Dawladda Turkiga oo Qalab ay ka Heshay Ingiriiska si lama filaan ah ugu Hormarisay Awoodeeda Milatari

Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Turkiga ayey u suuragashay inay qaab kale ku hesho diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee duqeymaha fuliya, kuwaasoo uu horay Mareykanka uga mamnuucay inuu ka iibiyo.

Qaabka ay Ankara ku sameysatay diyaaradahan ayaa ah mid lama filaan ah kaddib markii ay ka faa’iideysteen tiknoolojiyad lagu farsameeyay waddanka UK, taasoo ujeeddo kale laga lahaa.

Gantaallo markii ugu horreysay lagu hindisay Ingiriiska ayaa Turkiga u sahlay inay sare u qaadaan awooddooda dhinaca tiknoolojiyadda, iyadoo hadda khubarada ay ka digayaan khatarta ka dhalan karta arrintaas.

Caawinaaddaas muhiimka ah oo ka timid warshad hubka lagu sameeyo oo ku taalla magaalada Brigton ayaa horseedday in Turkiga uu noqdo waddanka Labaad ee ugu weyn adduunka dhinaca adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu shaaciyay wargeyska The Guardian.

Ankara waxay sidoo kale iskeed ugu biirtay waddamo uu Mareykanka siiyay diyaaradaha noocaas ah oo loogu talagalay “dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada”.

Diyaaradahan uusan duuliyaha saarneyd – oo Turkiga uu ku magacaabay Bayraktar TB2 – waxaa ilaa hadda loo adeegsaday howlgallo waaweyn oo ka dhan ah kooxaha ay Kurdiyiinta hoggaamiyaan ee ku sugan Suuriya.

Dowladda Azerbaijan, ayaa Turkiga ka iibsatay diyaaradaha loo yaqaanno UAV, waxaana la tuhunsan yahay inay u adeegsatay dagaalka ay kula jirto Armenia ee ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Hase yeeshee inta uusan dagaalkaas dhicin ka hor, Turkiga ayaa si rasmi ah ugu soo biiray suuqa milatariga ee lagu iibiyo diyaarada drones-ka, kaasoo ay horay ugu jireen dalal faro ku tiris ah.

Dadka falanqeeya arrimaha milatariga ayaa sheegaya in Turkiga uu si deg deg ah sare ugu qaaday awooddiisa.

Daniel Gettinger, oo ah khabiir ka faallooda arrimaha milatariga ayaa BBC-da u sheegay “in Turkiga uu helay tiknoolojiyad uu waxyaabo badan ku farsameyn karo, haddana uu soo cidhiidhsaday suuqa kala iibsiga saanadda milatariga”.

Qoraaga wargeyska Haberturk, sidoo kalena falanqeeya arrimaha duulista hawada, G√ľntay Lightning, ayaa yidhi: “Turkiga wuxuu kasoo kabanayaa dib u dhacii sannadaha badan uu uga habsaamay suuqa kala iibsiga diyaaradaha.”

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Madaxwayne Trump oo Qaatay Go’aan Farxad wayn Gelin doona Dalka Suudaan
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Suudaan uu ka ...
Shiinaha iyo Taiwan oo Xiisada ka dhaxaysa ay Isku Bedeshay Gacan ka hadal
- Oct 20, 2020
Muqdisho  ( Kalshaale ) Xiisadaha mudada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa ...
Doorashada Maraykanka oo Meel kulul Maraysa iyo Waxa kala haysta Trump iyo Biden
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka kula loomamaya Aqalka Cad, ...
Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Xukuumadda Cusub ee RW Rooble iyo Codsiga uu Baarlamaanka u diray
- Oct 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ...
C. C.shakuur oo Weerar ku Qaaday Wasiirka Cusub ee Cadaaladda, Kana hadlay Xukuumadda Rooble
- Oct 19, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay Golaha Wasiirada ee ...