|

Wargays sheegay Musharax uu Turkigu taageerayo Doorashada , Maxaase ka Run ah ?

Nairobi ( Kalshaale ) Wargeyksa Africa Intelligence ayaa qoray in dowladda Turkiga ay doorashada Soomaaliya ka dhaceysa taageereyso madaxweynaha iminka talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida warbixinta lagu sheegay, Turkiga ayaa waxaa taageerada Farmaajo ku wehliya dowladda Qatar oo kamid ah Dawladdaha sida wayn u taageersan Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo.

Dalalka Turkiga iyo Qatar ayaa xulufo weyn ku ah siyaasadaha dalal badan, sida Libya, Yemen, Falastiin, iyo Soomaaliya.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in dhowr taageero oo dhowaanahan ay Turkiga siinayeen dowladda Soomaaliya ay ahayd muujin awoodeed oo sare loogu qaadayo magaca dowladda.

Balse Marka laga yimaado Warbixinta Wargaysu uu Qoray Dawladda waxay caan ku tahay inaysan Faraha la gelin Siyaasadda Gudaha ee Soomaaliya, Gaar ahaan Arimaha Doorashooyinka, Waxayna la shaqeeyaan dowlad kasta oo dalka timaadaa, ayada oo la ogyahay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen  Madaxwayne Sheikh Shariif , Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxwayne Farmaajo, muddadii ay ku xukunka hayeen.

Dawladda Turkiga ayaa Saaxiib dhow la ah Soomaaliya,  Waxayna dhinacyo kala duwan ka Caawisaa Xukuumadda Soomaaliya. Oo kamid yihiin Dib u dhiska Ciidamada,  Waxbarashada, Caafimaad iyo Adeegyadda kale ee Muhiimka ah.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34434

Posted by on Oct 17 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Wargays sheegay Musharax uu Turkigu taageerayo Doorashada , Maxaase ka Run ah ?”

  1. Xamar ma waxaa ku kal tami Mudullood iyo Mareexaan.

    1958 to 2020 (62 years )

    Mudullood 29 sano

    Mareexan 21 + 4 = 25 sano

    Habar-Gidir 2+3 = 5 sano

    Majeerten 1 + 2 = 3 sano

    Dalku ilaa uu wax isku darsado shirko maahan, SHIRKAA SHOWRTO.

    No More IS XAMBAAR

  2. dab shid dab sii shid mudulood dagaaladii ayaad heshiin weydeen wadanka wax weyn aad u geysateen waa soomasli iskiin qabataa wadanka dhan la idiinka saaro allshabaab was idinka cali dheere 14 October waa nin hawiye aa dhameeyey dadka
    waxaa insom soo galiyey waa idinka

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented