Madaxwayne Trump oo Dalbaday in Tallaabo Culus laga Qaado Ilhaan Cumar iyo Xiisad kala dhaxaysa
Nairobi ( Kalshaale ) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Wasaaradda Cadaaladda ka dalbaday inay baaritaan ku sameyso xildhibaan Ilhaan Cumar, isaga oo mar kale weerar culus ku qaaday.
Trump ayaa ku eedeeyey Ilhaan Cumar inay guursatay walaalkeed, ayna si sharci darro ah kusoo gelisay Mareykanka.
Trump oo habeenkii Jimcaha ka hadlayey isu soobax ka dhacay magaalada Ocala ee gobolka Florida ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inuu ku guuleysan doono gobolka Minnesota doorashada November, sababtuna ay tahay Ilhaan Cumar.
“Wey neceb tahay waddankeena. Waxay ka timid meel aysan xitaa ka jirin dowlad, haddana halkan ayey imaneysaa oo waxay noo sheegeysaa sidii aan u maamuli laheyn dalkeena,” ayuu Trump u sheegay taageerayaashiisa.
“Aad ayaad u mahadsan tahay, waa qof dhab ah waa qof cajiib ah waa qof cajiib ah,” ayuu Trump si kajan ah u yidhi.
“Markaad eegto Aqalka [Wakiilada], ee Pelosi waxay neceb yihiin Israel waxayna aaminsan yihiin Omar, oo halkan timid kadibna guursatay walaalkeed, si uu halkan sharci darro ugu yimaado,” ayuu yidhi Trump.
Ilhaan Cumar ayaa marar badan beenisay eedeynta la xiriirta inay guur been ah u sameysay walaalkeed, si ay usoo geliso Mareykanka. Sidoo kale ma jiraan wax caddeymo ah oo la heli karo oo arrintan taageeraya.
Kalshaale.com
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34438
Odaygan armaaba laga gardaran yahay hadiiba lagu haysto tuuladoodii GAROOWE, ILAYN arinta saasay ka dhigan tahaye, gar waa loo islaame, balkana(America) shuraako maahee, SOOMAALI af-dheeraanteeda meel kasta waa galayaan, trump and Biden are finally cousins, MARYOOLEYna waa African
Hadalka Trump kama duwana,
Hadalada Feysal Waraabe, Muuse Suudi iyo Faroole.
Lkn Soomaalida ayaa ah Cunsurigii ka caroodey in la cunsuriyeeyo.
Mogadishu needs Mr Trump
Dabshid
War nin yahaw ishaad ka riday, ninkani balwadiisa waa cadaystay waana lagu doortay “QABYAALAD”
MARYOOLEY sagaal waji bay kuula iman mar waa kula qolo, mar waa cadawgaa, mar waa ku dili, mar waa ku tujin(salaada) waana isku hal nin
Trump baa yaabay…
Somali Galbeed
Soomaalidu waa hypocrite
ASC.
Maraykanku inuu hoos u socdo (decadenza), WAXAA kaaga daliil AH, Inuu M/weynahoodu Marna Amar ka qaato Yahuudda Marna la yoolyootamo Gabar Xildhibaanada. WBT