|

MUUQAAL: Soomaaliya Gurmad Caawimo ah ka Qaybisay Koonfurta Suudaan

Muqdisho ( Kalshaale )  Safaaradda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudan oo kaashaneysa jaaliyadda wadankaasi ayaa 25 tan oo deeq gargaar ah oo ay ugu gurmanayaan dadka ku hanti beelay fatahaadaha ka dhacay wadankaasi ku wareejiyay dowladda Dalkaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Munaasabadda Wareejinta deeqdaasi , ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee caasimadda dalkaas waxaana ujeedku ahaa in bulshada Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiso dadka reer South Sudan ee ku hanti beelay daadadka ku rogmaday Sudan.

Wareejinta raashinka waxaa ka qeyb galey madaxweyne ku xigenka koofurta Sudan mudane Hussien abdilbaqi akoul, wasirka arrimaha baarlamaanka, wasiirka warfaafinta, iyo madax kale oo ka tirsan dowladda wadankaas waxaana  deeqda ku wareejiyay safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalkaas Ambassador Xuseen Xaaji Axmed,madaxda jaaliyadda  Soomaaliyeed ee deeqda soo arrurisay ayaa Iyana goob joog ahaa.

Deeqda ayaa ka koobneyd 25 tan oo rashin nuucyo kala duwan ah waxaana la wareegay oo uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed madaxweyne ku xigenka dalka K/Sudan Hussien abdilbaqi akoul  waxaanu ku amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkiisa kaalinta ay mar wlba ka qaataan ugar gaaridda walaalahooda koofurta Sudan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34424

Posted by on Oct 16 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “MUUQAAL: Soomaaliya Gurmad Caawimo ah ka Qaybisay Koonfurta Suudaan”

  1. Farmaajo caawimaduu bixinayo muu futadiisa ku qarsado!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. Waxay qaybiyeen qaraxyo ileen dadkoodiibaa bakhtiyaaye subxaanalaah been badanaa

  3. Nin baa laga sheegay.
    “Lacagtaan maqdarad geynayee magac ku doonaayo
    Alla magane maan hooyadey maro u soo siisto”
    Haatan bal inta aan gaalo madow cawaan ah magac ka raadsanayo ma qof soomaaliya oo baahan baan waayey

  4. Waxaad aad u baahan thy hadaad bixiso waa sharaf

  5. Asc

    Waa hubaal in dadkeenu waxyaalihi aasaasiga ahaa ay baahi weyn u qabaan, oo ayagu mudnaanta leeyihiin. Hadana markii dhinac kale laga eego, wiil baa aabihii waxuu Ku yiri aabow wax ana waxtar ii ah adna aan wax kaa dhimayn maad hooyo Ku tiraahdid, odaygi waxuu yiri maxaan hooyo u sheegaa, wiilki waxuu yiri waxaad tiraahdaa wiilka haruubka u buuxi.
    Hada 25:ton oo oo waliba ay ganacsatada South Sudan Ka ganacsada wax Ka bixiyeen, xoogaa magacana noo soo jiidaya ma xumo.

Leave a Reply to xaange

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented