|

Turkiga “Dagaalku ka istaagi doono ilaa Armenia Isdhiibto iyo Wararkii ugu dambeeyay dagaalka”

Muqdisho ( Kalshaale ) Armenia iyo Azerbaijan ayaa maanta oo Khamiis ah labaduba waxay iska dhega tireen baaqyada caalamiga ah ee xabad joojinta. Dagaalkii gobolka Nagorno-Karabakh ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah wuxuuna umuuqday inuu sii xoogeysanayo.

Madaxweynayaasha Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka ayaa codsi wada jir ah u diray kaas oo sheegaya “xabad joojin deg deg ah”.

Wadamada xabbad joojinta ku baaqey ayaa ku jira waxa loo yaqaan Minsk Group waxaana ay ka wada tirsan yihiin ururka Amniga iyo wada shaqeynta ee Yurub OSSE.

Kooxda Minsk waxay iskudayeysaa inay dhexdhexaadiso colaada ka dhex aloosan Armenia iyo Azerbaijan oo aan wax guul ah laga gaarin tan iyo sanadkii 1992.

Si kastaba ha ahaatee, xulafada ugu weyn ee Azerbaijan, ee Turkiga, ayaa shaaca ka qaaday in aan nabad la heli doonin ilaa ay Armenia ka baxaan Nagorno-Karabakh, halkaas oo ay ka taliso Armeeniya laakiin si rasmi ah uga mid ah dhulka Azerbaijan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa cambaareeyay faragelinta Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka, wuxuuna ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Turkiga ayaa xiriir dhow la leh Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo dadka ku nool waxaa Turkiga lagu eedaynayaa inuu abaabulay calooshood u shaqeystayaal ka socda Siiriya kuwaas oo galay aaga ay colaaduhu ka socdaan si ay uga dagaalamaan dhanka Azerbaijan.

Armenia, dhankeeda, waxay xiriir dhaw la leedahay Federaalka Ruushka, Ruushkuna wuxuu Armenia ku leeyahay ilaa laba saldhig oo milatari.

Ruushka wuxuu siiyaa Armenia dammaanad qaad amni, laakiin kuma jiraan damaana qaadkaasi Nagorno-Karabakh, oo sharciga caalamiga ahi qabo in ay ka tirsan tahay Azerbaijan.

Hoggaanka Armenia ayaa ka caga jiiday inuu Ruushka waydiisto taageero milatari dagaalka ka dhanka ah Azerbaijan iyagoo ka cabsi qaba in taakulaynta lagu xidho shuruudo aan ku haboonayn Armenia oo ay ka mid tahay in ay isaga soo baxaan Nagorno-Karabakh.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=33731

Posted by on Oct 2 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, VIDEO, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented