|

MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho

Muqdisho ( Kalshaale )  Magaalada Muqdisho waxaa manta lagu qabtay kulan weyn oo beesha Habargidir ay ku taageereysay musharaxnimada hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Beeshaasi kasoo jeeda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharaxiinta doorashada soo socota ee 2020/2021-ka ayaa waxaa maanta taageero iyo garab istaag u muujiyey beelaha Habargidir.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay bilow u tahay ololihiisa, waxaana lagu tilmaamay taageerada beesha uu ka heysto inay muujineyso in Cabdiraxmaan uu wado dadaal xooggan oo uu codad ku kasbanayo.

Kulankii lagu taageerayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa hoggaanka sare ee dhaqanka iyo midnimada beelaha Habargidir.

Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo ah guddoomiyaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Habargidir ayaa ku sugnaa kulanka waxayna Cabdiraxmaan Cabdishakuur u balan qaaden garab istaag buuxa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in taageerada ay u dhiganto ama ka weyn tahay midda codadka ee ay xildhibaanada wax dooranaya bixiyaan.

Inta Badan Musharixiinta ayaa kulamo kala duwan Qabsada, Kuwaasi oo midkasta Gaarkiisa loogu sheego in la taageeri doono, Balse wax kasta waxay ku xidhnaan doonaan Xiliga doorashada iyo Codadka Sanduuqa aad ka hesho.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=33624

Posted by on Sep 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

19 Comments for “MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho”

  1. Land of punt
    Ina adeeroow axadkaan lamagac baxay kaahin ka dheeroow ha u jawaabin yuusan madaxa kuu galin reer shiikh isaxaaq

  2. Cc shakuur madexweynaha mustaqbalka jamhuriyada somaliya

    • ASC.
      Gaafaw, wax naga soo gaarsii $ uu filqaa C/Raxmaan C/Shakuur AAN barano sida Xaaraanta loo cune!!!. ≈©≈Wararka na soo gaaraa waxay leeyihiin; LACAGTU waa tii uu ku Bedeshay Baddi Somaliyeede. WBT

  3. HG mid kan yar dhaama ma iska waayeen, mise lacagtii Kenya ayaa meesha lagu qaybsaday?…

  4. ASC dhamaantiin.
    Nacalad ayaa ku taal daanyeertaan odayaasha Habargidir isku sheegay ee doqonkaan inta qaddo xun ka cuneen dhahay waan taageeraynaa. Waa beenaalayaal kuwaan raqiiska ah ee qaddo iyo wax yar oo lasiiyo mustaqbalka reerka eey ka been sheegayaan iyo Somali weeyn oo dhan ku ciyaaraya.

    Kuwani just like odayaasha kale ee qabiilada waa kuwa 30 sanno ku qaraabanayay magac beel. Saas oo eey tahay wax eey u qabtaan amaba muhiimad eey leeyahiin ma jirto. Sababtoo ah, 30 sanno xal waa u keeni waayeen dadka eey ka been sheegayaan oo eey sheeganayaan iyo Somalida kaleba [fiiriya odayaasha Isaaqa iyo Majeerteen waxeey xataa u qalmaan in mushaar lasiiyo sababtoo ah, weey xaliyeen danaha iyo maslaxadda qabiiladooda]

    Laakiin kuwaan waa faashiliin. Mana matalaan Habargidir. Waanaba mushkilada umadda heeysata.

    Waxaan ku dhaaran in uusan Cabdirahmaan Abdishakuur aka Ina soo hoyde, amaba sida eey naagta yaxarta ah ee wasiirad Khadiija Diiriya uGu yeertay “ina Maka” in uusan waligiis Cabdirahmaan Abdishakuur Somaliya madaxweeyne ka noqoneeynin Ayaan walaahi bilaahi tollaahi ku dhaaran.

    Dalmida
    God bless Somalia.

  5. Gaafow
    Xuseen cabdi xalane taageer xoolayahow ina shakuur dal laguma aamini karo anaa aqaan ilaa London waa, zero

  6. Kuwaan habargidir maaha xitaa cayr maaha waa habar aji. Habar gidir maanta waxaa utaliya igaar reer xaaji saleebaan ah ku daba fayla nac nac looma baahnee mr qoor qoor

  7. Gedo Land

    KKK

    War maxaad Codka uga qasaarin @ Mr Gaafaw

    Xalane dooro kuye, Gaafaw dabaal miyaa markuu Codka ku qasaarin nin Kablalax ah oon KOR U DHAAFEYN 30 sodon Cod.

    ” Ninkii Tilaabsan hayo ayaa talo la saartaa

  8. Dabshid
    Kkkkk niyada in ogaadeen loodhiso soo maaha hadii kale waa quusanayaan

  9. Cadaado
    War ninyahow magaca ilaahay haku dhaaran cabdiraxmaan cabdi shakuur wixii ilaahay uqoray cid kahor is taagi kartaa majirto war dhaarta sadexda magac ah ee aad kudhaaratay ka toobad keen intay goori goor tahay

  10. Hadiiba Farmaajo Soomaaliya Madaxweyne ka noqday maxaa diidaya in C C Shakuur loo doorto Madaxweyne?

    Waliba Waa codkar hadalka heli og oo aqoonyahan ah dhanka Diintana waxbarasho heer caalami ah ka haysta.

    Isku soo wada doob…. C C Shakuur waliba anigu waxaan qayaasayaa in uu noqon doono Next President.

  11. Gedo Land,
    Ninyahow waxa la hubba sow laguma dhaaran karro. Hadii eey dhaartay been noqotto oo inna Maka, inna soo hoyda Abdirahmaan Abdishakur uu noqdo madaxweeyne waan towbad keeni oo Ilaaheey subxaana tacaalaa waan raali galin. Ee adiga sharad ma galeeynaa in uu noqoneeynin madaxweeyne Somaliyeed ayaan anniga sharad kugula gali $1000 kun dollar ayaan meesha aad rabta iyo qofka aad rabta amaba charity ga aad rabta siin hadii uu doqonkaan madaxweeyne noqdo.

    Midse waan kugu raacsanahay in odayaashaan eey yahiin jaabo jaabo aanan iimaan laheeyn oo raqiis ah oo qaddo iyo wax lamid ah qofka ugu yeera eey u tagayaan.

    Hadii laga dhex arko oo la aqoonsaddo oday sharaf leh oo qadadaas wax ka cunnaya xaal ayaan bixin oo beenlow ayaan ahay, ee aqyaaray noo sheega qof layaqaan oo meeshaas xun la fadhiya doqon Abdirahmaan Abdishakuur.
    Dalmida
    God bless Somalia

  12. SALAAMU CALEEEKUM

    HABAR GEDIR, inta aysan soo raadsan jagada MADAXWEYNAHA, waa in ay SOOMAALI WEYN cafis weydiistaan..

    HABAR GEDIR, inta aysan soo raadsan jagada MADAXWEYNAHA, waa in ay SOOMAALI WEYN u keenaan DAMAANAD, in aysan mar dambe waddanka:

    ++ BILILIQSAN DOONIN
    ++ SHACABKA MASAAKIINTA AYSAN KUFSAN DOONIN
    ++ IN AY SOO CELIYAAN DHAQAALAHA MA-GUURAANKA AH, EE SOOMAALI WEYN WALI KA HAAYSTAAN, SIDA BEERAHA IYO GURYAHA IYO DHULKA..
    ++ IN AYSAN KA SOO MUUQAN SAAXADA SIYAASADA EE HABAR GEDIR OO KALA AH:

    ++ MOORIYAAN GEN INDHA CADDE
    ++ MOORIYAAN GEN. CABDI QAYBDIID
    ++ MOORIYAAN CABDISHAKUUR
    ++ MOORIYAAN CIRFO

    QABIILKA HABAR GEDIR, waxaa laga rabaa in ay diyo ka bixiyaan, dadkii ay xasuuqeen ee SOOMAALIWEYN:

    ++ MOORIYAAN GEN CAYDIID
    ++ MOORIYAAN GEN GOOBAALE
    ++ MOORIYAAN GEN. SEERAAR
    ++ MOORIYAAN CUSMAAN CAATO
    ++ MOORIYAAN PROF. JIMCAALEE
    ++ MOORIYAAN CABDI SALAAD

    Markaas, ka bacde beey HABAR GEDIR, saaxadda soo geli karaan .

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  13. Wuxuu qarka u saaran yahay in loogu yeedho madaxwaynaha somaliya.

    Ummaadaha waxbaa kala haga.Wanaag iyo xumaan ayaa kala haga,laakiin Somaliya Reernimo ayaa kala hagta,xumaantuna waa meesha loo tartamo ee Geesiga,maalqabeenka iyo maamulgoleedka lagu noqdo.

    Ina cabdi shakukuur intii shuruudood ee lagu noqonayay/lagu dulmiyay wadankaasi wasanba wuu buuxiyay.

    Nin fiican maaha,taasi wuu buuxiyay.
    Waa Hawiye oo taasina wuu buuxiyay.
    Shisheeyahana wuu ku xidhanyahay,taasina wuu buuxiyay.

    CV-fiicanna wuu leeyahay.

    Waa ninkii saxeexay heshiiska Kenya kula wareegtay qaybo ka mid ah dhul-Badeedka Somaliya,kadib markii lagu raacay in somaloya iyo Kenya ku heshiiyeen inay yeeshaan xaduud badeedkan cusub.

    Ina cabdi rashiid ayaa ii diray ku lahaa.

    Caamil wanaagsan oo shisheeye.

    Dee hal talaabo uun hore ha qaado.

    Dalmida

  14. MR. BAHAL:

    You drafted for him a very good and constructive CV. Let the SOMALI Population read carefully and then decide.

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  15. Asc

    Mr. Bahal CV rag badan baa lehe, hadhowdi yaan lakala reebin. Ina Cabdirashiid iyo ina Cabdishakuur markay arrinka bada Ku talaxumeysteen maqaalka baan Ka qoray.

    Xeradu Waa Eber

    Marka hore waxaan mahad balaaran u celinayaa bahda Somalitalk oo kaalin lama ilaawaan ah ka qaatey difaaca badda Soomaaliyeed, waxaana Ilaahay ka baryayaa inay ugu guuleystaan siday ugu guuleysteen wareegii hore ee difaaca badda. Marka labaad waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu run ka dhigo odoraska iyo filaasada Sheekh Maxamed Idiris ee ah in ummada Soomaaliyeed xaqeeda daafacan doonto Inshaa Allaah. Inkasta oo sawirka dhabta ah ee muuqdaa kaa ka duwan yahay.

    Waxaa la weriyaa in macalin ajnabi ah oo arday yar yar oo Soomaali ah wax u dhigayey uu weydiiyey so’aal ku saabsan xisaab ka jar ah, waxa uuna ku yiri sadex iyo toban hadii laga jaro labo imisaa soo harta? Caruurtii jawaabtii si deg deg ah waa u bixin waayeen, markaasaa macallinki waxa uu is yiri u fududee oo waliba dadkani xoola dhaqato ayey ka soo jeedaane, tusaale ugu bixi arrin la xiriira xoolaha. Markaasuu waxa uu ku yiri sadex iyo toban neef oo ari ah oo xero ku jira hadii waraabe u soo dhaco oo labo kala baxo imisaa soo hartey? Ardadii oo aan wali jawaabin ayaa macalinki waxa uu yiri soo kow iyo toban neef ma soo harin? Caruurtii waxay yiraahdeen maya, arrinku haduu yahay wax miyi la xiriira macalin anaga kaa badina, xoolo xera ku jira hadii waraabe u soo dhaco qaarna kala baxo inta kalana waa cararaysaa marka xeradu waa eber, xerada xoolo kuma jiraan.

    Dawladaha aduunku intaa waxay u xusulduubayaan oo raadinayaan wax aysan xaq u lahayn iyo sedbursi, mararka qaarkoodna waxa ayba u galaan dagaalo lagu hoobtay, si lo ilaaliyo danaha dawladaas xataa mustaqbalka fog. Sidoo kale dawladahu waxay ku dadaalan xataa inay ilaaliyaan danaha dawladaha danahooda fulinaya, waxa ayna xukunka ka tuuraan kuwa ka dhega adeyga, tusaale fudud dib u eeg sida loo galay Qadaafigii Liibiya iyo sida loo ilaaliyey boqortootayada Baxreyn, ilaa nimanka siyaasada lafaguraa ay ka yiraahdeen waa halxiraale siyaasadeed in Qadaafina la yiraahdo xukunka ka deg boqorka Baxreyn boqor Hamad na la yiraahdo ha la ilaasho. Anagu waxaad moodaa inaan bilcaksi u shaqaynayno, wali ma la hayaa dawlad xuquuqdeedi baddeed ama dhuleed rabta inay ka tanaasusho, waliba ayada oo shacabkeedi ku hayaan war ka daaya, wax ku khasbayana aysan jirin. Fadlan qofkii hayaa ha ii soo sheego.

    Dad badani waxay aaminsan yihiin in arrinkan ay dabada ka riixayaan dalal dano guracan wata, waana dareen saxa marka aad fiiriso sida loogu maman yahay iyo sida aan haba yaraatee wax gorowshiya ah looga bixinayn cabashada shacabka Soomaaliyeed. Maxay tahay dhibta aan shacabku arag oo ay arkaan madaxda dawlada oo kaliya ee ku jirta hadii aan cadeysano xuquuqdeena badeed oo ah 200nm? Xagee iska galaan taako dhukeena ah la bixin maayo iyo waxaan ka tanaasulayaa 96% baddeena? Maxaa dhacaya hadey dawladu si fudud u sheegto in badda Soomaaliya ay horey u cabirneyd, xeerna ka yaalo, Qaramada Midoobayna ay cintiraafsan tahay doodna aysan ka taagneyn? Islaan baa waxaa laga sheegay sacabka hadaan wax ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa. Arrinka saas u cad oo u fudud maxaa ku cusleeyey madaxda dawlada? Maxaa loo la’ yahay mas’uul Soomaaliyeed oo afka soo mariya xuduuda badda qowmiga ah ( territorial waters) oo loogu warwareegayaa aaga ganacsiga gaarka ah (EEZ)?

    Mas’uuliyiinta dawlada Soomaaliyeed waxaan jeclaan lahaa inaan ugu naseexeeyo in hadii uu arrinku aqoondaro yahayna waxaa idinku filan macluumaadka somalitalk soo bandhigtay iyo xogta uu hayo Mas’uulka dawlada ka tirsan ee Admiral Faarax Qare.

    Sheikh Maxamed Idris”Soomaalidu waa tashaneysaa.. Daneheedana wey Difaacaneysa, ninkii rabow taariikhda raac, ninkii rabowna ka har. Liis ayaa jira qormaya..Taariikh ayaa jirta qormeysa” Sheikh Maxamed Idris
    Hadii ay ku talagal tahayna, walaalayaal arrinku xil doon iyo xoolo doon labada ka weyn, saxiixa yar ee fudud waxa uu ummada Soomaaliyeed galin karaa halgan dheer oo naf iyo maalba lagu waayo. Marka hadii iinan dhibaatada dadka iyo dalka Soomaaliyeed haysata waxba ka qaban Karin howga sii darina. Soomaalidu waxay tiraahdaa canaan ka yaab cood ma doojo, hadii aydan idinku ku dhicin inaad tiraahdaan baddeenu waa 200nm xeer baana ka yaal, ugu yaraan waxaa tiraahdaan shacabkayagi saasuu rabaa, waana naga gar leeyahay.

    Shacabka waxaan u soo jeedin lahaa waxay marasaa meel halis ah, waxaana duulaan lagu yahay dalkeena iyo madaxbanaanideena, ee bal dhowr bilood qabiilka intaan khaanada ku soo xirano booskiisi aan galino difaaca badda Soomaaliya, oo mudaharaadyadii waaweynaa oo aan dhigi jirey markii jifadeena la taabto aan ku badalo midaan u dhigayno difaaca baddeena, waxaa la sheegaa in qolooyinka badda duulaanka ku ah ay tixgalinayaan rabitaanka shacabka e.

    Cabdiraxmaan Salaad

  16. http://somalitalk.com/2011/badda/difaac45.html

    Sorry, qoraal yar oo aan Ku jirin originalka baa iga soo raacay, halkaas ayaad Ka daalacan kartaa original ka

  17. Madama dorashada lagu gelayo 4.5 dee nin walba

    Waa isa soo sharixi karaa oo hada HG ma waxay

    Iska soo hor mariyeen INA MAKO shekh sharif oo

    Ahaa madaxii argagisada somaliya haduu dalkan

    Madaxwayne usoo noqday nin walbow soo diyaar

    Garoow

  18. Nin walba ceesaantii ceelka keen !!

    Beelaha Hiraab waxaa u sharaxan Xilka Madaxweynaha sidatan.

    Abgaal Cusmaan 37 tartamayaal

    Habargidir 4 tartamayaal intaan maqlay

    Hiraab Vs Hiraab. Finale

Leave a Reply to Inacolow

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented