|

Galmudug oo Horumar ku tartamaysa iyo Qoorqoor oo Furay Jaamac Cusub (Daawo)

Guriceel ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo  ku sugan magaalada Guriceel ayaa ka qeybgalay xafladda Daahfurka Jaamacadda Caynul-Xayat.

Xafladda oo si aad ah loo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin sare oo uu ka midyahay Wasiiro dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan golayaasha Dowladda Galmudug, masuuliyiin ka kala socotay Jaamacadaha waaweyn ee Dalka iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad kooban ka jeediyay xafladda daahfurka Jaamacadda Ceynul Xayat ayaa boggaadiyay aasaasayaashii Jaamacadda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay ahmiyadda ay Jaamacaddan u leedahay deegaanka iyo guud ahaan Gobolka.

Ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa balanqaaday in Galmudug sare u qaadis ku sameyn doonto tacliinta sare oo haatan ah baahiyaha ugu weyn ee ka jira deeganada Galmudug.

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34403

Posted by on Oct 16 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Galmudug oo Horumar ku tartamaysa iyo Qoorqoor oo Furay Jaamac Cusub (Daawo)”

  1. Thats what federal means: gobolkayga la tartansii gobolka kula deriska ah. Yaan lagaa horumar fiican iyo aqoon.
    I see Good future for Somalia.
    Gobolo horumar ku tartamaya ayaa dhismaya anagoo u jeedna.
    Yaan tareenka federalka oo dhaweeya boorka lagaaga tegin, cidna loo joogin maayo hadda federalism socda.
    Barbarkay ka baxdaa waa Bakayle qalato

  2. Qoor Qoor shaqadaada maahan inaad ka buneysato Shaqo ay qabsadeen Shaqsiyaad Rayid ah

    Adiga shaqadaadu waa

    1- Amniga iyo Nabadda Galmudug
    2- dhismaha Jidadka iyo Dekedda HOBYO
    3- Raadinta Mashaariicda iyo dhoofinta Xoolaha

    4. Xiriirka iyo Wadashaqeynta Gobolada BARI IYO SHABEELOOYINKA (gobolada deriskaa).

    – Jaamacad,Hotel,Carwo iyo Caweys waa shaqada Shacabka wadaniyiintaa.

    ” Naga daa Shaqadii Nabad iyo Nolol ee IGU SAWIR

Leave a Reply to Land of Punt

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented