri.

Ciidamada NISA ayaa sidoo kale xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xidhay ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya, waxaana lagu hayaa guri ay ciidanka ilaalo ka yihiin, inkasta oo loo ogol yahay in ehelladiisa ay u tagaan.

Dhinaca kale  Waxaa  xadhigii Abuukar Cumar Cadaan kadib la joojiyay baahinta wareysigii laga qaaday ee sababay inay xidhaan ciidamada ammaanka.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Abgaal oo uu ka dhashay Xaaji Abuukar ayaa la sheegay inay  la xidhiidheen maamulka sare eeIdaacadda Kulmiye, kadibna ay ka dalbadeen in gabi ahaanba la joojiyo baahinta wareysigaas oo dhameystiran, maadaama markii hore qeyb yar ay Idaacaddu u baahisay si hor dhac ah.

Wareysigaas ayaa la filaayey in Sabtidii ay baahiso Idaacadda Kulmiye, balse gabi ahaanba waa la joojiyey, kadib markii ay dalbadeen odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Xaaji Abuukar.

Sidoo kale, qeybtii yareyd ee wareysiga ama goos-gooska aheyd ayay Idaacadda Kulmiye ka saartay Barteeda YouTube-ka.

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34475

Posted by on Oct 18 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “NISA oo Xidhay Wariyihii Ganacsada Cadaan oo Shabaab taageeray Waraysiga ka Qaaday iyo Waxa Baajiyey Waraysiga !”

  1. ASC.
    WADDANKI ma shuuci buu noqday? Mise Farmaaja noqday Kim Jong Un?, WAR soodaaya weriyaha oo u sheega WAXA Nabad gelyada wax u dhimaa oo dhibaato keenikara. WBT

  2. Kkkk

    Kadar oo Shuuci dhal, Walee Guure Habeen oo kale ayaa ii muuqdo.

    Lkn waxaas waxaa eedeeda leh Reer Muqdisho oo Dhulkoodii, Canshuurtoodii iyo Ciidankoodii u dhiibtey COVID-21 OCTOBER.

    * Kam Shuufnaa Siyaad, macaada Laali Deyniile Boy-girl

  3. Virus COVID-21 OCTOBER oo markale Xamar ka dilaacey, waa in markale la Xiro Jidadka Soo Galo Villa Xamar (ex Villa Somaliya) si loo BUUFIYO Cudurka Dilaaga ee KIM JONG UN SHUUCI.

    * Nimaad Taariikh u raadineyso, asaguna u ciilqabo Shuucigii xumaa iyo Jidkii Dheera SOO MAAHAN ILA MEERAYSO.

  4. dabshid
    caku shalay iyo maanta ,shalay seedigeen farmaajo ,maantana ma wuxuu noqdey siyaad yare

  5. Maxuu sameeyey wariyaha ? Shaqsi uu wareystay ayaa qirtay iney Alshabaab ka fiicanyihiin dawlad ku-sheegta ! Hadda waa Alshabaab oo surka u dheereyneysa shacabka Soomaaliyeed !

  6. Kuwiina aan caqliga munaasibka ah waxba laga siin waxaad u egtihiin kuwo aan nadaam iyo dawladnimo Ku dhalan iyo shawaadiin dadka iyo dalkaba neceb alshabaab iyo wixii raaca waa isku mid waa hubaal qofka xaaraan Ku dhashay inuu waxwanaagsan noco

Leave a Reply to gaafaw

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented