|

MUUQAAL: Madaxwayne Qoorqoor oo ku Dhowaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab (Daawo)

Guriceel ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  (Qoorqoor) ayaa ku dhowaaqay in Deegaanada Galmudug ay ka sifan doonaan Maleeshiyaadka Alshabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qoorqoor Wuxuu Booqday Ciidamada Xooga dalka  Qaybta 21aad,  Wuxuu xusay inay deegaaanada Galmudug ee ku sugan yihiin  laga saari doono,   Waxaana xusid mudan in mudooyinkii ugu dambeeyay ay Galmudug Xooga saartay Dhismaha iyo Midaynta Ciidamada,  Iyadoona tababar loosoo xidhay Cutubyo kala duwan.

Madaxwayne Axmed Cabdi kaariye  Qoorqoor Wuxuu uga mahad celiyey Ciidamada sida ay Naftooda ugu horaynaan dalkooda.

“Waxaan rabnaa inaan duurka ugu galno, iyo Meel walba oo ay galaan,  Waxay hada ku socdaan waa Dhuumaalaysi,  Waxaanu  ugu  geli doonaa goobkasta oo ay joogaan, waan garab taaganahay ciidamada, waana la socon doonaa”.

“Ciidanka sharafta leh in badan ayaan u mahad celinayaa, waxaa la galay  wakhti ka duwan midkii hore”. Ayuu yidhi Madaxwaynaha Galmudug.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34455

Posted by on Oct 17 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “MUUQAAL: Madaxwayne Qoorqoor oo ku Dhowaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab (Daawo)”

  1. Madaxweynaha Galnus Qoorqoor ma tegi doonaa oo ka surin Calanka Galmudug Xaradheere, Ceeldheer, Ceelbuur, Mareeg iyo 50 tuulo hoos taga..
    I wish him good lucky haduu daanyeerta gabdhaha 13 jir saqiirka ah garcinaya rag dhulka ka xoreeya samaysto, Somalidana ha taageeraan.
    Qoorqoor rag iska dhig oo qabso dhulkaaga.
    🧐

  2. ASC.
    Beshaan Saleebaan, Gardarro kuma aqaan, waxayna ka mid tahay beelaha aan dhaqankooda jeclahay (kuma jiro sheegatada Sida Cadaado ah), INTA shaqsi oon ka bartay ILAA Dhallinyaradi, waa dhimanyahay MID aan barashadiisa ka shallaayo, MARKA LOP Saaxiibow waxaan rajayna INAANAN Qoor Qoor ku Hungoobin (sirmin). WBT

  3. Ahmed Somali
    Salaan sharaf ka dib, wadadii hore ee Galmudug marka tabar isku arkaan Galkacyo weerari jireen oo dagaal cidna ku rayn geli jireen ileen Cumar Maxamud gurigaagii ka carar rag yaqaan maahee…!
    Qoorqoor ha garto dhulka gobolkaaga xoreyso.. guul u rajayn haddii taas garto.👍

  4. ASC.
    LOP Saaxiib, waagii AY Kacaanka iyo Saleebaan colloobeen, Cumar M/muud wuxuu ka mid ahaa Beelaha ay Saleebaanka isugu dhawyihiin, BALSE Waayihii dambe waxaan arkay, Qolyo aan xiriirkaa wanaagsan, AAMBA tixgelinayn oo ay Qabyaaladdi ka TAN badisay.
    ≈©≈Saaxiibow, waxaa kale oon xusuustaa AUNTE Sargaal la dhihijiray, BLACK oo Saleebaan ahaa oo ku dhaawacmay dagaal dhex maray iyyaga iyo Mreexaan OO intuu Mrexaanki qaaday oo dhowr Bilood Daaweynay Markuu Raystana Beeshiisi u soo celiyay. ≈©≈LOP, saaxiibow goormay dadnimadaasi ka suushay Somali?. WBT

  5. Ahmed Somali
    Salaan sharaf ka dib, wadadii hore ee Galmudug marka tabar isku arkaan Galkacyo weerari jireen oo dagaal cidna ku rayn geli jireen ileen Cumar Maxamud gurigaagii ka carar rag yeelaya maahee…!😁
    Qoorqoor ha garto dhulka gobolkaaga xoreyso.. guul u rajayn haddii taas garto.👍

Leave a Reply to Ahmed Somali

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented