Dawladdaha Somalia iyo Talyaaniga oo kala Saxiixday Mashruuc lagu dhisayo Biyo Xidheenka Baladwayne
Muqdisho ( Kalshaale ) Mashruuc isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran ayaa waxaa kala saxiixday dowlada federalka Soomaaliya iyo dowlada Talyaaniga.
Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha R/Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u xiixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.
Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Yuuro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha.
Siihayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay.
Kalshaale.com
Warar Sugan iyo Suugaan
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34466
Talyaani maxaa noo keenay waagi SYL ayaan Ceyriney, haddana waagi USC ayaan ceyriney, Turkey Tolkey ayaaba joogte.
ASC dhamaantiin.
Waxa Somaliya madaxdeeda isku sheego oo uu ugu horeeyo daanyeer Farmaajo waa ciyaala suuq aanan caqli laheeyn oo arkay dad iyaguna caqli xun oo eey ku ciyaaraan.
Hadeer sheekadaan biya xirreen ayaa Baladweeyne loo sameeyn waxeey lamid tzhay dakadda Hobyo ayaan dhiseeynaa markii uu lahaa daanyeer Kheeyre. Waa sheeko dadka caqliga xun lagu qaldo, wax naf leh oo idaacad waligeed ka horyimid beenta eey ciyaala suuqa madaxda isku sheega maalin walba sheega ma aragteen? Daanyeero. Xawaadlaha caqliga xun re maalmahaan qeeylinayay ayaa lagu see in sheekadaa. Daanyeero.
Dalmida
God bless Somalia 🇸🇴
ASC.
Waxaan qaba, in mashruucan Madax looga dhigo RUUX ka soo jeeda Beelaha laga badanyahay oo laga dhawro beelaha Tugada oo ku amartaagleeya Gobalka sida Midda aan ka soo jeedo. ≈©≈Anigu waxaan jeclaalaha, IN MADAX Loga dhigo Aqoonyahan ka soo jeeda beesha MAKANNE. ≈©≈Mahad Salaad AAMUS, Mattabaan waa deggaan Xawaadle Waxaa ku siiyay AUNTE M.S. Barre oo rabay Inaysan Beelaha Aagaa deggaa, aysan u midoobin oo ay ku mashquulaan xinka dhexdooda SI Aysan xukunkiisa dhibaato ugu keenin.≈©≈Adeer, Reer Cilmi Dhurwaa WAXAA keenay Hiiraan adeerkay Aaden AUNTE (Waa taariikh aadan war ka hayn Saan malayn).≈©≈Mahad adeer, tartiibso WAXAA iiga kaa muuqata INAAD is-mahadise.≈©≈Shaqo kuma lihii Jowhar, Walaa Buulo Burti Laakin B/weyne halaga qaado Madaxnimada Gobolka Hiiraan Cidna ka yeelimaayo. WBT
ASC.
***MASHRUUCA BIYO XIREENKA B/WEYNE***.