Raysal wasaare Rooble oo Madaxda Maamulada u diray Warqad , kadib markii ay Balanta ka baxeen

Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhambaal Xasuusin ah u diray Madaxda maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Waxaa laga Codsaday madaxda maamulada inay soo gudbiyaan Magacyada Xubnaha maamulada ku meteli doona gudiga doorashooyinka, sida uu dhigayey Heshiiskii lagu gaadhay Muqdisho.

Waxaana la dhaafay wakhtigii laga sugayey in maamul kasta uu soo magacaabo 2-Xubnood oo kamid noqon doona Gudiga Doorashada iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka.

Raysal wasaare Rooble madaxda maamulada ayuu ka codsaday inay Xubnahan kusoo xulaan si waafaqsan Shuruucda dalka iyo Habraaca lagu Heshiiyey, iyadoo la tix gelinayo Jadwalka Doorashada.

Waxaa madaxda maamulada laga codsaday inay ugu dambayn soo gudbinayaan 20-ka Bishan aynu ku jirno.

Warqadda loo diray maamulada waxaa sidoo kale laga codsaday inay soo gudbiyaan magacyadda (8) Xubnood oo kamid noqon doona Gudiga maamulka Doorashooyinka, ugu dambayn 20-ka Oktoobar si loogu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee JFS.

Soomaaliya ayaa waxay gelaysaa Marxalad doorasho, waxaana sidoo kale Bilowday Olole ay wadaan Musharixiinta kala duwan ee Damacu uga Jiro Hogaanka dalka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 12)

  1. Hobyo Godan says:

    Dawlad Goboleedyada shalay ayagaa laga joogi waayey oo lahaa Dawlada Dhexe ayaa dib u dhigaysa Doorashada hadana waad aragtaan ayagii baanba diyaar ahayn !!!

    Jaale Rooble waa nin mar hore muujiyey sida uu diyaarka ugu yahay in wax walbo ku qabsoomaan waqtiga loogu tala galay. Mudane Rooble waxaan ku leeyahay waan aragnaa hawsha fiican aad wado dadaalkana halkaa kasii wad ilaa aad xilka ku wareejiso Madaxda kale ee imaan doonta.

  2. Maxamud says:

    Meesha dowlad kama jirto umada beenta kala hortaga.

  3. Hobyo Godan says:

    Waa run hadaad si u fiiriso Dawlad kama jirto Soomaaliya waxaana qaladkaas leh Farmaajo oo Somalida ka qasaariyey 4 sano !

    Laakiin waxaa la yiri ma wanaagsana in qofka Islaamka ah uu quusto walina rajo ayaan qabnaa waxaana Alle ka baryeynaa mid Dawlada Farmaajo dhaanto in Eebe nasiiyo.

  4. Laalays says:

    Waar maqaaxidii kalshaale.ca sidii Xaarmajo ayay musalaf noqotay. Cayayaankii n&n gacantay taageen!

    Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambeye leedahay!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. Ahmed Somali says:

    ASC.
    ASC.
    ***MASHRUUCA BIYO XIREENKA B/WEYNE***.
    Waxaan qaba, in mashruucan Madax looga dhigo RUUX ka soo jeeda Beelaha laga badanyahay oo laga dhawro beelaha Tugada oo ku amartaagleeya Gobalka sida Midda Tan aan ka soo jeedo. ≈©≈Anigu waxaan jeclaalaha, IN MADAX Loga dhigo Aqoonyahan ka soo jeeda beesha MAKANNE. ≈©≈Mahad Salaad AAMUS, Mattabaan waa deggaan Xawaadle Waxaa ku siiyay AUNTE M.S. Barre oo rabay Inaysan Beelaha Aagaa deggaa, aysan u midoobin oo ay ku mashquulaan xinka dhexdooda SI Aysan xukunkiisa dhibaato ugu keenin.≈©≈Adeer, Reer Cilmi Dhurwaa WAXAA keenay Hiiraan adeerkay Aaden AUNTE (Waa taariikh aadan war ka hayn Saan malayn).≈©≈Mahad adeer, tartiibso WAXAA iiga kaa muuqata INAAD is-mahadise.≈©≈Shaqo kuma lihii Jowhar, Walaa Buulo Burti Laakin B/weyne halaga qaado Madaxnimada Gobolka Hiiraan Cidna ka yeelimaayo. WBT

  6. Laalays says:

    Axmed asaasaq wuxuu caawa qiray laba arin oo uu in badan dafirayay.kkk

    1. In Afweyne ahaa munaafaq dadka isku dira. Akhri qoraalkiisa “Mattabaan waa deggaan Xawaadle Waxaa ku siiyay AUNTE M.S. Barre oo rabay Inaysan Beelaha Aagaa deggaa, aysan u midoobin oo ay ku mashquulaan xinka dhexdooda SI Aysan xukunkiisa dhibaato ugu keenin”

    2. Wuxuu kaloo cadeeyay inuu ka dhashay, akhri adba “Waxaan qaba, in mashruucan Madax looga dhigo RUUX ka soo jeeda Beelaha laga badanyahay”

    Sow wuxu waa Yixir!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Laalays adeer, WAAN kula doodi-lahaa Haddaad MASKIYIYAN nin fiyow tahay. WBT

  8. Green man says:

    Ahmad Somali

    Si cadaanka america

    Looga ilaaliyo xukunka

    Waa in America ILHAAN
    OMAR madaxweyne looga
    Dhigaa , waxay lamid tahay
    In reer hiiraan maamulka laga
    Ilaaliyo oo Axmed hangash
    Loo dhiibaa

  9. Ahmed Somali says:

    ASC.
    JIILKAAN ay ka midka yihiin, Green man iyo Laalays WAA kuwey u dhammaatay XITAA qoraaladi ay fahmi làyihiin. WBT

  10. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Laalays adeer, wax “YIXIR” la yiraah ma jiraan EE WAXAA tiraah YAXAR, magacu Waa Yaxye EE Somalidi waagaa ayyaa Kariweysay. ≈©≈Adeer, intaad aqoon ka raadinayso Waxaadan garanayn, Maxaa kuu diiday inaad nasheegato, Tumaal Ama Midgaan Anaa wada ahe. WBT

  11. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Green Man, horta ma gudbeyahaw Markaad wax qorayso, KA billow XARAF Weyn oo HA iska tororoglayne Isticmaal xarfaha; yaabka !!!, joogsiga …, súaasha ??? iyo kuwa la mida. WBT

    • C/Raxmaan says:

      Laaleys ma waxaad mooday inuu dadka dhamaantii yahay sidaada oo kale . Xataa waxaad quuriweyday ood qiriweyday eraygii ahaa : Gaalka dil oo gartiisa sii !
      Qofku markuu iska indhatiraya runta waxuu dadka u sheegayaa inuu yahay YAAHUU WAR I MOOD !




MUUQAAL: Gaadiidka, Hubka iyo Rasaata ay dagaalka ku Qabsatay Azerbajain
- Oct 20, 2020
Istanbul ( Kalshaale ) Gaadiidka, Hubka iyo Rasaata ay dagaalka ku Qabsatay Azerbajain
Madaxwayne Trump oo Qaatay Go’aan Farxad wayn Gelin doona Dalka Suudaan
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Suudaan uu ka ...
Shiinaha iyo Taiwan oo Xiisada ka dhaxaysa ay Isku Bedeshay Gacan ka hadal
- Oct 20, 2020
Muqdisho  ( Kalshaale ) Xiisadaha mudada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa ...
Doorashada Maraykanka oo Meel kulul Maraysa iyo Waxa kala haysta Trump iyo Biden
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka kula loomamaya Aqalka Cad, ...
Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Xukuumadda Cusub ee RW Rooble iyo Codsiga uu Baarlamaanka u diray
- Oct 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ...