|

MUUQAAL: Xasan Sheikh oo Jeediyey Digniin la xidhiidha Wasiirada Cusub iyo Waraysi uu Bixiyey (Daawo)

Muqdisho ( Kashaale ) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay cawaaqib xukumada ka dhalan karta magacaabis la’aanta xukuumadda federaalka ee laga sugayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble aysan hanaanka doorashooyinka waxna ku kordhi karin, waxna ka dhimi karin, balse ay muhiim u tahay

Waxa uu sheegay in doorka uga aaddan uu yahay fududeyn oo kaliya, “Hadii wax la qaldayo, wax badan waa la haleyn karaa, laakiin doorka hadda u furan xukuumadda, waa inay fududeeyaan dhismaha wasasradaha ay khuseydo howshaan, si ay uga shaqeeyaan sidii ay doorashadu u dhici laheyd” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo is dul taagay howlaha muhiimka ah ee looga baahanyahay xukuumadda cusub ayaa yiri, “In la dhiso xukuumad cusub waa sax, balse wasaaradaha qaar kood oo shaqo ku leh howsha socota, dhismahooda waa in la fudeeyo, si doorashadu dhib la’aan ugu dhacdo, oo dadka xasaasiyaadkooda loo ilaalyo, amniga loo sugo, dhaqaalaha ku baxayana loo fududeyn lahaa, laakiin heshiiska doorashadu waa mid siyaasadeed oo la sharciyeeyay, isla markaana meel yaalla.”

Waxa uu sheegay in ka mucaarad ahaan ay mar hore u diyaar-garoobeen doorashada dalka, isla markaana ayba jeclaan lahaayeen in waqtiga loo qabtay ka hor la qabto.

“Markii la eego mucaaradka diyaar garowgiisa, annagu afartii sano ee lasoo dhaafay wax kaleba kama aanaa shaqeyneyn, waxaan u diyaar garownay doorasho weyn oo qof iyo cod ah inay dalka ka dhacdo, balse hadii loo noqonayo tii 2016-kii, waaba ka fududahay taan fileynay inay dhici doonto, marka wararka dhahaya mucaaradku diyaar uma ahan doorasho, waxba kama jiraan” ayuu yiri madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARAYSIGA

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34398

Posted by on Oct 16 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “MUUQAAL: Xasan Sheikh oo Jeediyey Digniin la xidhiidha Wasiirada Cusub iyo Waraysi uu Bixiyey (Daawo)”

  1. Farmaajo Waa WARIIRI kolba dhan ka galo Marada Eedo Batuulo si uu Waqtiga ugu dheeraysto, sii joogista Villa Xamar.

    Waa in loo qaado HORTA HALAQ MIYAAD TAHEY HADBA LUUQA NOO GALO.

    * Adigoo ka tagayoo oo Xamar ka quustey soo taan ku tiirshoo Rasalwasaare kaa dhigey

    * Adigoo siyaasaba ka maanacey oo
    Kampala Garabka kuu suran oo
    TALIYO TOL ka harey,
    soo taan ku qaado Xoriyo garabka kuu surey.

    * Horta Halaq miyaad tahey, hadba Luuqa noo galo.

    * Dheeraysigu waa maxey, ma Siyaadba ku tabo barey

    Ha go’ine ka kaadso, Taariikh Xumi ma fiucnee.

  2. Wagar

    Walee hawiye daarood

    Ma barto ma weli bay run

    Moodeen kaartada ay reer

    Qurac soo car xariiqeen

    Kani dad iyo dal toona

    Kama tegi doono

    Adeerkii xujaaj

    Baa dhaamay

  3. Adi maxaa kaagalay wasiirada cusub maar dadkii weywada dawakdeen kuye wasiirada cusub caku hawiye madoibe iyo dawlad maxaa kalahaysta

  4. @ dabshid
    Kkkkkk eeshcalaa dignin madasha sanduuqa batuula xujaale

  5. Gaafaw

    Kkkk

    Jaberti waxaa wuu ka dhaartey Cad wareejin, warkoodu waa ama CADKA ama EXILE

    Sayidkii ayaa Leadernimo isu taagey
    EXILE IIMEY ayuu ku dhintey

    Siyaad EXILE Tanzania ayuu ku dhintey

    C/llaahi Yuusuf EXILE Yemen ayuu ku dhintey

    Hadda Madaxweyne yaashii Irir Dalalka Afsoomaaliga ku hadlo ayey wali joogaan.

    * Nimaad Taariikhdiisa Qoreyso, asna EXILE u ciil qabo miyaa heshiin.

  6. Gaafaw intaad wax sheegeysay maantad run ugu dhoweyd(Hawiye iyo dowladnimo maxaa kala heysta)hadalkaas waa iga gadanyhy,hirshabeelaa yaabty

  7. Muwaadinow ama UHURU u codee ama FARMAAJO…

    Waqtigii wax is huwanaayeen laga yimid, waad ogtihiin halka xaal marayo… Cadaw la dirir iyo Cadaw-kalkaal weeye labada saf ee mid dooro…

  8. Jugle sorry Maxamud

    BOOWE AALATAHEY

    Labadii xoolo iyo xero isku darsato ayaa wada xaajooto –

  9. Waar Xasan Sheekh horta halkuu uga hadhay saaxiibkiisa thumma Wallaahi? Mase xeedhadii bay ku dagaallamahayaan?

    Dabshid aka Ugadandha lover

    Horta qabyaaladda icraabkeedu waad ku banjartay kamana xishootid cid kaa akhrisataana ma jirto. Waana mid lagu yaqaan kooxda sheekhaaleed ee Islaaxda ah.

    Laakiin aan ku waydiiye halkay ku dambaysay hadalkaadii haddii doorashada wakhtigeeda ku dhici waydo xabbad baan xamar kaga caydhinayaa Farmaajo ilaa upstate New York.

    Midda kale berigii aad afhayeenka Farmaajo ahayd oo aad golahan ka lahaydeen adiga iyo Garqaad iwm halku dheggii Farmaajo ee dadka, dalka iyo danta qiimaynteeda halkeed geeysay.

    Ma laga yaabaa haddii doorashada ku sheeggan uu ku soo baxo mar kale inaad u guulwadayso sidaadii mase ninkan maartaan ka aslaysaan. kkkkk

    Dalalka afka Soomaaliga ku hadla kulahaa. Miskiin.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

Leave a Reply to Kalsame

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented