|

Somaliland oo Xubin ku yeelatay Hay’adda Batroolka ee DF Soomaaliya

Muqdisho ( Kalshaale ) Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa magacowday lix agaasimeyaal madax-bannaan oo ka mid noqon doona boodhka hay’adda Agaasimayaasha cusub ayaa kala matalidoona dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federalka Soomaaliya.

Xubnaha guddiga waxaa ka mid ah Caasho Cismaan Axmed oo ah guddoomiye ku-xigeen, oo mataleysa Maamulka Gobolka Banaadir, Ibraahim Axmed Layte oo matalaya Hirshabeelle, Cabdulqaadir Aadan Maxamuud oo matalaya Galmudug, Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed oo matalaya Koonfur Galbeed.

sidoo kale ka mid ah Axmed Xaaji Cabdi oo matalaya Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdixaafid Cali Dirir oo matalaya Somaliland iyo Mahad Maxamed Xasan oo ka socda Dowlada Federaalka.

Gudiga cusub ayaa loo xilsaaray kor u qaadida warshadaha saliida iyo gaaska iyo in ay hubiyaan in sharciyadda horumarinta maaliyaddeed ee lasoo saaray ay la jaanqaadayaan mabaadi’da sinnaanta, furfurnaanta, la xisaabtanka, daah furnaanta iyo takoor la’aanta danaha dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen ayaa yiri,” “guddigan wuxuu hubin doonaa in dhamaan maamulada xubnaha ka ah ay awoodaan in ay gacan ka geystaan qaabeynta horumarka warshadaha ayna soo jiitaan maalgashi caalami ah si loo kordhiyo soo kabashada dhaqaalaha keydka saliida iyo gaaska Soomaalia.”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay guddigan oo maamuli doona Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed sida aan ka soo xiganay ilo xog ogaal ah yashee waxa aan kala cadayn in Somaliland ay soo magacaawday xubintaan iyo DfS ay iyadu dooratay xubinta matalaysa Somaliland.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=34363

Posted by on Oct 15 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Somaliland oo Xubin ku yeelatay Hay’adda Batroolka ee DF Soomaaliya”

  1. Nin DOQON ah waligiisna aan HAWEEYSAN SHUKAANSI ayaa waxaa guursatey Inan ka naxdey DOOB DOQON AH,

    Hadda NAC NACII oo uusan waligiisba dhadhamiyeen ayey siisey.

    Aan u gudbo gundhiga warkee, Todobo baxii ayaa waxaa soo salaamey Saaxiibadeed.

    Doqonkii Gabdhii Saaxiibada oo joogo ayuu dhahey WAA INAAD II DHIIBTO NAC NACII.

    – Alla yaa Doqon Nac Nac nagu barey ( Haddaad Qaangaartey 1991 Kadib Nac nacu maahan Kan caruurtu dhuuqdo).

  2. Farmaajo oo Daaroodku leeyahey oo Walaale maxaa waaley ninkaan Hawiye ismoodey

    Ayuu wuxuu ciyaalka Xamar iyo Nairobi ugu qudbeeyey,

    Looma maahna in DHAGAX lagu xiro waddooyinka Xamar, EE WAXAA LOO BAAHANYAHEY IN LA DHAHO $100,000 dollar ayaa lagu siin Haddaad Qaraxa soo sheegto. Jidadkuna waa iney furnaadaan.

    Aqristow waad ogeyd iney 4 sano xirnaayeen,

    Maalin dhaweyd KUYE WAXAAN FULIN BALAN QAADKEYGII 2016 ee ahaa In jidadka la furo, taas waaye waxaan dhagaxda looga aruurin EEDO BATUULO STREETS.

    EE REER MUQDISHOW NAC NACII (Xoriyo) markale hala igu siiyo Balan Qaadkii AAN FULIN WAAYEY.

    ” YAA XORIYO DOQON BAREY.

  3. Dabshid sxb runta inaad kawarwareegto ood khiyaali kusheekeyso ayaad jeceshy nin waxbadan usoo joogayna waad u egthy lkn waxaan kuleeyhy sxb hadaan hawiye nahy siyaasada waan kuceebownay qirashada lafteedu waa dadnimo,waan ku ogahy waxaad dhihi doontaa mj ayaad thy aan kuugu dhaarto inaan ceyr ahay

  4. ASC.
    Dawladdi Somali waxay noqotay, ILA MEERAYSADI uu sheegay Akhyaarki Arab. ≈©≈INTEEN KA BAXAA?!!! MEEL ALLE!!!. WBT

  5. ASC.
    ***ARAGTIDEYDA***.
    Farmaajo, wax weyn buu u-qabtay Waddankaan ILAAHAY SWT mahadi, Balse Waxaa ku weyn oo Kartidiisa naaqusin; “Yaan lagu dhihin Waa Daarood Ama Waa Mxaan”!!!. ≈©≈Waxaa lay sheegay inuu JANNADI ALLAHA K/W C/Risaaq Haji Xuseen Tegay magaalada Hargaysa, Dadki soo dhawaynaay Ayyaa Mar qura dhabarka u wada jeediyay, Markaasuu la kaftamay oo ku yiri hadal biya dhiciisu ahaa; Ama sii Jeesta ama soo Jeesta ISKU kuwi umbaa tihiin.≈©≈Waxaan ka wadaa, C/Risaaq halkuu ku dhashay iyo meeshuu yimid Uma kala soocnayn oo damaqa Somalinima ku weyna.≈©≈Haddaba Farmaajow, Waxaa lagaaga Baahanyahay kalsoonidi C/Risaaq iyo Aabaha ee danta ummadda Somali kaliya raac, AMA halagu doorto AMA yaan lagu doorane berdu taariikh baad ka tegiye. ≈©≈Hadda IINTA madow oo iga kaa muuqataa, WAA inaad Gobolladi Waqooyi Dayacday. WBT

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented