Cali Nuur Salaad oo isaga baxay Ololaha Doorashada ee Xasan Cali Khayre

Muqdisho ( Kalshaale ) Agaasimihii hore ee waaxda warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cali Nuur Salaad ayaa shaaciyey inuu gaabi ahaan isaga haray ololaha uu wado musharrax Xasan Cali Khayre oo isku soo taagay xilka madaxweynaha.

Cali Nuur oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii aadka ugu dhowaa Khayre, ayaa shaqada ka tegay maalmo kadib, markii la riday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Kadib is-casilaada uu ku dhowaaqay Cali Nuur Salaad ayaa waxaa lala xiriiriyey inuu qeyb ka yahay ololaha uu doorashada soo socota ugu jiro, Mudane Xasan Cali Khayre.

Agaasimihii hore ee waaxda warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha oo wax laga weydiiyey arrintan ayaa sheegay in uusan hadda qeyb ka aheyn ololaha uu wado Khayre, wuxuuna carabka ku dhuftay in markii horeba uusan u shaqeynin shaqsi, balse uu ka tirsanaa xafiis dowladeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka shaqeynayey xafiis dowladeed ee shaqsi uma shaqeyneynin,” ayuu hadalka ku soo koobay, Cali Nuur Salaad.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan ololaha uu doorashada ugu jiro Khayre ka bilaabay wadamada dariska sida Jabuuti iyo Kenya oo uu booqasho ku tegay.

Si kastaba ha’ahaatee dad badan ayaa rumeysan in Khayre uu waayey xubno fir-fircoon oo laf-dhabar u ahaa ololihiisa doorashada ee uu ku doonayo xilka madaxweynaha.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Adam says:

    Mar uu ka hadlayey qof sida khayr en ku dhacday wuxu yiri abwan caalmadoobe (qofkii i dhugtaaba mays dhigay).abaan..yamyam wuxu yir (nin yohow galabta ila joogey ee godey ka sheekayey)khayre iyo xabada kenya socoto cilia waayey malinta labad casumada uhuuru kkkkkkk




Madaxwayne Trump oo Qaatay Go’aan Farxad wayn Gelin doona Dalka Suudaan
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Suudaan uu ka ...
Shiinaha iyo Taiwan oo Xiisada ka dhaxaysa ay Isku Bedeshay Gacan ka hadal
- Oct 20, 2020
Muqdisho  ( Kalshaale ) Xiisadaha mudada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa ...
Doorashada Maraykanka oo Meel kulul Maraysa iyo Waxa kala haysta Trump iyo Biden
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka kula loomamaya Aqalka Cad, ...
Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Xukuumadda Cusub ee RW Rooble iyo Codsiga uu Baarlamaanka u diray
- Oct 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ...
C. C.shakuur oo Weerar ku Qaaday Wasiirka Cusub ee Cadaaladda, Kana hadlay Xukuumadda Rooble
- Oct 19, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay Golaha Wasiirada ee ...