|

Wasiir Bayle Muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda Qaramada Midoobay oo uu horkacayey James Swan oo ah Wakiilka QM ee Soomaaliya, waxay ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha dalka.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in si gaar ah ay uga wada hadleen isbadalka iyo horumarka Maaliyadda Soomaaliya, isaggoo xusay in Xafiiska UN ka ee Soomaaliya uu u balan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada bulshada Soomaaliyeed.

“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu horkacayo Mr James Swan wakiilka gaar ka ah ee Soomaaliya. Waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo horumarka Maaliyadda Soomaaliya, Xafiiska UN ka ee Soomaaliya waa saaxib muhiim u ah horumarka iyo taageerada Dalka, waxa ayna noo balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada bulshada Soomaaliyeed” ayuu yidhi Wasiir Beyle .

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=33616

Posted by on Sep 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented