|

Muqdisho oo lagu Qabtay Gabadh la Afduubtay iyo Raggii Qaadhiga ku Qaatay

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ku qabtay gaari iyo kooxdii saarneyd oo qof dumar ah ka afduubtay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.

Waxaa la sheegay in ciidamada Booliska ee degmada Dharkeynley ay qabteen gaariga oo nuuca raaxada ah, islamarkaana ay saarnaayeen 3 nin. Gaariga ayaa shalay aroortii hore gabar ka afduubtay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.

“Gaadhigan waxa uu xoog ku jiiray Kontarool ciidan kadib booliska ayaa gaari kale ku ceyrsaday waxaana markii dambe lagu qabtay Dharkeynley, waxaana gudaha gaariga ku jirtay gabar lugaha, gacmaha iyo afkaba ka xiran, hadda waxaan gaariga iyo dadkii saarnaa ku wareejinay CID halka gabadhiina ku wareejinay qoyskeeda,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Muqdisho.

Gabadha la afduubtay oo xubna ka mid ah qoyskeeda aan la hadalnay ayaa sheegay in ay shalay aroortii hore iyadoo adeeg doonatay laga qabtay agagaarka Suuqa Beerta, gaar ahaan meel u dhaw xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni, waxaana lagu ritay gaarigii ay kooxda wadatay.

“Gabadha maro cad oo qoyan ayaa afka loo saaray waana dagaashay ilaa maradii ay dhacdo kadib iyadoo xoogaa miir la’ ayey wateen balse Allah ayaa booliska daba dhigay,” ayey tidhi qof katirsan haweenka degmada Xamar Jajab.

Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay aad looga cabanayaa afduubka dumarka iyo carruurta lamana oga sida xal loogu heli karo. Waalidiin badan ayaa wajahaya xaalad cabsi ah oo ku saabsan afduubka kusoo kordhaya magaalada Muqdisho.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34395

Posted by on Oct 16 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Muqdisho oo lagu Qabtay Gabadh la Afduubtay iyo Raggii Qaadhiga ku Qaatay”

  1. Thats what federal means: gobolkayga la tartansii gobolka kula deriska ah. Yaan lagaa horumar fiican iyo aqoon.
    I see Good future for Somalia.
    Gobolo horumar ku tartamaya ayaa dhismaya anagoo u jeedna.
    Yaan tareenka federalka oo dhaweeya boorka lagaaga tegin, cidna loo joogin maayo hadda federalism socda.
    Barbarkay ka baxdaa waa Bakayle qalato.

  2. Mooryaantu markuu Magaladii god dhurwaa ka dhigeen ayey hadda dadkii gadanayaan.

  3. Waa in la toogto kuwa Gabdhaha Dhibaateeyo.

    Cudurkii Bari laga sheego, gurigaada ka dey ayaan maqli jirey.

  4. Kuwaan waxaa fican in aragti lagu toogto

  5. Waar berigii Maxaakimta joogeen si kasta oo tabar darraayeen haddana waxan oo kale ma dhici jirin.

    Daanyeerta dumarka iyo caruurta iwm afduubaya waa in aragti lagu toogto.

    Sidaa ayaa lagu joojin karaa jariimadan yaabka leh.

    Haddii ay Hayado shisheeeye ama maxalli ah ka dambeeyaan waa in lagu fasaxaa police happy trigger deetana xasuuqaan oo dhegta dhiigga loo daraa.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

Leave a Reply to Hiilqaran

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented