Milatariga Somalia oo ka hadlay Weerar Dhiig badan ku daatay oo lagu soo qaaday

Muqdisho ( Kalshaale ) Militariga Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerar xalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye oo lagu dilay 13 askari.

“Waxaan ka tagnay Afgooye, kadibna waxaan Al-Shabaab ku weerarnay beero ku yaalla duleedka Afgooye,” waxaa sidaas yiri Major Maxamed Cali oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Waxaan dilnay afar mintidiin ah, waxaana ceyrsanay Al-Shabaab. Kadib inta badan ciidankii waa ay soo laabteen waxaana halkaas uga soo tagnay dhowr iyo labaatan askari. Kadibna fiidkii ayey Al-Shabaab soo weerareen ciidankii aan kasoo tagnay waxayna dileen 13 askari,” ayuu xaqiijiyey Major Maxamed Cali.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, iyo dhimashada ciidan ka badan kan ay dowladda qirtay.

“Waxaan dilnay 24 askari, intii kasoo hartayna waa ay baxsadeen,” waxaa sidaas yiri Cabdicasiis Abu Muscab oo ah afhayeenka howl-gallada ee Alshabaab, oo sidoo kale la hadlay Reuters.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in ciidanku ay ku jireen roondo ay ka sameynayeen nawaaxiga tuulada Bullalow markii weerarka lagu soo qaaday.

Askarta dhimatay waxaa ka mid ahaa Gaashaanle Dhexe Cabdalle Cali Mire oo ciidanka haystay.

Kalshaale.com

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Gaadiidka, Hubka iyo Rasaata ay dagaalka ku Qabsatay Azerbajain
- Oct 20, 2020
Istanbul ( Kalshaale ) Gaadiidka, Hubka iyo Rasaata ay dagaalka ku Qabsatay Azerbajain
Madaxwayne Trump oo Qaatay Go’aan Farxad wayn Gelin doona Dalka Suudaan
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Suudaan uu ka ...
Shiinaha iyo Taiwan oo Xiisada ka dhaxaysa ay Isku Bedeshay Gacan ka hadal
- Oct 20, 2020
Muqdisho  ( Kalshaale ) Xiisadaha mudada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa ...
Doorashada Maraykanka oo Meel kulul Maraysa iyo Waxa kala haysta Trump iyo Biden
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka kula loomamaya Aqalka Cad, ...
Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Xukuumadda Cusub ee RW Rooble iyo Codsiga uu Baarlamaanka u diray
- Oct 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ...