Ganacsade Muqdisho Caan ah oo Taageeray Alshabaab iyo Ciidanka NISA oo Xabsiga dhigay

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xidhay ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah dadka ugu taajirsan Soomaaliya.

Abuukar  Cumar Cadaan ayaa waxaa lagu eedeeyey taageero Alshabaab iyo dhiiri-gelinta rabshadaha iyo Qaraxyada, Kaidb wareysi uu Jimcihii siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu  si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Alshabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta.

“Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yidhi Abuukar Cadaan.

Dhawaan ayey sidaan oo kale NISA u xidhay walaalkiis Maxamuud Cumar Cadaan, kaas oo lagu eedeeyay inuu la macaamilay Alshabaab.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Wiil hiraab says:

    Xaaji abuukar Cumar Cadaan walaalki
    Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan ayaa
    Horey ugu xiraa dawlada Farmaajo
    Iyo ganacsato waaweeyn o Hawiye
    Marka wixiisu was dagaal doon
    E halo kaadiyo ilaa 8 Febrori
    Wixi saacadaa ka dambeeya casharki
    Adeerki lo dhigey 1991 halo dhigo

  2. Wiil hiraab says:

    Shabaab
    Zakariye Xersi o amniyaadka shabaab
    Madax u ahaa o dadka laayey
    Farmaajana ina adeerki ah sow
    Madax uma aha ciidanka Nisa
    Fahad yaasin Farxaan qaroole dhamaantod sow Shabaab maahin

  3. Dhablibaax says:

    Maasha Allaah.Sheekhu waa geesi,geesina Alla ma xilo.Kufaarta kala fuqawayn goor ay ahaataba insha Allaah waa la xasuuqi waana la baabiin bi,idmi Laah.Intii Alle Swt u hogaansane way guulaysan insha Allaah.Munaafiqiinta,dabadhilifyada kuwa korkana ka ah muslim hoostan hurgumada muslim nacaybku buux dhaafisayna meel ayaa lala marin Illahay fadligii.

  4. Jabhad says:

    Cajiib maalin walba oday wayn oo leh Waa la jiraa in

    UGUS wax xasuqdo horta mala hubaa in loo geeyey

    Sxb kiis aways

  5. Raamaleey says:

    Muslinimo LAGU dagaalamo soomalida WAA KA QALDANTAHAY MABDA MUSLINIMO IYO JIHAAD LAGU DAGAALAMO DADKAAGA XASUUQ DADKAAGA BARA KICI OO YAAN LA DEGIN MAAHA ADUUNKA KA HADH MAAHA DOWLADII TIMAADABA ISKU TAAG MA AHA XALANE WUXUU CIDLA AHAA MUDO 19SANO AH WAXAA KU AG DHAWAA ONLY MALEESHIYO YAAL DAD IYO DUUNYO MIDNA DHAAFIN ABUUKAR CADAANI IYO RAGA GADHKA CASEEYEY XAGAY JIREEN KUWAA MAXAY UGA QABAN WAAYEEN UMADA QABIIL IYO DIIN IS HUWAN IYO DHAC IYO DHIIG WAA XAARAAN LAMA QAADAN KARO ALSHABAAB NIMO LAAYA DADKEENA OO QAXIYA OO CAYR TEEYA OO ANAGA QURA NA XASUUQA DOONI MAYNO QAADANA MAYNO WAXAAN RABNAA DOWLAD SOMALIYA OO DHAN KAHANA QAADA WAXA HOR TAAGANA WAA ALSHABAAB IYO QABYAALAD ISKU MARAN OO IS HUWAN TAASNA WAA XAARAAN IN DADKU DUGSADAAN ALSHABAAB WAXAY LAYSAA DADKA UMADA SOOMALIYEED UGU WAX GARAD SAN OO UGU AQOONTA BADAN SARAAKIISHII SOMALIYEED CULUMADII SOMALIYEED AQOON YAHANADII SOO MAALIYEED HOOYOOYINKII SOMALIYEED CARUURTII SOMALIYEED GANACSATADII SOMALIYEED DHAKHAA TIIR TII SOOMALIYEED WARIYE YAASHII SOMALIYEED MA WAXAAN AQBALAA WIXII QARAX UMAD SOMALIYEED OO AAN WAX BA GALABSAN LAGU XASUUQAY ?
    MAXAAS BAAN AQBALAA YAA QABA DHIIGA DADKAYAGII SUUQYADA LAGU CADAABAYEY
    XISAAB DHAB AH BAA LOO BAHAN YAHAY HUU HAA IYO MIINOOYIN GURIGEENA LAGU DUUGO OO LAGU LAAYO CARUURTEENA HOYOOYIN KEEN IYO WIILASHII QARANKAN SOMALIYEED OO MAALINBA MID LA LEEYAHAY HOOYADAA SOO DIL OO SOO BASAAS OO SOOQARXI OO SOO DHAC XOLAHEDA WAXAAS ISLAANIMO MA AHA QAADANA MAYNO

  6. Ali Zubeer says:

    kkk

    Shabaab baan taageersanahay kulaha.
    Maxay u qarxin waayeen Ugadandheeskas jooga muqdisho iwm oo uu Ugandha lover taageersan yahay?

    Waar miskiinkan ha ka hadho marka hore isticmaalka dekadaha macmalka ah iyo inuu supply gareeyo sanka dhuudhiga Xalane iyo daanyeerta kale ee AMISON inta uusan jihaad ku qaadin ama ka hadlin.

    Those harboring terrorist organization like this old hag must face full force of law.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors




MUUQAAL: Gaadiidka, Hubka iyo Rasaata ay dagaalka ku Qabsatay Azerbajain
- Oct 20, 2020
Istanbul ( Kalshaale ) Gaadiidka, Hubka iyo Rasaata ay dagaalka ku Qabsatay Azerbajain
Madaxwayne Trump oo Qaatay Go’aan Farxad wayn Gelin doona Dalka Suudaan
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Suudaan uu ka ...
Shiinaha iyo Taiwan oo Xiisada ka dhaxaysa ay Isku Bedeshay Gacan ka hadal
- Oct 20, 2020
Muqdisho  ( Kalshaale ) Xiisadaha mudada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa ...
Doorashada Maraykanka oo Meel kulul Maraysa iyo Waxa kala haysta Trump iyo Biden
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka kula loomamaya Aqalka Cad, ...
Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Xukuumadda Cusub ee RW Rooble iyo Codsiga uu Baarlamaanka u diray
- Oct 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ...