|

Dagaalkii Azerbijan iyo Armeia oo Lugaha la galay Turkiga iyo Faransiiska iyo Hadalo kulul oo la is dhaafsaday

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta cambaareeyey wax uu ugu yeeray hadallada “aan laga fiirsan ee halista ah,” ee uu Turkiga ku taageerayo Azerbaijan, oo isku dayeysa inay dib u qabsato gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh.

Hase yeeshee Turkey ayaa u jawaabtay, kuna eedeysay Macron inuu taageerayo “qabsashada” gobolka, halkaasi oo uu dagaal xooggan ka socday tan iyo Axaddii.

“Waxaan ka war helay qoraallada siyaasadeed ee Turkey, oo aan u maleynayo inay yihiin kuwa aan laga fiirsan oo halis ah,” ayuu yiri Macron oo booqasho ku jooga caasimadda Latvia ee Riga.

“France aad ayey uga walaacsan tahay hadallada gardarrada ah ee saacidihii tegay kasoo baxayey Turkey, kuwaas oo meesha ka saaraya is-xakameyn kasta oo Azerbaijan ay ka sameyn lahayd dib u qabsashada Karabakh. Taasi lama aqbali karo,” ayuu yiri.

Macron ayaa sidoo kale taageero u muujiyey Yerevan. “Waxaan u sheegay Armenia iyo dadka Armenia, France waxay cayaari doontaa kaalinteeda.”

Turkey ayaa Azerbaijan oo ah dal Islam ah u aragta isbaheysigeeda koowaad.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu oo u jawaabay Macron ayaa yiri “Haddii Macron uusan wax walaac ah ka qabin dhulka Azerbaijan, taageerada uu u muujiyey Armenia waxay la macno tahay inuu taageerayo qabsashada.”

Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo billowday Axaddii ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 100 qof.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=33669

Posted by on Sep 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Dagaalkii Azerbijan iyo Armeia oo Lugaha la galay Turkiga iyo Faransiiska iyo Hadalo kulul oo la is dhaafsaday”

  1. macron nothing he can do war between armania and Azerbaijan he’s looser shutup you’re mouth otherwise can to the war stupid looser,

    Fck

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented