MUUQAAL: Soomaaliya Gurmad Caawimo ah ka Qaybisay Koonfurta Suudaan

Muqdisho ( Kalshaale )  Safaaradda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudan oo kaashaneysa jaaliyadda wadankaasi ayaa 25 tan oo deeq gargaar ah oo ay ugu gurmanayaan dadka ku hanti beelay fatahaadaha ka dhacay wadankaasi ku wareejiyay dowladda Dalkaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Munaasabadda Wareejinta deeqdaasi , ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee caasimadda dalkaas waxaana ujeedku ahaa in bulshada Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiso dadka reer South Sudan ee ku hanti beelay daadadka ku rogmaday Sudan.

Wareejinta raashinka waxaa ka qeyb galey madaxweyne ku xigenka koofurta Sudan mudane Hussien abdilbaqi akoul, wasirka arrimaha baarlamaanka, wasiirka warfaafinta, iyo madax kale oo ka tirsan dowladda wadankaas waxaana  deeqda ku wareejiyay safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalkaas Ambassador Xuseen Xaaji Axmed,madaxda jaaliyadda  Soomaaliyeed ee deeqda soo arrurisay ayaa Iyana goob joog ahaa.

Deeqda ayaa ka koobneyd 25 tan oo rashin nuucyo kala duwan ah waxaana la wareegay oo uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed madaxweyne ku xigenka dalka K/Sudan Hussien abdilbaqi akoulĀ  waxaanu ku amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkiisa kaalinta ay mar wlba ka qaataan ugar gaaridda walaalahooda koofurta Sudan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Laalays says:

    Farmaajo caawimaduu bixinayo muu futadiisa ku qarsado!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. Mohamed ahmed says:

    Waxay qaybiyeen qaraxyo ileen dadkoodiibaa bakhtiyaaye subxaanalaah been badanaa

  3. xaange says:

    Nin baa laga sheegay.
    “Lacagtaan maqdarad geynayee magac ku doonaayo
    Alla magane maan hooyadey maro u soo siisto”
    Haatan bal inta aan gaalo madow cawaan ah magac ka raadsanayo ma qof soomaaliya oo baahan baan waayey

  4. Mohamuud says:

    Waxaad aad u baahan thy hadaad bixiso waa sharaf

  5. Inacolow says:

    Asc

    Waa hubaal in dadkeenu waxyaalihi aasaasiga ahaa ay baahi weyn u qabaan, oo ayagu mudnaanta leeyihiin. Hadana markii dhinac kale laga eego, wiil baa aabihii waxuu Ku yiri aabow wax ana waxtar ii ah adna aan wax kaa dhimayn maad hooyo Ku tiraahdid, odaygi waxuu yiri maxaan hooyo u sheegaa, wiilki waxuu yiri waxaad tiraahdaa wiilka haruubka u buuxi.
    Hada 25:ton oo oo waliba ay ganacsatada South Sudan Ka ganacsada wax Ka bixiyeen, xoogaa magacana noo soo jiidaya ma xumo.




Madaxwayne Trump oo Qaatay Go’aan Farxad wayn Gelin doona Dalka Suudaan
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Suudaan uu ka ...
Shiinaha iyo Taiwan oo Xiisada ka dhaxaysa ay Isku Bedeshay Gacan ka hadal
- Oct 20, 2020
Muqdisho  ( Kalshaale ) Xiisadaha mudada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa ...
Doorashada Maraykanka oo Meel kulul Maraysa iyo Waxa kala haysta Trump iyo Biden
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka kula loomamaya Aqalka Cad, ...
Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Xukuumadda Cusub ee RW Rooble iyo Codsiga uu Baarlamaanka u diray
- Oct 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ...
C. C.shakuur oo Weerar ku Qaaday Wasiirka Cusub ee Cadaaladda, Kana hadlay Xukuumadda Rooble
- Oct 19, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay Golaha Wasiirada ee ...