Go’aano lagu Xoojinayo Amniga oo Kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo la sheegay in ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya.

Amarradaan la soo saaray ayaa ah in aqoonsi la weydiiyo qof kasta oo lugeynaya ama gaari saaran, islamarkaana maraya wadada hormarta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidanka ayaa markii hore aqoonsi weydiin jiray wadayaasha gaadiidka waxaase hadda soo kordhay in aqoonsi looga baahan yahay dhamaan dadka gaariga saaran, aqoonsiyadaas oo ah kuwa dowladeed.

Sidoo kale waxaa la xoojiyay in dadka lugeynaya la weydiiyo aqoonsi taasi oo markii hore aheyn joogto, balse hadda laga dhigay joogto ama in qofku damiin maro wadadaasi.

Arintan ayaa waxay Qayb ka tahay Sugida Amniga Caasimadda  iyo goobaha kale ee Muhiimka ah.

Magaalada Muqdisho ayaa Mudooyinkii dambe  ay aad hoos uga dhaceen Weeraradii iyo Qaraxyadii ka dhici jiray, waxaana isbedal laga dareemayaa dhinaca Amniga.

Raysal wasaare Rooble ayaa maalintii shalay kulan la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada, Wuxuuna kala hadlay Xaqiijinta Amniga dalka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Madaxwayne Trump oo Qaatay Go’aan Farxad wayn Gelin doona Dalka Suudaan
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Suudaan uu ka ...
Shiinaha iyo Taiwan oo Xiisada ka dhaxaysa ay Isku Bedeshay Gacan ka hadal
- Oct 20, 2020
Muqdisho  ( Kalshaale ) Xiisadaha mudada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa ...
Doorashada Maraykanka oo Meel kulul Maraysa iyo Waxa kala haysta Trump iyo Biden
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka kula loomamaya Aqalka Cad, ...
Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Xukuumadda Cusub ee RW Rooble iyo Codsiga uu Baarlamaanka u diray
- Oct 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ...
C. C.shakuur oo Weerar ku Qaaday Wasiirka Cusub ee Cadaaladda, Kana hadlay Xukuumadda Rooble
- Oct 19, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay Golaha Wasiirada ee ...