Cali Cosoble oo beesha Xawaadle ugu Baaqay inay dhistaan Maamul kale iyo Mahad salaad oo Jawaab kulul siiyey
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynahii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa bulshada reer Hiiraan ugu baaqay iney dhistaan maamul u gaar ah oo ay ku Gor-gortamaan, Wuxuuna ku baaqay in Beledweyn laga bilaabo howlaha ka socda magaalada Jowhar, wuxuuna si gaar ah ula hadlay beesha Xawaadle uu ku dhiirigaliyay iney ka hor tagaan waxa uu ugu yeedhay fowdada.
Wuxuu aaminsan yahay in Dowladda Federaalka, urur goboleedka IGAD iyo midowga afrikaba ay soo faragalin doonaan xaaladda marka ay qaataan go’aan ku aadan iney iskood wax u qabsadaan.
“Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan. Abgaal reer Baladweyne ah waa idinla joogaan ee ka dhigta madaxweyne ku xigeen, beelaha kale dhamaantoodna waa reer Hiiraan. Xawaadlow ogaada waa la idin riix riixayaa si la idiin tijaabiyo. Ha ku dhicina imtixaanka. Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa. Fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan.
Dhinaca kale Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa aragti ka dhiibtay Hadalka kazoo yeedhay madaxweynahii hore Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa siwayn ula yaabay qoraalka uu soo dhigay masuulkii hore Hirshabelle, wuxuuna u sheegay inuu ka gabay doorkiisii odaytinimo, sidoo kalana qoraalka uu soo qoray uu wax u dhibayo mansabkiisa iyo miisaankiisa.
“Madaxwayne Qofkii Sidan u hadli lahaa , Adigu ma aadan ahayn, Maadaama aad Madaxwayne usoo Noqotay Hirshabeelle, ayna ku wada Tirsanayaan.
Sow ma Moodid doorkii Odayaynta ee lagaa sugayey, inaad ka gaabisay Madaxwayne, Qoraalka aad soo dhigtayna uu dhaawac wayn u gaysanayo Miisaanka aad leedahay, iyo Mudnaanta ay kuu hayaan dadka Reer Hirshabeelle”. Ayuu yidhi Mahad salad. Oo ka jawaabayayey hadalka Cosoble oo bulshada reer Hiiraan ugu baaqay iney sameystaan maamul u gaar ah.
Kalshaale.com
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34415
Dadka noocaa ah sida Jaale Cosoble oo kale ayaa Somalia madax u wada ah from top to the bottom !!
Wadan ba’ay dheh !
Nin Cabsan oo xisku joogin maahan in loo jawaabo, madaxdii Mudullood oo Xawaadle ku jiro, iyo Madaxdii Gugundhabe oo Gaaljel
ku jiro waxey Joogaan JOWHAR JANAAY
– BEES LA HELEY IGA DHEH
Jawaab ma leh Cali madax cadde
Asiga iyo ugaaski madaxa cadaa
Waa laba aalkoleeyste
Xawaadle Hadi ay ku raacana
Waa si kasi wanaagsan
Shabeelada dhexe waxa lagu daraya
Banaadir State
War tanina hirshabelle
Ma sugaysay
Hadalkaaga oo noqda
Mid lagu qoslo waxay
Lamond tahay wax aan
Jirin inaad tahay
Waar badownimada aan sheego ayay ka mid tahay middan oo kale.
Daanyeerkan warkiisa waxaa la mid ah kuwa Iidoor land, Pudhlayn, Jubbaland iyo koonfur galbeed ee lahaa deegaankeenna aynu maamullo beeleed oo sii gaar ah ka samaysanno.
Qarannimooy qaranninnimo iyo dowladnimadu waxay tahay in loo loox jiido sida ay dowladnimadu u shaqeeyso Soomaalida badankeeda.
Maxaa xigi doona…..Tula walba inay maamul goboleed noqoto.
Adduunyo
Viva Soomaaliwayn
Down all Somaali traitors